Get Involved Today!
|
Register

Somali Believers

God has the answers

  • Home
    Home This is where you can find all the blog posts throughout the site.
  • Categories
    Categories Displays a list of categories from this blog.
  • Tags
    Tags Displays a list of tags that have been used in the blog.
  • Login

Posted by on in Uncategorized

Soontu waxay qayb muhiim ah ka tahay nolosha caabudaadeed ee Masiixiyiinta. Baybalka dhexdiisana waxaa ku jira tusaalooyin badan oo ah kuwo dadkii Ilaahay aaminsanaa oo soomaya. Daanyeel iyo dadkii Israa’iiliyiintu waxay soomeen saddex maalmood iyo saddex habeen oo Ilaahay ka baryeen inuu ka badbaadiyo xasuuqii iyaga lala rabey (Esteer 4:16), Daa’uud wuxuu u soomay caafimaadkii wiilkiisii (2 Samu’eel 12:15-23), boqorkii reer Nineweh wuu soomay, isaga iyo dadkiisiiba, kaddib markii uu nebi Yoonis iyaga u sheegay inuu Ilaahay magaaladooda halaagi dooney (Yoonis 3:5), Ciise ayaa markuu hawshiisii bilaabayey afartan habeen iyo afartan maalmood soomay (Matayos 4:1-11), xertii ciise ayaa iyagana lagu yaqaaney soon iyo salaad (Falimaha Rasuullada 13:1-5; 14:20-24). 

In kasta oo aan Masiixiyiinta lagu amrin inay wakhti khaas ah soomaan, haddana Baybalku wuxuu soonta u tusayaa inay tahay mid wanaagsan, oo faa’iido ruuxiyan ah u leh qofka Masiixa ah. Baybalka dhexdiisa, soonka iyo salaaddu mar kasta way isku ladhan yihiin ama isla socdaan. Badanaa waxay dadku xoogga saaraan raashinka aan la cunayn, laakiinse ujeeddada dhabta ah ee soonku waa in diiradda la saaro in si buuxda Ilaahay la isugu dhiibo oo Isaga la isku halleeyo, innagoo tusayna inaynu daacad ka nahay xidhiidhka aynu Isaga la leenahay. Soontu waxay inaga caawinaysaa inaynu mar kale nolosheena imtixaano oo aynu cusboonaysiino oo Ilaahay isu dhiibno. 

Soonka ujeeddadiisu maaha in nafta la ciqaabo laakiinse in nafta dib loogu soo jeediyo Ilaahay. Marka aynu indhaheena ka duwno waxyaaha adduunkan waxaynu awoodeynaa inaynu ku guuleysano inaynu feejignaanteena u soo jeedino Ilaahay. Soontu maaha hab aynu Ilaahay kaga raadineyno inuu inoo sameeyo waxa aynu dooneyno. Soontu Ilaahay ma beddeleyso, laakiinse waa inay nafteena is beddel ku samaysaa. 

Soontu maaha ficil aynu ku tusayno inaynu kuwa kale ka ehlu-diinsannahay, laakiinse waa inaynu u samaynaa si is hoosaysiin leh iyo dabeecad farxadi ka muuqato. Matayos 6:16-18, ayaa sidan odhanaysa, “Kolkaad soontaan ha ahaanina sida labawejiilayaashu u fool qulubsan yihiin, waayo, way isfoolxumeeyaan si ay dadka ugu muuqdaan inay sooman yihiin. Runtii waxaan idinku leeyahay, Abaalgudkoodii way heleen. Laakiin adigu goortaad soontid, madaxaaga saliid marso oo fool dhaqo, si aadan dadka ugu muuqan inaad sooman tahay, laakiin aad ugu muuqatid Aabbahaaga meel qarsoon ku jira, oo Aabbahaaga waxa qarsoon arkaa waa kuu abaalgudi doonaa." 

Sida Baybalka ku qoran, dadkii Ilaahay adeeci jirey waxay soomi jireen marka aanay farxadi jirin, oo ay naxariista Ilaahay aadka ugu baahnaayeen, waayo, ama noloshoodii diineed ee shakhsiyanka ahayd ayaa khatar ku jirtey ama bulshadii ay markaa ku dhex noolaayeen ayaa Ilaahay ka fogaatey. 

