Get Involved Today!
|
Register

Somali Believers

God has the answers

  • Home
    Home This is where you can find all the blog posts throughout the site.
  • Categories
    Categories Displays a list of categories from this blog.
  • Tags
    Tags Displays a list of tags that have been used in the blog.
  • Login

SOONTA RUNTA AH

Posted by on in Uncategorized
  • Font size: Larger Smaller
  • Hits: 3792
  • 3 Comments
  • Print

Soontu waxay qayb muhiim ah ka tahay nolosha caabudaadeed ee Masiixiyiinta. Baybalka dhexdiisana waxaa ku jira tusaalooyin badan oo ah kuwo dadkii Ilaahay aaminsanaa oo soomaya. Daanyeel iyo dadkii Israa’iiliyiintu waxay soomeen saddex maalmood iyo saddex habeen oo Ilaahay ka baryeen inuu ka badbaadiyo xasuuqii iyaga lala rabey (Esteer 4:16), Daa’uud wuxuu u soomay caafimaadkii wiilkiisii (2 Samu’eel 12:15-23), boqorkii reer Nineweh wuu soomay, isaga iyo dadkiisiiba, kaddib markii uu nebi Yoonis iyaga u sheegay inuu Ilaahay magaaladooda halaagi dooney (Yoonis 3:5), Ciise ayaa markuu hawshiisii bilaabayey afartan habeen iyo afartan maalmood soomay (Matayos 4:1-11), xertii ciise ayaa iyagana lagu yaqaaney soon iyo salaad (Falimaha Rasuullada 13:1-5; 14:20-24). 

In kasta oo aan Masiixiyiinta lagu amrin inay wakhti khaas ah soomaan, haddana Baybalku wuxuu soonta u tusayaa inay tahay mid wanaagsan, oo faa’iido ruuxiyan ah u leh qofka Masiixa ah. Baybalka dhexdiisa, soonka iyo salaaddu mar kasta way isku ladhan yihiin ama isla socdaan. Badanaa waxay dadku xoogga saaraan raashinka aan la cunayn, laakiinse ujeeddada dhabta ah ee soonku waa in diiradda la saaro in si buuxda Ilaahay la isugu dhiibo oo Isaga la isku halleeyo, innagoo tusayna inaynu daacad ka nahay xidhiidhka aynu Isaga la leenahay. Soontu waxay inaga caawinaysaa inaynu mar kale nolosheena imtixaano oo aynu cusboonaysiino oo Ilaahay isu dhiibno. 

Soonka ujeeddadiisu maaha in nafta la ciqaabo laakiinse in nafta dib loogu soo jeediyo Ilaahay. Marka aynu indhaheena ka duwno waxyaaha adduunkan waxaynu awoodeynaa inaynu ku guuleysano inaynu feejignaanteena u soo jeedino Ilaahay. Soontu maaha hab aynu Ilaahay kaga raadineyno inuu inoo sameeyo waxa aynu dooneyno. Soontu Ilaahay ma beddeleyso, laakiinse waa inay nafteena is beddel ku samaysaa. 

Soontu maaha ficil aynu ku tusayno inaynu kuwa kale ka ehlu-diinsannahay, laakiinse waa inaynu u samaynaa si is hoosaysiin leh iyo dabeecad farxadi ka muuqato. Matayos 6:16-18, ayaa sidan odhanaysa, “Kolkaad soontaan ha ahaanina sida labawejiilayaashu u fool qulubsan yihiin, waayo, way isfoolxumeeyaan si ay dadka ugu muuqdaan inay sooman yihiin. Runtii waxaan idinku leeyahay, Abaalgudkoodii way heleen. Laakiin adigu goortaad soontid, madaxaaga saliid marso oo fool dhaqo, si aadan dadka ugu muuqan inaad sooman tahay, laakiin aad ugu muuqatid Aabbahaaga meel qarsoon ku jira, oo Aabbahaaga waxa qarsoon arkaa waa kuu abaalgudi doonaa." 

Sida Baybalka ku qoran, dadkii Ilaahay adeeci jirey waxay soomi jireen marka aanay farxadi jirin, oo ay naxariista Ilaahay aadka ugu baahnaayeen, waayo, ama noloshoodii diineed ee shakhsiyanka ahayd ayaa khatar ku jirtey ama bulshadii ay markaa ku dhex noolaayeen ayaa Ilaahay ka fogaatey. 

Ugu dambaysta, aayadahan ayaa Ilaahay inagu tusayaa waxa ay dhab ahaantii soontu tahay iyo waxa aanay ahayn, iyo inay ka weyn tahay shakhsi cunto ka soomay, laakiinse ay tahay in sidoo kale saamaynteeda laga arko bulshada oo dhan dhexdeeda. Nebi Ishacyaah oo noolaa 700 oo sanno Ciise kahor ayaa isaga oo Ruuxa Quduuska ahi isticmaalayo sidan ka yidhi soonka. Ishacyaah 58:1-12:

