Get Involved Today!
|
Register

Somali Believers

God has the answers

  • Home
    Home This is where you can find all the blog posts throughout the site.
  • Categories
    Categories Displays a list of categories from this blog.
  • Tags
    Tags Displays a list of tags that have been used in the blog.
  • Login

Posted by on in Arrimaha Bulshada (Social Issues)

"Masiixiyiinta Soomaaliyeed laaya, dila, qoorta ka gooya..." Erayadan waxaa dhowaan ku dhawaaqay Sheekh ka mid kuwa ugu sarreeya Hay'adda Culimada Soomaaliyeed. Odhaahdan nacaybka badani ka muuqdo waxaa Shiikha ka keenay kaddib markii ay tobaneeyo Masiixiyiinta Soomaaliyeed ahi ku dhiiradeen inay rumaysigooda qirtaan oo ay markhaatifurkooda soo dhigaan baraha warbaahinta. 

Waa marka ugu horraysee, waxaan u hambalyaynayaa Masiixiyiinta Soomaaliyeed ee sida dhiiranaanta leh u qirtay rumaysigooda, dadaalkana ugu jira inay walaalahooda Soomaaliyeed la qaybsadaan Injiilka Ciise Masiix—Warka Wanaagsan, kaas oo ku dhisan dembidhaaf, badbaado, iyo jacayl. Waxaana iyaga ku dhiirigelinayaa inay dadaalkooda halkaa ka sii wadaan iyaga oo xasuusanaya inay ummaddooda iftiin u yihiin, sidii uu Sayidkeenu inoo sheegay ee ku qoran Injiilka sida uu Matayos u qoray 5:16, "Sidaas oo kale iftiinkiinnu dadka hortiisa ha iftiimo, si ay shuqulladiinna wanaagsan u arkaan, oo ay Aabbihiinna jannada ku jira u ammaanaan." 

Ta labaad, waxaan cambaarayaa haddalladaa nacaybka iyo mas'uuliyad yaraantu ka muuqato ee ka soo yeedhay wadaadada u hadlay Hay'adda Culimada Soomaaliyeed. Waa wax lala yaabo oo laga naxo in iyada oo lagu jiro sannadka 2015, dadka Soomaaliyeed ee nabadda, dib u dhiska, iyo nasashada u baahan loogu yeedho inay dhiig hor leh oo aan eed lahayn daadiyaan. Waxaan wadaadadaa kula talin lahaa inay ka waantoobaan haddallada noocaas oo kale ah, iskana ilaaliyaan inuu shaydaanku qalbiyadooda nacayb geliyo. Ciise Masiix wuxuu sheegay inuu Shaydaanku yahay ka keena nacaybka iyo dilka, laakiinse uu Ilaahay bixiyo nolol iyo nabad, "Tuuggu {Shaydaanku} wax kale uma yimaado inuu wax xado oo dilo oo halleeyo mooyaane, aniguse waxaan u imid inay nolosha haystaan oo ay badnaan u haystaan." (Yooxanaa 10:10) 

Ugu dambayntana, sidee ayay tahay inay Masiixiyiinta Soomaaliyeed uga jawaabaan haddallada nacaybka ku dhisan ee ka soo yeedha dadka noocan oo kale ah? 

  • HA LA YAABINA: Ciise Masiix ayaa hore u sii sheegay inay tan oo kale dhici doonto, "Weliba saacaddaa imanaysa in mid walboo idin dilaa uu u malaynayo inuu Ilaah u adeegayo. Oo waxay waxyaalahaas u samayn doonaan, waayo, waxaanay garanayn Aabbaha iyo aniga toona. Laakiin waxaan waxyaalahaas idiinkula hadlay in markii saacaddoodu timaado aad xusuusataan inaan idiin sheegay." (Yooxanaa 16:2-4) 
  • HA CABSANINA: Ilaahay ayaa qof kasta noloshiisa gacanta ku haya; maalintuu dhasho ilaa iyo maalintuu ka dhimanayo. Baybalku wuxuu inagu guubaabinayaa inaynu taxaddarno inta aynu Ilaahay u adeegeyno, laakiinse wuxuu kaloo Baybalku ina barayaa xaqiiqadan weyn ee lama huraanka ah, "Ha ka baqina kuwa jidhka dila, laakiin aan karin inay nafta dilaan, waxaadse ka baqdaan Kan {Ilaahay} jahannamada ku hallayn kara nafta iyo jidhkaba." (Matayos 10:28)
  • HA NICINA: Ha nebcaanina ummadda Soomaaliyeed, waayo waxaa jira dad badan oo Soomaalida Muslimiinta ah oo raali ka ah inay dadku nabad iyo is xushmayn ku wada noolaadaan, kuwaas oo aan wadaadadan ku raacsanayn erayadan khaldan ee ka soo yeedhay. Sidaas daraadeed Masiixiyiinta Soomaaliyeed ha sii wadeen wanaagga ay dadkooda u qabtaan. Ha u duceeyeen inuu Ilaahay Soomaalida dhibka ka saaro, iyo gaar ahaan inay wadaadada Hay'adda Culimada Soomaaliyeed madaxda u ahi ka toobad keenaan haddalladan dembiga ah ee ay dadka Soomaaliyeed ku marin habaabinayaan. Xusuusta erayadii uu Ciise ugu duceeyey xataa kuwii isaga iskutilaabta ku qodbayey ee dilayey: "Aabbow, iyaga cafi, waayo, garan maayaan waxay samaynayaan." (Luukos 23:34) 