Ugu dambaysta, aayadahan ayaa Ilaahay inagu tusayaa waxa ay dhab ahaantii soontu tahay iyo waxa aanay ahayn, iyo inay ka weyn tahay shakhsi cunto ka soomay, laakiinse ay tahay in sidoo kale saamaynteeda laga arko bulshada oo dhan dhexdeeda. Nebi Ishacyaah oo noolaa 700 oo sanno Ciise kahor ayaa isaga oo Ruuxa Quduuska ahi isticmaalayo sidan ka yidhi soonka. Ishacyaah 58:1-12:

Aad u qayli, oo waxba ha iskula hadhin, codkaagana sida buun oo kale kor u qaad, oo dadkayga xadgudubkooda u sheeg, oo reer Yacquubna dembiyadooda u sheeg. Laakiinse iyagu maalin kasta way i doondoonaan, oo waxay jecel yihiin inay jidadkayga ogaadaan. Sidii quruun xaqnimo samaysay oo aan innaba amarkii Ilaahooda ka tegin waxay i weyddiistaan amarro xaq ah, oo waxay aad u jecel yihiin inay Ilaah ku soo dhowaadaan. Waxay leeyihiin, Bal maxaannu u soonnay oo aad u arki weyday? Bal maxaannu naftayada u dhibnay oo aad u daymoon weyday? Bal eega, maalintii aad soontaan waad iska raaxaysataan, oo shaqaalihiinna oo dhanna waad dulantaan. Bal eega, idinku waxaad u soontaan dirir iyo dood keliya, iyo inaad feedhkii sharnimada wax ku dhufataan. Maanta uma soontaan si codkiinna xagga sare looga maqlo. Soonkii aan doortay ma waxaas oo kalaa? Ma maalin nin naftiisa dhibo baa? Ma inuu madaxisida cawsduur u foororsho, oo uu hoostiisa dhar joonyad ah iyo dambas ku goglo baa? Waxaa ma waxaad tidhaahdaan, Waa soon iyo maalin Rabbigu aqbali karo? Sow kanu ma aha soonkii aan doortay in silsiladihii sharnimada la furo, oo guntimihii harqoodka la debciyo, oo kuwa la dulmay la xoreeyo, oo aad harqood kasta jebisaan? Sow ma aha inaad kibistaada ka gaajaysan u gooysid, oo aad masaakiinta aan hoy lahayn gurigaaga soo gelisid, oo markaad aragtid mid qaawan aad wax huwisid, oo aadan xigtadaada aad isku jiidhka tihiin ka dhuuman? Oo markaas iftiinkaagu wuxuu u soo kaahi doonaa sida kaaha waaberi, oo bogsiintaaduna dhaqso bay u soo bixi doontaa, oo xaqnimadaaduna way ku hor socon doontaa, oo ammaanta Rabbiguna way ku daba socon doontaa. Markaasaad dhawaaqi doontaa, oo Rabbiguna waa kuu jawaabi doonaa, waad u qayshan doontaa, oo isna wuxuu ku odhan doonaa, Waa i kan. Haddaad dhexdaada ka fogaysid harqoodka, iyo farta fiiqiddeeda, iyo hadlidda sharka ah, oo haddaad ka gaajaysan quudkaaga siisid, oo aad nafta dhibaataysan dherjisid, markaas iftiinkaagu gudcur buu ka soo dhex kaahi doonaa, oo madowgaaguna wuxuu noqon doonaa sida hadh cad oo kale. Oo Rabbiguna had iyo goorba wuu ku hoggaamin doonaa, oo iyadoo abaar ah ayuu naftaada dherjin doonaa, lafahaagana wuu adkayn doonaa, oo adna waxaad noqon doontaa sida beer la waraabiyey, iyo sida il biya ah oo aan innaba biyeheedu gudhin. Oo kuwaaga ayaa meelihii hore oo burburay dhisi doona, oo waxaad sara kicin doontaa aasaasyada qarniyada badan, oo waxaa laguugu yeedhi doonaa Jabniinkabe, iyo kan jidadka cusboonaysiiya si loo dego.”

Soonta runta ahi waa inay keentaa is hoosaysiin, naxariis, iyo caddaalad, kuwan oo aan ku koobnayn bil la qoondeeyey oo keliya, laakiinse ah kuwo sannadka oo dhan jira, wanaaggeeduna waa inuu gaadhaa ama laga dhex arkaa bulshada oo dhan. 

