Get Involved Today!
|
Register

Somali Believers

God has the answers

  • Home
    Home This is where you can find all the blog posts throughout the site.
  • Categories
    Categories Displays a list of categories from this blog.
  • Tags
    Tags Displays a list of tags that have been used in the blog.
  • Login

CIIDUL-ADXA: ALLABARIGII IBRAAHIM

Video shared by on in Barashada Baybalka (Bible Study)
  • Font size: Larger Smaller
  • Hits: 3942
  • 0 Comments
  • Print

Islaamku wuxuu sannadkiiba u dabaaldegaa laba ciidood oo waaweyn - Ciidul-Fidri iyo Ciidul-Adxa. Ciidul-Fidriga oo la qabto marka bisha ramadaan dhammaato, iyo Ciidul-Adxa oo ku aaddan laba bilood ramadaanka kaddib, bisha Zil-Haj, markaas oo xoolo allabari ahaan loo qalo, tan oo lagu xasuusanayo allabarigii uu Ibraahim doonayey inuu willkiisii u bixiyo. Wadaadada Muslinka ah badankoodu waxay sheegaan inaan wax xidhiidh ahi ka dhexayn allabarigan iyo dhimashadii uu Ciise iskutallaabta allabari ahaanta innaga inoogu dhintay. Haddaanu Masiixiyiin nahay waxaanu rumaysannahay in allabarigii Ibraahim lahaa waxyi ama muujin qoto dheer, oo uu tusaale u ahaa allabari ka weyn oo soo socdey.

Bal aynu horta noloshii Ibraahim eegno. Wax xidhiidh ah ma ka dhexeeyaa sida Quraanka iyo Baybalku tan ugaga hadlayaan? 

 RUMAYSIGII IBRAAHIM 

Markii uu Ibraahim 75 sanno jirey, ayaa Ilaahay isaga la hadlay oo u sheegay inuu waddankiisii ka tago oo uu tago waddan cusub, oo wuxuu Ilaahay isaga ku yidhi, "Quruun weyn baan kaa dhigi doonaa, oo waan ku barakayn doonaa" (Bilowgii 12:1-3). Quraankuna isla sidan ayuu odhanayaa, "Waxaan kaaga yeeli doonaa dadka Imaam" (Suurat al Baqarah 2:124). 

Ibraahim dhulkiisii wuu ka tegey, laakiinse maadaama uu da' weynaa oo ay xaaskii Saaray ma dhaleys ahayd, wuxuu isagu is weydiiyey inuu midiidinkiisii Eliiceser kii reer Dimishiq isaga dhaxli dooney iyo in kale. Ilaahay wuxuu isaga ugu ballanqaaday inuu wiil uu isagu dhalay dhaxli doono. (Bilowgii 15:4). Ibraahim wuu ogaa inaanay caadiyan suurtagal ahayn inuu wiil dhalo waayo xaaskiisu ma-dhalays bay ahayd isaguna wuu gaboobey. (Bilowgii 18:11). 

Waxaynu is weydiin karnaa, haddaba, muxuu Ibraahim u rumeeyey Ilaahay? Rumaysigiisu ma sidii 'Inshaa-alaah' oo kaluu ahaa? "Haddii Ilaahay yidhaahdo waxba kama qabo, hadduusan odhana waxba kama qabo?". Maya, Ibraahim aad buu Ilaahay ugu dhowaa oo u aaminsanaa. Isagu Rabbiga ayuu rumaystay oo Ilaahna taas wuxuu ugu tiriyey xaqnimo. (Bilowgii 15:6) Rumaysigiisu muu ahayn mid shaki ku jiro, waayo wuxuu ogaa in, "Eray kasta oo Ilaah daahir yahay" (Maahmaahyadii 30:5), oo uu isagu awoodo inuu sameeyo wixii uu ballanqaaday. Wuxuu ogaa inuu Ilaahay laftiisu arrintan soo faragelindooney, si mucjiso leh, oo ay u dhici doontay sidii uu Isagu ballanqaaday. 

Haddaba, xaggee ayuu Ismaaciil dhacdooyinka ka soo geleyaa? 