Nabadi ha idinla jirto.

0

Posted by on in Arrimaha Bulshada (Social Issues)

 

Qalbi xanuun weyn baa kugu dhacaya marka aad aragtid xaqdarrooyinka badan ee bini'aadanku isku hayo, haddana kuwan qaarkood ayaa adiga si gaar ah kuu sii taabanaya, oo muddo dheer niyaddaada ka sii gubanaya, kuguna khasbaya inaad isku daydo inaad wax ka tidhaahdo, gaar ahaan marka caddaalad daradaa lagu sameeyey iyada oo magaca Ilaahay la isticmalaayo. 

 

Tusaale ahaan, waxaan aad uga gubtey dilkii foosha xumaa ee bishii Maarso 20, 2015 ka dhacay waddanka Afgaanistaan, halkaas oo boqolaal rag ahi haweeney magaceedu ahaa Farkhunda ay si axmaqnimo ah dhagax ugu dileen dabadeedna jidhkeedii gubeen, iyaga oo ku eedeynaya inay Quraan gubtey. Waxaase markii dambe la caddeeyey inay haweeneydaasi maskaxda ka jirranayd, oo 'dembiga' lagu soo eedeeyeyna uu been abuur ahaa. Waddankeena Soomaaliyana marar badan ayay ka dhacday in dumar dhagax lagu dilo iyada oo lagu eedeynayo inay sinaysteen, iyadoon inta badan la tusin ama la xukumin nimankii la sheegay inay ka sinaysteen.  

Tani waxay isoo xasuusisay qisadii ka dhex dhacday Ciise Masiix iyo wadaadadii diintii Towreedda ee Faarisiinta la odhan jirey, ee ku qoran Injiilka sida uu Yooxanaa u qoray 8:1-11. Ciise ayaa dadka wax ku barayey macbudka dhexdiisa markii ay wadaadadan diintu u keeneen haweeney ay ku eedeeyeen inay sinaysatay, waxayna isaga weydiiyeen inay iyada dhagax ku dili kareen, sida uu sharcigii Muuse dhigayey (Sharciga Kunoqoshadiisa 22:22). Laakiinse, iyagu haweeneyda dan kama lahayn; waxayse iyada u isticmaalayeen inay Ciise xujeeyaan ama dabaan. 

 Wadaadadani laba wejiileyaal ayay ahaayeen. Sida ay ku fekerayeen, haddii Ciise haweeneyda sii daayo , waxay markaa ku eedeyn kareen inuu qaynuunkii Muuse jebiyey, haddiise uu iyaga u oggolaado in iyada la dhagxiyo markaa Badbaadiye muu ahayn, haddii uu iska aamusana waxay ku eedeyn kareen inuusan ahayn nin xigmad leh. Ciise wuu garanayey ujeeddadooda. Isla markiiba iyaga uma jawaabin, laakiisne intuu foororsaday ayuu dhulka wax ku qoray, iyaguna su'aashoodii ayay ku sii wadeen. Ugu dambayntiina, intuu Ciise sara joogsadey ayuu iyagii ku yidhi, "Kii idinka mid ah oo aan dembi lahayn, isagu horta dhagax ha ku tuuro." (Yooxanaa 8:6-7).  