Ilaahay ha idin barakeeyo. Aamiin

0

Posted by on in Uncategorized

"Ilaah ha ku ammaanmo meelaha ugu sarreeya, xagga dhulkana nabad ha u ahaato dadka ka farxiya Ilaah dhexdooda." (Luukos 2:14) 

Qisada dhalashada Masiixu waa mid farxad, dabbaaldeg iyo rajo ah. Akhbaarkeeda ku saabsan nabad adduunku helo iyo badbaado bini'aadanka u sugnaatay ayaa ah mid aad u awood badan, taas oo ah mid aan maanta aad ugu baahannahay isla sidii loogu baahnaa habeenkii uu Sayidkeenu Beytalaxam ku dhashay 2,000 oo sanno ka hor. 

Weli adduunku waa mid ay kala qoqobeen diimo kala duduwan, qabiilo cadaawadi ka dhexayso, siyaasad, dhaqaale iyo cabsi. Waa adduun ay baqdin badan oo joogto ahi haysato iyo dagaal mar kasta qarxi kara. Iyada oo aan dagaalladii hore weli la xallin ayaa kuwo cusubi qarxaan, dad aan waxba galabsan ayaa la laayaa, baahida qaxootiga iyo kuwa gaajaysani way sii korodhaa uun, oo waxaa meel kasta ka jira hubaal la'aan. Waa mid la fahmi karo haddii aynu nabadda u qaadano mid aan suurtogal ahayn oo aan marna la gaadhi karin.

 Waa run oo inta ay dagaallada iyo colaaduhu sii socdaan oo ina kala qaybaybinayaan innagu si dhaba uma heli karno akhbaarka Ciidda Dhalashada Masiixa ee nabadda ah.

 Laakiinse akhbaarka Ciidda Dhalashada Masiixu wuxuu ina siinayaa RAJO. 

Rajo ah inaynu ka guuleysan karno caloodda. Rajo ah inaynu xallin karno dhibaatooyinka ah gaajada, qaxootinimada, caddaaladdarada iyo faqiirnimada adduunka ka jirta. Rajo ah inaynu garowsano oo qiimeyno diimaha ama caqiidooyinka kuweena ka duwan oo aynu iidahooda iyo dabbaaldegyadooda tixgelino. Rajo ah inaynu abuuri karno adduun leh caddaalad iyo nabad. Rajo ah inaynu abuuri karno adduun ay dadka oo dhammi mustaqlbal wanaagsan yeeshaan. 

Akhbaarka Ciidda Dhalashada Masiixa ee ah nabad adduunka u sugnaatay waa dadaal iyo ficil joogto ah oo uu midkeenba ka kale ku daryeelayo. Waa iyada oo aynu isla weynaanta ku beddello dulqaad iyo is fahan. Waa iyada oo aynu dadka ku xooggeyno oo ku kaalmayno inay noloshooda beddelaan oo horumariyaan. Waa iyada oo aynu u shaqayno caddaalada. Waa iyada oo aynu dadka oo dhan uu aragno walaalaheen; dad noloshooda, hamigooda iyo baahiyahoodu ay u qiimo badan yihiin sida kuweena.

Midkeen kastaa wuxuu leeyahay awood uu caawimaad kaga geysto inuu nabad keeno ama dhaliyo oo uu qaybta uu adduunka kaga noolyahay kaga dadaalo inay noqoto meel sidii shalay maanta ka nabadaysan. Waxaynu sidan ku samayn karnaa innaga oo dooranayna inaynu u dhaqano si naxariis, caddaalad iyo dulqaad leh.

Haa, waa inaynu qof kasta tusnaa tixgelin iyo dulqaad. Waa inaynu cadhada u gaabinaa oo u degdegnaa inaynu kuwa kale dhegeysano. Waa inaynu kuwa kale waxa ay ku wanaagsan yihiin weyneynaa halkii aynu khaladaadkooda ka buunbuunin lahayn. Baayacmushtarkeenu waa inuusan noqon mid dadka lagu dhacayo, laakiinse waa inuu noqdaa mid ku dhisan naxariis iyo fiiro dheeraad ah oo aynu u yeelano baahida iyo awoodda dhaqaale ee kuwa kale. Waa inaynu deriskeena ka war haynaa; inay haystaan cunto iyo hoy, iyo inay carruurtoodu waxbarasho haystaan iyo in kale. Sidaas ayaynu waddada nabadda ku jeexi karnaa, oo tani waa mid joogto ah oo aan dhammaad lahayn.