10 sanno kaddib markii ballanqaadyadan Ibraahim la siiyey, ayay Saaray ka cabatay inaanay awoodin inay carruur dhasho. Saaray ayaa Ibraahim kula talisay inuu guursado haweeneydii u shaqayn jirtey (booyaasadeedii) Haagaar, si ay isaga carruur ugu dhasho. Haagaar-na way u uuraysatay Ibraahim, tan oo keentay inay Saaray iyada ka masayrto, oo ay Haagaar lama degaankii u erido. (Bilowgii 6) Dabadeedna Ilaahay ayaa Haagaar ku amray inay dib ugu laabato Saaray, oo waxay iyadu dhashay Ismaaciil oo macnihiisu (Ilaahay wuu maqlaa/dhegeystaa). Ismaaciil wuu koray, oo 13 sanno ayaa ka soo wareegtey. Ibraahim wuxuu u maleynayey inuu farcankiisu Ismaaciil ka imaan doono. Laakiinse Ilaahay ayaa mar kale hadlay, oo Saaray wiil u ballanqaaday. Wuxuu ballanqaaday inay iyadu noqon doonto hooyada quruumaha oo dhan (Bilowgii 17:16). 

Mar dambe ayaa waxaa dhashay Isxaaq iyada oo uu Ibraahim 100 sanno jiro. Sidoo kale Quraankuna wuxuu marka hore ka hadlayaa Ibraahim, dabadeedna in Ismaaciil iyo Isxaaq ay isaga u dhasheen. In iyaga waxyi la siiyey, dabaadeedna waxyi la siiyey Muuse, kaddibna Ciise. Suuratul al Baqra 136) Laakiinse waxyiga uu Quraanku ka hadlayaa waa Islaamka. 

Bal Isxaaqna ka waran? 

Ilaahay dhalashadii Ismaaciil uguma ballanqaadin Ibraahim. Isagu marna muu sii sheegin ama kama sii waxyoon dhalashadii Ismaaciil, sidii iyada oo war wanaagsan ah. Wuxuu keliya oo ka hadlay Isxaaq, wiilkiisii ugu horreeyey ee la ballanqaaday. Quraanka laftiisa ayaa tan ogol oo meelo badan ku sheegaya. Dhalashadii Isxaaq oo keliya ayaa laga sii waxyoodey, ee maaha tii Ismaaciil. Dhalashadii Isxaaq ayaa sidan looga hadlay, "Waxaan kuugu bishaaraynay Isxaaq oo Nabi suuban ah" (Suurat As Saaffaat 112). Waxaynu ognahay inuu Isxaaq ka dhashay ruuxa Ilaahay, ama doonistiisa. 

Markii uu Isxaaq koray, Ismaaciil ayaa ka masayray barakooyinkii Isxaaq loogu ballanqaaday (Bilowgii 21:9). Isaga ayaa barakooyinkaas isla doonayey. Ilaahay ayaana hore Ibraahim ugaga digey inay tani dhici doonto (Bilowgii 21:10), oo wuxuu Ibraahim u sheegay inuu isaga iska diro. Ibraahim wuxuu markaa ku noolaa dhulka Falastiiniyiinta ilaa uu Isxaaq ka qaangaadhayey. Haddana, wuxuu rajeynayey inay riyadiisii rumowdo. 

Ku amarkii Allabariga 

Ma Ismaacii buu ahaa mise Isxaaq kii la amray allabari loo bixiyo? Kee buu Ilaahay ballanqaadyada siiyey? "Markaasuu ku yidhi, Hadda kaxee wiilkaaga keligiis ah, kan aad jeceshahay, oo ah Isxaaq, oo u kac dalka Moriyaah; oo halkaas isaga sida allabari la gubo ku dul bixi buuraha middood oo aan kuu sheegi doono" (Bilowgii 22:2). Ismaaciil markaa lama joogin Ibraahim qoyskiisa, ee Isxaaq oo keliya ayaa joogey. Quraanka lafiisuna allabarigan wuu ka hadlayaa; "Oo markii wiilkii koray inuu Ibraahim la hadli karo, wuxuu nebi Ibraahim isaga ku yidhi, Wiilkaygiiyow waxaan ku arkay hurdada anoo ku gawrici ..." (Suurat As Saaffaat 100-102). In kasta oo uusan Quraanku macaga Isxaaq halkan ku sheegeyn, haddana waa inuu kani Isxaaq noqdaa, waayo isagu waa wiilka keliya oo Quraanku sheegayo in Ibraahim loogu ballanqaaday, ee la barakeeyey, "Waxaanu ugu bishaareyney Isxaaq, Nabi suuban, waana barakaynay Ibraahim iyo Isxaaqba " (Suurat As Saaffaat 112, 113). Barakadan iyo ballanqaadkan marna Ismaaciil lama siin. 