Waxaa Baybalka ku qoran "Iyagu markay waxaas maqleen, ayay iska daba baxeen midba mid, waayeelladii ka bilaabato ilaa kii u dambeeyey. Ciisena keligiis ayuu hadhay iyo naagtii dhexda joogtay." (Yooxanaa 8:9). Kuma ay caddayn karin inay haweeneydu dembaabtey, oo ninkii ka sinaystay iyo markhaatiyo midna may hayn, midda kale, ujeeddada dacwadooda ayaa khaldanayd oo ahayd inay Ciise "jirrabaan iyaga oo raadinaya wax ay ku ashkateeyaan" (Yooxanaa 8:6).  

Ciise Masiix wuxuu ahaa ka keliya ee haweeneydaa xukumi karey, waayo dembi muu lahayn, laakiinse isagu "Uma uu imanin inuu kuwa xaqa ah u yeedho, laakiin inuu dembilayaasha u yeedho" (Markos 2:17). Dhammaanteena dembiileyaal ayaynu nahay, oo ay ku jirto haweeneydan dembiga lagu soo oogey, haddii ay sinaysatay iyo haddii kaleba. Oo waxa uu dembiileyaasha ugu yeedhayaa maaha inuu iyaga xukumo, laakiinse waa inuu badbaadiyo (Yooxanaa 3:17).   

Haddaba muxuu Ciise haweeneydii la soo dacweeyey ku sameeyey? Sidan ayuu iyadii kula hadlay, "Ciise ayaa istaagay oo ku yidhi iyadii, Naag yahay, xaggee bay joogaan? Ninna miyaanu ku xukumin? Waxay ku tidhi, Ninna, Sayidow. Ciisena wuxuu ku yidhi, Anna ku xukumi maayo. Soco, oo hadda ka dib ha dembaabin." (Yooxanaa 8:10, 11). Ciise muu xukumin iyadii, laakiinse wuu badbaadiyey. Nolosheedii ayuu dib u dhisay iyo xidhiidhkeedii ay Ilaahay la lahayd. Dhammaanteena sidaas oo  kalaa la inaga rabaa. 

Maaha inaynu qof eedeyno ilaa aynu qalbigeena ka baadhayno oo hubinayno inuu dhinac kasta daahir ka yahay. Haddii aynu qof dembi ka qabanayno maaha inaynu qofkaa  xukuno oo keliya, laakiinse waa inaynu muhiimadda koowaad siinaa sidii aynu qofkaas u dhisi lahayn. Ciise ayaa ahaa ka keliya ee macbudka joogey ee aan dembiga lahayn, laakiinse halkii uu haweeneyda ka xukumi ama ka eedayn lahaa iyada wuu badbaadiyey oo nolosheedii buu dib u siiyey. Innaguna sidoo kale waa inaynu ka faa'iideysanaa fursad kasta oo aynu dadka ku saamixi karno, oo jacaylka Masiixa ula qaybsan karno, innaga oo mar kasta xasuusanayna inaynu lafteenu nahay dembiileyaal u baahan Badbaadiye, "Dhammaan way wada dembaabeen oo gaadhi waayeen ammaanta Ilaah." (Rooma 3:23). 

Ilaahay ha idin barakeeyo.

 

Posted by on in Arrimaha Bulshada (Social Issues)

 

"Haddii mid isu maleeyo inuu cibaado badan yahay, oo uusan afkiisa xakamayn, laakiin uu qalbigiisa khiyaaneeyo, kaas cibaadadiisu waa wax aan waxtar lahayn." (Yacquub 1:26).

 

Waxaa maalmahan aad loo hadal hayaa dhacdooyinkii ka dhacay Paris, iyo dilkii loo geystey joornaaliistayaashii Charlie Hebdo. Dhacdadani waxay tooshka ku qabatay su'aal hore u jirtey oo ah, "Ma saxsan tahay in diimaha dadka kale la aflagaadeeyo?" Anigu haddaan Masiixi ahay waxaan is weydiinayaa, "Ma saxsan tahay inay Masiixiyiintu diimaha dadka kale aflagaadeeyaan?" Jawaabta su'aashanina waa MAYA. 

Tan macnaheedu maaha inaan dhiirigelinayo in dad lagu dilo magaca diin la aflagaadeeyey ama Ilaahay dartii. Waxaan oggolahay in diimaha iyo sida loogu dhaqmo la baadho, su'aalo la iska weydiiyo, ama xataa aad tusto sida aadan ugu qanacsanayn qodobo la xidhiidha diintan ama diintaas, laakiinse waa inaan laga tegin tixglinta, waana in la iska ilaaliyaa waxa luuqada Ingiriiska lagu yidhaahdo "generalization" ama in la yidhaahdo "Masiixiyiinta oo dhammi waa sidaas" ama "Muslimiinta oo dhammi waa sidaas ama sidan", odhaahaha noocan ah oo badanaa khalad ah. 