Wakhtigan ayaynu waddo nabadeed oo cusub bilaabi karnaa, innaga oo daaweyneyna colaadaha, cadhada iyo rajo la'aanta inagu hareeraysan, oo bogsiinayna dhaawacyada bulshadeena. Innaga oo isku duuban ayaynu nabad keeni karnaa. Taasi waa inay midkeen kasta shakhsi ahaan qalbigiisa uga bilaabataa, dabadeedna aynu ficil ahaan u muujinaa, maalin kasta.

Ciise wuxuu yidhi, "Nabad baan idiinka tegayaa, nabaddaydana waan idin siinayaa, sida dunidu u siiso anigu idiin siin maayo. Qalbigiinu yuusan murugoon, yuusanna biqin." (Yooxanaa 14:27)

Waxaan idiin rajeynayaa Ciid wanaagsan iyo Sannad Cusub oo barakaysan.

 

0

Posted by on in Uncategorized

    

Buuga xayle                      

 “JIDKII NABADDOONKA”, waa buug uu qoray Axmed Cali Xayle, kaas oo ahaa macallin jaamacaddeed iyo nabaddoon aad looga yaqaaney waddanka Soomaaliya gudihiisa iyo dibaddiisaba. Laakiinse ta ugu muhiimsani waa inuu isagu ahaa nin Masiixi ah, kaas oo dadkiisa Soomaaliyeed aad u jecel. Waxaa isaga buuggan ka weriyey nin la yidhaahdo David W. Shenk oo ay isaga muddo dheer saaxiib ahaayeen. Axmed wuxuu geeriyoodey 26 Abriil, 2011, maalin kaddibna waxaa luuqadda Ingiriiska lagu daabacay buuggan xasuus qorkiisa ah ee la yidhaahdo “Teatime in Mogadishu”, kan oo sannad kaddibna af-Soomaali loogu turjumey “Jidkii Nabaddoonka”.

Kani waa buug aad u qiimo badan, oo run ahaantii ah hadiyad weyn oo uu Axmed uga tegey dadka Soomaaliyeed kuwaas oo uu aad u jeclaa, oo uu intii uu noolaa oo dhan u adeegayey. Buuggu wuxuu ka hadlayaa dhinacyo kala duduwan oo noloshii Axmed ah; qoyskii uu ka dhashay, dhalashadiisii, dhallinyarinamadiisii Muslinimo iyo bulshadii uu ku soo dhex koray, sidii uu Masiixiga ku noqday, waxbarashadiisii, reerkiisa iyo adeegyadii kala duduwanaa ee uu dadka Soomaaliyeed u qabtay, ha noqoto dhinaca horumarinta ama dhinaca nabadaynta e. 

Aad baa buuggan looga baranayaa oo looga fahmayaa wax ku saabsan dhaqanka Soomaalida, heerarkii kala duduwanaa ee ay siyaasadda Soomaaliya soo martay, iyo siyaalaha kala duduwan ee ay Soomaalidu nabaddaynta u sameeyaan. Waxaa kaloo buugga laga baranayaa sida uu Axmed, Masiixi ahaan, u arko jidka kama dambaysta ah ee lagu gaadhayo nabad waarta, kaas oo ah nabadda uu Ciise Masiix keenay ama bixiyo. 

Mid kamid ah dadkii fikraddooda buuggan ka dhiibtey oo la yidhaahdo Dr. John Azumah oo ah Agaasimaha sare ee Centre for Islamic Studies, London School of Theology (UK) ayaa sidan ka odhanaya buugga Axmed: 

Sida Axmed uga hadlayo hababka uu dhaqanka Soomaalida ee Islaamka ahi nabadda iyo caddaaladda u keeno ayaa keeneysa in su’aalo muhiim ah oo Injiilka iyo dhaqanka ku saabsan la is weydiiyo. Jacaylka weyn ee Axmed u hayo nabad lala yeesho Islaamka iyo iyaga oo la nabadeeyo ayaa muhiimad aad u weyn u leh xidhiidhka ka dhexeeya Masiixiyiinta iyo Muslimiinta.” (Jidkii Nabaddoonka, Multi-Language Media, 2012).