Waxay ahayd inay tani aad uga nixisay Ibraahim, inuu wiilkii loo ballanqaaday ee dhaxalkiisa ahaa, ee farcankiisu ka imaan dooney uu haddana allabari u bixiyo. Laakiinse rumaysiga Ibraahim ee uu Ilaahay ku qabey aad buu u weynaa, oo wuu ogaa inuu Ilaahay yahay quduus iyo xaq.

a) Isaga waa la imtixaamay si loo tijaabiyo inuu jacaylka uu Ilaahay u qabey ka weynaa ka uu wiilkiisa u qabey.

b) Waxay ahayd inuu amarkan u eego ballanqaadkii Ilaahay isaga siiyey ee ahaa inuu farcan badan u yeeli dooney - sida xidddiga cirka. 

Waxay ahayd inuu Ibraahim ku fekerayey inay jirtey si keliya oo uu Isxaaq carruur ku dhali karey kaddib marka uu isagu dhinto: waxayna ahayd inuu Ilaahay awoodo inuu isaga dhimashada ka sarakiciyo. Wuxuu Ibraahim garowsaday inuu markii horeba Isxaaq mucjisada Ilaahay ku dhashay, markaa uu Ilaahay awoodey inuu haddana dhimashada ka sarakiciyo, oo wiilkiisa Isxaaq loo soo celiyo (Cibraaniyada 11:17-19). Quraanka laftiisuna wuxuu (Suurat Al Baqarah 260) ku sheegayaa Ibraahim oo ka hadlaya inuu Ilaahay dadka dhimashada ka soo sarakicin karo. 

Maxay Ahayd Muhiimadda Allabarigani? 

Ibraahim oo diyaar u ah inuu wiilkiisii allabari u bixiyo ayaa wan loogu beddeley. Ibraahim rumaysigiisu wuu weynaa. Isaga waxaa loogu ballanqaaday inuu aabbaha quruumaha oo dhan noqon doono. Taas si dhaba ayuu u aamisnaa, sidaas ayuuna noqon dooney. Ruuxiyan Ilaahay ayaa ah aabbaha quruumaha oo dhan. Ilaahay waa daacad iyo aamin. Ibraahim wuxuu arkay inuu Ilaahay isaga tusaale ahaan u isticmaalayey oo metelayey aabbaha jannada jira (Ilaahay), oo uu wiilkiisana sidaas oo kale Ilaahay u isticmaalayey inuu hordhac ama muujin u noqdo waxa dhici dooney, ee Ilaah samayn dooney, waayo dhalashadiisii, allabarigiisa, iyo sarakicintiisa (waayo isaga meeshii allabariga loogu bixinayey ayaa laga badbaadiyey iyadoo mindidii lagu hayo), waxay dhammaan ahaayeen run weyn oo ruuxiyan ah. 

Ibraahim ayaa Isxaaq ku yidhi, "Ilaah qudhiisaa keeni doona wankii allabariga la gubo loo bixin lahaa" (Bilowgii 22:8). Ilaahayna taas wuu oofiyey, oo Ilaahay wuxuu Ibraahim ku yidhi, "Waxan aad samaysay aawadood, iyo wiilkaaga aadan iga lexejeclaysan, kaas oo ah wiilkaaga keligiis ah aawadiis ayaan nafsaddayda ku dhaartay inaan barako ku barakayn doono, oo aan farcankaaga u tarmin doono sida xiddigaha cirka" (Bilowgii 22:16-18). 