Aad u qayli, oo waxba ha iskula hadhin, codkaagana sida buun oo kale kor u qaad, oo dadkayga xadgudubkooda u sheeg, oo reer Yacquubna dembiyadooda u sheeg. Laakiinse iyagu maalin kasta way i doondoonaan, oo waxay jecel yihiin inay jidadkayga ogaadaan. Sidii quruun xaqnimo samaysay oo aan innaba amarkii Ilaahooda ka tegin waxay i weyddiistaan amarro xaq ah, oo waxay aad u jecel yihiin inay Ilaah ku soo dhowaadaan. Waxay leeyihiin, Bal maxaannu u soonnay oo aad u arki weyday? Bal maxaannu naftayada u dhibnay oo aad u daymoon weyday? Bal eega, maalintii aad soontaan waad iska raaxaysataan, oo shaqaalihiinna oo dhanna waad dulantaan. Bal eega, idinku waxaad u soontaan dirir iyo dood keliya, iyo inaad feedhkii sharnimada wax ku dhufataan. Maanta uma soontaan si codkiinna xagga sare looga maqlo. Soonkii aan doortay ma waxaas oo kalaa? Ma maalin nin naftiisa dhibo baa? Ma inuu madaxisida cawsduur u foororsho, oo uu hoostiisa dhar joonyad ah iyo dambas ku goglo baa? Waxaa ma waxaad tidhaahdaan, Waa soon iyo maalin Rabbigu aqbali karo? Sow kanu ma aha soonkii aan doortay in silsiladihii sharnimada la furo, oo guntimihii harqoodka la debciyo, oo kuwa la dulmay la xoreeyo, oo aad harqood kasta jebisaan? Sow ma aha inaad kibistaada ka gaajaysan u gooysid, oo aad masaakiinta aan hoy lahayn gurigaaga soo gelisid, oo markaad aragtid mid qaawan aad wax huwisid, oo aadan xigtadaada aad isku jiidhka tihiin ka dhuuman? Oo markaas iftiinkaagu wuxuu u soo kaahi doonaa sida kaaha waaberi, oo bogsiintaaduna dhaqso bay u soo bixi doontaa, oo xaqnimadaaduna way ku hor socon doontaa, oo ammaanta Rabbiguna way ku daba socon doontaa. Markaasaad dhawaaqi doontaa, oo Rabbiguna waa kuu jawaabi doonaa, waad u qayshan doontaa, oo isna wuxuu ku odhan doonaa, Waa i kan. Haddaad dhexdaada ka fogaysid harqoodka, iyo farta fiiqiddeeda, iyo hadlidda sharka ah, oo haddaad ka gaajaysan quudkaaga siisid, oo aad nafta dhibaataysan dherjisid, markaas iftiinkaagu gudcur buu ka soo dhex kaahi doonaa, oo madowgaaguna wuxuu noqon doonaa sida hadh cad oo kale. Oo Rabbiguna had iyo goorba wuu ku hoggaamin doonaa, oo iyadoo abaar ah ayuu naftaada dherjin doonaa, lafahaagana wuu adkayn doonaa, oo adna waxaad noqon doontaa sida beer la waraabiyey, iyo sida il biya ah oo aan innaba biyeheedu gudhin. Oo kuwaaga ayaa meelihii hore oo burburay dhisi doona, oo waxaad sara kicin doontaa aasaasyada qarniyada badan, oo waxaa laguugu yeedhi doonaa Jabniinkabe, iyo kan jidadka cusboonaysiiya si loo dego.”

Soonta runta ahi waa inay keentaa is hoosaysiin, naxariis, iyo caddaalad, kuwan oo aan ku koobnayn bil la qoondeeyey oo keliya, laakiinse ah kuwo sannadka oo dhan jira, wanaaggeeduna waa inuu gaadhaa ama laga dhex arkaa bulshada oo dhan. 

Ilaahay ha idin barakeeyo. Aamiin

0

Comments

  • Guest
    proud to be muslim Wednesday, 15 October 2014

    Subxanaallah... war Illaaheeygii idin abuuray ka cabsada somaliyeey masiix''.. what kind of religion? Inaa lilaah Nabi ciisa waxa u ka mid yahay 25ka nabi ee illaahey e emahan in la caabuda somaliyeey allahii idin abuuray ka cabsada.... waxaa idin leeyahay

    Illaaheey ha iddiin soo hanuuniyo hanuunka allaa iska leh.. wa bilaahi towfiiq

  • Guest
    proud to be muslim Monday, 03 November 2014

    subxanallah ilahay ka baqa somaliyey ma hada galnimo cadeysaten wlhi waa inan iska kiin ilaalinaa wixi idin dhalay iyo asalkiini muslim ayey ahaayen ee maxa idin dhalan rogay ilahay ka baqa oo diintina dib ugu so laabta taas ayaa adun iyo akhiraba idin anfaceysee

  • Guest
    Wasuge Friday, 31 July 2015

    Soomaliyey ilaah ka Cabsada u toobadkeena Waa luntene ilaah Ha idin hanuniyo nabi Ciise waxa .U Kamid yahay 25 nabi oo Allah subxanahu watacala uu inoo soo diray war qatarta a ad faafineysiin
    Joojiya Allah dambi dhaaf waydiista

Leave your comment

Guest Thursday, 23 November 2017

S5 Box

Register

*
*
*
*
*
*

Fields marked with an asterisk (*) are required.