Sida ay aniga ila tahay, ma jiro buug kan ka qiimo badan oo Soomaalida la xidhiidha oo soo baxay labaatankii sanno ee ugu dambeeyey, hubaashiina weligeed buug kan oo kale ah Soomaalida lagama qorin. Waxaan ku talinayaa inuu akhriyo qof kasta oo soomaaliya oo awoodaa, gaar ahaan kuwa maanta Soomaalida dhexdeeda ka haya jagooyin hoggaamineed, ha noqdeen madaxda siyaasadeed ama kuwa ururo bulsheedba.

Waa kuwan cinwaanada buuggan laga helayaa; af Soomaali iyo af Ingiriisi-ba. 

Af-Soomaali: MULTI-LANGUAGE MEDIA, Ephrata, PA, USA: www.multilanguage.com

Af-Ingiriis: HERALD PRESS, Harrisonburg, VA, USA: www.heraldpress.com

 

Rabbigu ha idin barakeeyo intaad akhriyaysaan buuggan qiimaha leh.

                       

                                  

0

Posted by on in Uncategorized

Waxaan xasuustaa markii ugu horreysey ee aan Baybalkaygii ugu horreeyey helay, oo aan bilaabay inaan akhriyo. Nin Muslin ah oo dhallinyaro ah, oo weliba Soomaali ah ahaan, aad baa waxyaalihii aan Baybalka ka akhriyey oo dhammi iiga yaabiyeen ii soo jiiteen. Haddana in kastoo ay i soo jiiteen, qaarkood waxay markaa u ekaayeen kuwo aanay suurtogal ahayn in la sameeyo ama lagu dhaqmo, waayo markaa weli Masiixi maan ahayn oo maan fahansaneyn jacaylka Ilaahay. Mawduuceena maantu waa mid kamid ah waxbarashooyinka berigaa aadka iigu cusbaa, aadkana ii soo jiitey, laakiinse igaga yaabiyey sidii loo samayn lahaa.

Sidan ayaynu ka akhrinaa Injiilka sida uu Matayos u qoray 5:43-48: 

Waad maqasheen in la yidhi, Waa inaad deriskaaga jeclaatid oo cadowgaaga necbaatid, laakiin waxaan idinku leeyahay, Cadowyadiinna jeclaada, u duceeya kuwa idin habaara, wax wanaagsan u sameeya kuwa idin neceb, oo Ilaah u barya kuwa idin caaya oo idin silciya, si aad u ahaataan wiilashii Aabbihiinna jannada ku jira, waayo, qorraxdiisa wuxuu u soo bixiya kuwa xun iyo kuwa wanaagsan, roobna wuu u di'iyaa kuwa xaqa ah iyo kuwa aan xaqa ahaynba. Waayo, haddaad jeceshihiin kuwa idin jecel, abaalkee baad leedihiin?  cashuurqaadayaashu miyaanay sidaas oo kale samayn? Haddaad salaantaan walaalihiin oo keliya, maxaa dheeraad ah oo aad   samaysaan? Dadka kale miyaanay sidaas oo kale samayn? Saas aawadeed u samaada sida Aabbihiinna jannadu u san yahay. 

Haa, intii aanan Masiixa noqon kahor, caadi bay ahayd inaan cadowyadeyda nebcaado, waxay kaloo ahayd caqligal. Dhaqanka Soomaalidu wuxuu nagu dhiirigeliyaa inaynu wax iska celino, oo aan jilicsanaan la inaga dareemin. Tusaale ahaan marka ay labo wiil oo yaryar iskuulka isku dagaalaan, intii la isu keeni lahaa oo la heshiisiin lahaa, waxaa dhaqan ahayd in ka laga adkaaday la maago, oo lagu eedeeyo inuu nacas yahay, oo lagu guubaabiyo inuu wax iska celiyo. Dhaqanka noocan ah ee aargoosiga ku dhisani waa mid bulshada Soomaalidu aad ugu dhaqanto oo dabeecad bulsheed noqday.

Laakiinse markaan maqlay “Cadowyadiina jeclaada, oo u duceeya kuwa idin habaara, oo wax wanaagsan u sameeya kuwa din neceb, oo Ilaah u barya kuwa idin caaya oo idin silciya”, run ahaantii tani waxay noqotay mid maskaxdayda ka weyn oo aan caqli gal ahayn, dad badan oo Soomaaliyeedna sidaas oo kalay maanta ula muuqataa.