Haddaynu Masiixiyiin nahay, Ciise Masiix ayaa tusaaleheena ugu weyn ah. Ma jiro jacayl, dulqaad, iyo saamaxaad ka weyn tii Ciise Masiix. Nebi Ishacyaah ayaa sidan Ciise ka qoray, "Isaga waa la dulmay, waana la dhibay, laakiinse innaba afkiisii ma uu kala qaadin. Isaga sidii wan la qalayo baa loo kexeeyey, oo sidii lax ku aamusan kuwa dhogorta ka xiira hortooda, isagu afkiisa ma uu furin. (Ishacyaah 53:7). Ciise laftiisa ayaa xertiisa baray inay qof kasta jeclaadaan xataa cadowyadooda, "Waad maqasheen in la yidhi, Waa inaad deriskaaga jeclaatid oo cadowgaaga necbaatid, laakiin waxaan idinku leeyahay, Cadowyadiinna jeclaada, u duceeya kuwa idin habaara, wax wanaagsan u sameeya kuwa idin neceb, oo Ilaah u barya kuwa idin caaya oo idin silciya." (Matayos 5:43-44). Masiixu sidan ayuu ugu duceeyey kuwii isaga dilayey ee iskutallaabta ku qodbayey, "Aabbow, iyaga cafi, waayo, garan maayaan waxay samaynayaan." (Luukos 23:34). 

Injiilku wuxuu mar kasta dhiirigelinayaa camallada dadka isu soo dhoweynaya diintay rabaan iyo dhaqankay rabaan ha haystaane, kana hortegaya nacaybka, dilka, iyo dagaalka. Waxaa Masiixiyiinta lagu guubaabiyey, "Hadday suurtowdo, intaad kartaan, nabad kula jooga dadka oo dhan." (Rooma 12:18). U fiirso erayga "dadka oo dhan", lama odhan kuwa aad isku diinta tihiin ama isku dhalashada tihiin oo keliya. 

Haddaynu Masiixiyiin nahay, waxaa la innagu amray inaynu dadka kale la qaybsano Warka Wanaagsan- Injiilka Sayid Ciise Masiix, oo qof kasta tusno jacaylkiisii. Maaha inaynu ku dayano kuwa aan Ilaahay aaminsanayn, sida Charlie Hebdo, kuwaas oo caado ka dhigtay inay caayaan wax kasta oo quduus ah—dhacdooyinkii ugu dambeeyey ka hor waxay muddo aad u dheer aflagaado joogto ah ku hayeen Masiixa iyo Masiixiyiinta. 

Waxaan taageersanahay hadalladii labada mas'uul ee Masiixiyiinta ah ee kala ah Pope Farancis -ka madhabta Kaatoliga iyo Pope Tawadros II-ga Kaniisada Coptic-ga, kuwan oo caddeeyey inaan wanaag ku jirin cayda diimaha, laakiinse ay tani keeneyso oo keliya kala fogaansho, nacayb, iyo dagaal. 

Ugu dambaystana, xasuusta: 

"Necbaantu waxay kicisaa isqabashada, Laakiinse jacaylku xadgudubyada oo dhan buu qariyaa." (Maahmaahyadii 10:12).

 

 

0

Posted by on in Barashada Baybalka (Bible Study)

Waxaa mar kale inagu soo dhow xusidii dhalashadii Sayid Ciise Masiix. Intii aan buuqa, dabaaldegyada, iyo wax iibsiga (shopping) ku mashquuli lahaa, waxaan anigu doortay inaan mar kale si sakhsiyan ah uga fekero macnaha uu wakhtigan muhiimka ahi aniga ii leeyahay. Marka aan qisadii dhalashadii Masiixa ka akhriyo Injiilka sida uu Matayos u qoray 1:18-25, laba odhaahood oo muhiim ah oo aayadahan ku jira ayaan si gaar ah ii taabanaya: 

"Waxaas oo dhan waxay u dhaceen in la arko wixii Rabbigu kaga dhex hadlay nebiga, isagoo leh, Gabadh bikrad ah baa uuraysan doonta oo wiil umuli doonta, Magiciisana waxaa loo bixin doonaa, Cimmaanuu'eel; kan micnihiisu yahay, ILAAH BAA INALA JOOGA." (Matayos 1:22, 23). 