Tani miyaanay Injiilka kuu geyneyn? Ibraahim wuxuu arkay Injiilka Masiixiyiinta oo kaami ah. Ilaahay ayaa noloshii Ibraahim u isticaamalay sidii tusaale ama hordhac ama waxyi: inuu Isagu (Ilaahay) adduunka u soo diri dooney Wiilkiisa Ciise Masiix, kaas oo ka dhalan dooney farcankii Ibraahim, si barakadii uu quruumaha oo dhan ugu ballanqaaday dhab ahaantii u dhacdo, oo uga dhacdo dhimashadiisii uu allabari ahaanta iskutallaabta ugu dhintay si uu dadka oo dhan badbaado ugu noqdo, oo dhimashadii uga sarakaco Isaga oo maanta Ilaah la jooga oo la leh amaantii uu weligiis Isaga la lahaa.

Waa Inaan Fiiro Gaar ah u Yeelanaa: 

Inuusan Ciise lahayn aabbe bini'aadan ah ee uu farcankii Ibraahim ku ahaa dhinaca Saaray. Ilaahay ayaa Ciise aabbe u ah. Ruuxiyan, sidoo kale Ilaahay innagana Aabbaheen. Markii ay Yuhuuddu wacdiskii Ciise su'aaleen wuxuu ugu jawaabey, "Aabbihiin Ibraahim waa ku reyreeyey inuu maalintayda arko, wuuna arkay oo ku farxay" (Yooxanaa 8:56). Ibraahim wuxuu ahaa inuu isagu tusaale ka bixinayey wixii dhici dooney. Ilaahay ma weydiisan inuu Ibraahim wiilkiisa allabari u bixiyo si uu u jacaylka uu Isaga u qabo u imtixaamo oo keliya, laakiinse sidoo kale si uu u tuso jacaylka weyn ee uu Ilaahay isaga u qabey ilaa uu siiyey jid uu imtixaankaas kaga baxo. Wuxuu isagu tilmaameyey mustaqbalka markaas oo uu Ilaahay Laftiisu wiilkiisa adduunka u soo dirayey si uu qof kasta allabari ugu noqdo. 

" Ilaah intuu dunida jacayl u qabay ayuu siiyey Wiilkiisa keliya oo dhashay in mid kastoo isaga rumaystaa uusan lumin laakiinse uu lahaado nolosha weligeed ah" (Yooxanaa 3:16). "Oo taas jacayl baa ku jira, mana aha inaynu Ilaah jeclayn, laakiinse isagaa ina jeclaaday, oo wuxuu Wiilkiisa u soo diray si uu kafaaraggudka dembiyadeenna u noqdo" (I Yooxanaa 4:10). 

Ciidul Adxada 

Sannadkiiba hal mar ayay Muslimiinta adduunku xusaan jacaylka weyn ee ay Ibraahim u qabaan, waayo wuxuu isagu diyaar u ahaa inuu wiilkiisii allabari ahaan u bixiyo. Waddamo badan oo Islaam ah xoolo aan iin lahayn ayaa weli lagu allabaryaa. 

Maalin kasta Maxiixiyiinta adduunku waxay xasuustaan jacaylka xad dhaafka ah ee uu Ilaahay u qabo bini'aadanka, Isaga oo doonay inuu Wiilkiisa allabari inoogu bixiyo, si uu hal mar oo kama dambays ah inoogu tuso jacaylka weyn ee abadiyanka ah ee uu inoo qabo, iyo inuu nolosha weligeed ah innaga inala doonayo. Allabarigani dhammaan buu u furan yahay, waana ka keliya ee kama dambaysta ah ee ay tahay inaynu aqbalo si aynu Ilaahay xidhiid fiican ugula yeelano oo aynu nolosha weligeed ah Isaga ula lahaano. 

(Xigasho: St. Farancis Magazine)

0

Comments

  • No comments made yet. Be the first to submit a comment

Leave your comment

Guest Tuesday, 19 September 2017

S5 Box

Register

*
*
*
*
*
*

Fields marked with an asterisk (*) are required.