Laakiinse marka aan fahano noloshii iyo akhbaarkii Masiixa, oo aan Isaga badbaadiye u aqbalo, tan waynu fahmeynaa, ku dhaqankeeduna wuu inoo sahlanaanayaa. Ilaahay waa jacayl. Isagu “qoraxdiisa wuxuu u soo bixiyaa kuwa xun iyo kuwa wanaagsan, roobna wuu u di’iyaa kuwa xaqa ah iyo kuwa aan xaqa ahaynba.” Jacaylka Ilaahay waa caam. Adduunka ayaa ku taagan jacaylka Ilaahay. Injiilka sida uu Yooxanaa u qoray 3:16, ayaa odhanaysa, “Ilaah intuu dunida jacayl u qabay ayuu siiyey Wiilkiisa keliya oo dhashay in mid kastoo isaga rumaystaa uusan lumin laakiinse uu lahaado nolosha weligeed ah.” Ciise ayaa Isagoo jacaylka uu inoo qabo ka hadlaya yidhi, “Ninna ma leh jacayl kan ka weyn inuu nin naftiisa u bixiyo saaxiibbadiis.” (Yooxanaa 15:13). “Saaxiibbada” uu Ciise halkan kaga hadlayaa waa innaga.

Jacaylku wuxuu ka adkaadaa nacayb kasta, dembi kasta, iyo damac kasta oo xun. Ilaahay ayaa jacaylkiisa inoo cusboonaysiiya maalin kasta. Jacaylkiisu wuxuu leeyahay awood uu innagaga xoreeyo nooc kasta oo shar ah – naf-jeclaysi, cirweynaan, xanaaq, nacayb, masayr iyo xaasidnimo. Oo waa maxay dabeecadda khaaska u ah ee lagu garto Ciise iyo kuwa uu Isagu badbaadiyey? Waa nimco – iyagoo kuwa kale aan kula dhaqmayn sida ay kuwaasi istaahilaan, laakiinse kula dhaqmaya sida uu Ilaahay doonayo inay kuwaas kula dhaqmaan – naxariis badan iyo raxmad. Ruuxa Quduuska ah ee Ilaahay ayaa ina siinaya nimco badan, taas oo qalbiyadeena iyo niyadeheena beddeleysa, oo ina baraysa inaynu ku noolaano runta iyo jacaylka Ilaahay.

Haddii aynu Masiixiyiin nahay tusaaleheena ugu weyni waa inaynu Ciise Masiix. Marka uu leeyahay “Saas aawadeed u samaada sida Aabbihiinna jannadu u san yahay,” maaha mid ka badbadis ah ee waa sida dhabta ah ee uu Ilaahay inaga doonayo. Inaynu Ilaahay ku dayanaa, oo Isaga ayaa Ruuxiisa Quduuska ah inagu caawinaya si aynu Isaga u adeeco, oo ugu dayano.

“Hebel waa dulqaad badan yahay,” ayaad Soomaalida ka maqashaa marka ay qof ku ammaanayaan deganaanshihiisa, laakiinse jacaylka halkan lagaga hadlayaa waa ka weyn yahay dulqaad. Waxaa ku jira saamaxaad, aargoosasho la’aan, nabad, iyo si firfircoon oo wanaag loola doono oo loogu sameeyo kuwa ku dhiba. Erayadan Ciise ee aniga iga berigaa igaga yaabiyey ayaa hadda oo aan Masiixi ahay dabeecaddayda shakhsiyanka ah hoggaamiya.

Ilaahay Soomaalida ha siiyo qalbi saamaxa, wanaag la doona dadka oo dhan, aan aargoosi lahayn, nabadda ka shaqeeya, waxan oo dhan oo ka yimaadda jacaylka. Baybalku wuxuu sheegayaa inuu wanaag oo dhammi jacaylka ku salaysan yahay, “Haddabase waxa waaraa waa saddexdan, rumaysad iyo rajo iyo jacayl; laakiin kuwan waxaa ugu wada weyn jacayl.” 1 Korintos 13:13.

Ilaahay ha idin barakeeyo.

0

S5 Box

Register

*
*
*
*
*
*

Fields marked with an asterisk (*) are required.