1. ILAAH BAA INALA JOOGA: ma dareemeysaa inuu Ilaahay kuu dhow yahay oo kula joogo? Mise meel fog ayaad Isaga ka doondoontaa? Dhalashada Masiixa waxaa la inoogu bishaareeyey inuu Ilaahay ina dhex yimid, oo inoo yeedhayo, oo doonayo inuu xidhiidh shakhsiyan ah inala yeesho. Waad ku farxi lahayd inaad madaxweyne waddan la kulantid, oo saaxiib la noqotid, bal ka waran inuu Ilaaha samada iyo dhulka abuuray uu Isagu yimid, oo ku doondoonayo, si uu xidhiidh SHAKHSIYAN ah kuula yeesho. War maxay taasi barako, wanaag, iyo farxad badan tahay! Ilaahay wuxuu meel kale oo Eraygiisa ah inagu odhanayaa, "Bal eeg, albaabkaan taaganahay oo garaacayaa; haddaba haddii nin codkayga maqlo oo albaabka iga furo, waan u soo gelayaa..." (Muujintii 3:20). Ilaahay ayaa albaabka qalbigaaga taagan oo doonaya inuu soo galo si aad cunuggiisa u noqotid! Waa Ilaah jacayl miidhan ah oo doonaya inuusan midkeena lumin iyo inuu midkeen kastaa badbaado. 

Odhaahda labaad waxay ku jirtaa aayadda 21-aad: Ilaahay ayaa Yuusuf - ninkii Maryan u doonanayd u sheegaya sababta Ciise u imaanayey: 

"...laakiin intuu waxan ka fiirsanayay ayaa malaa'igtii Rabbigu riyo ugu muuqatay, iyadoo leh, Yuusuf ina Daa'uudow, ha ka baqin inaad naagtaada Maryan qaadatid, waayo, waxa ay uuraysatay ayaa Ruuxa Quduuskaa ka yimid. Oo waxay umuli doontaa wiil, magiciisana waxaad u bixin doontaa Ciise, waayo, DADKIISA AYUU DEMBIYADOODA KA BADBAADIN DOONAA." 

2. DADKIISA AYUU DEMBIYADOODA KA BADBAADIN DOONAA: waa sababtan ta uu Ilaahay inoo dhex yimid ee uu doonayo inuu xidhiidh inoola yeesho. Wuxuu doonayaa inuu ADIGA dembiyadaada kaa badbaadiyo. Dembiyadeena ayaa Ilaahay inaga dheereeyey. Si kasta ayaynu samaynay si aynu isugu dayno inaynu ugu muuqano kuwo aan dembi lahayn oo aynu isu tusno inaynu Ilaahay u dhownahay, ama kuwa kale uga dhownahay. Xataa qaarbaa dad kale diley/laayey si ay Ilaahay ugu dhowaadaan! Oo sidaas dembigii usii badsaday. 

Ilaahay ayaa inoo yimid si aynu dembiyadeena uga badbaadno. Albaabka qalbigaaga ayuu garaacaya oo leeyahay, 'iga fur wiilkaygiiyow/gabadhaydiiyey'. Uma baahnid inaad allabari qashid, dad laysid, jidhkaaga googoysid, ama aad camallo kale oo is-tus ah samaysid. Dembiyadaada ka toobad keen, oo Ilaahay qalbigaaga ku soo dhowee, oo u noolow sida uu doonayo inaad u noolaato, adigoo taas ka ogaanaya Eraygiisa. 

Waxaan Masiixiyiinta Soomaaliyeed ku guubaaniyaa inay wakhtigan si shakhsiyan ah mar kale usu weydiiyaan, Maxay Dhalashada Masiixu aniga iiga dhigan tahay? Soomaalida aan Masiixiyiinta ahayna waxaan u sheegayaa: qalbiyadiina Ilaahay ka fura, oo soo dhoweeya, waxaadna heleysaan nabad, barako iyo farxad joogto ah. 

Waxaanu dhammaantiinba idiin rajeyneynaa Ciid wanaagsan, sannadka soo socdana mid barakaysan.

0
Video shared by on in Barashada Baybalka (Bible Study)

Islaamku wuxuu sannadkiiba u dabaaldegaa laba ciidood oo waaweyn - Ciidul-Fidri iyo Ciidul-Adxa. Ciidul-Fidriga oo la qabto marka bisha ramadaan dhammaato, iyo Ciidul-Adxa oo ku aaddan laba bilood ramadaanka kaddib, bisha Zil-Haj, markaas oo xoolo allabari ahaan loo qalo, tan oo lagu xasuusanayo allabarigii uu Ibraahim doonayey inuu willkiisii u bixiyo. Wadaadada Muslinka ah badankoodu waxay sheegaan inaan wax xidhiidh ahi ka dhexayn allabarigan iyo dhimashadii uu Ciise iskutallaabta allabari ahaanta innaga inoogu dhintay. Haddaanu Masiixiyiin nahay waxaanu rumaysannahay in allabarigii Ibraahim lahaa waxyi ama muujin qoto dheer, oo uu tusaale u ahaa allabari ka weyn oo soo socdey.

Bal aynu horta noloshii Ibraahim eegno. Wax xidhiidh ah ma ka dhexeeyaa sida Quraanka iyo Baybalku tan ugaga hadlayaan? 

 RUMAYSIGII IBRAAHIM 

Markii uu Ibraahim 75 sanno jirey, ayaa Ilaahay isaga la hadlay oo u sheegay inuu waddankiisii ka tago oo uu tago waddan cusub, oo wuxuu Ilaahay isaga ku yidhi, "Quruun weyn baan kaa dhigi doonaa, oo waan ku barakayn doonaa" (Bilowgii 12:1-3). Quraankuna isla sidan ayuu odhanayaa, "Waxaan kaaga yeeli doonaa dadka Imaam" (Suurat al Baqarah 2:124). 

Ibraahim dhulkiisii wuu ka tegey, laakiinse maadaama uu da' weynaa oo ay xaaskii Saaray ma dhaleys ahayd, wuxuu isagu is weydiiyey inuu midiidinkiisii Eliiceser kii reer Dimishiq isaga dhaxli dooney iyo in kale. Ilaahay wuxuu isaga ugu ballanqaaday inuu wiil uu isagu dhalay dhaxli doono. (Bilowgii 15:4). Ibraahim wuu ogaa inaanay caadiyan suurtagal ahayn inuu wiil dhalo waayo xaaskiisu ma-dhalays bay ahayd isaguna wuu gaboobey. (Bilowgii 18:11). 

Waxaynu is weydiin karnaa, haddaba, muxuu Ibraahim u rumeeyey Ilaahay? Rumaysigiisu ma sidii 'Inshaa-alaah' oo kaluu ahaa? "Haddii Ilaahay yidhaahdo waxba kama qabo, hadduusan odhana waxba kama qabo?". Maya, Ibraahim aad buu Ilaahay ugu dhowaa oo u aaminsanaa. Isagu Rabbiga ayuu rumaystay oo Ilaahna taas wuxuu ugu tiriyey xaqnimo. (Bilowgii 15:6) Rumaysigiisu muu ahayn mid shaki ku jiro, waayo wuxuu ogaa in, "Eray kasta oo Ilaah daahir yahay" (Maahmaahyadii 30:5), oo uu isagu awoodo inuu sameeyo wixii uu ballanqaaday. Wuxuu ogaa inuu Ilaahay laftiisu arrintan soo faragelindooney, si mucjiso leh, oo ay u dhici doontay sidii uu Isagu ballanqaaday. 

Haddaba, xaggee ayuu Ismaaciil dhacdooyinka ka soo geleyaa? 

10 sanno kaddib markii ballanqaadyadan Ibraahim la siiyey, ayay Saaray ka cabatay inaanay awoodin inay carruur dhasho. Saaray ayaa Ibraahim kula talisay inuu guursado haweeneydii u shaqayn jirtey (booyaasadeedii) Haagaar, si ay isaga carruur ugu dhasho. Haagaar-na way u uuraysatay Ibraahim, tan oo keentay inay Saaray iyada ka masayrto, oo ay Haagaar lama degaankii u erido. (Bilowgii 6) Dabadeedna Ilaahay ayaa Haagaar ku amray inay dib ugu laabato Saaray, oo waxay iyadu dhashay Ismaaciil oo macnihiisu (Ilaahay wuu maqlaa/dhegeystaa). Ismaaciil wuu koray, oo 13 sanno ayaa ka soo wareegtey. Ibraahim wuxuu u maleynayey inuu farcankiisu Ismaaciil ka imaan doono. Laakiinse Ilaahay ayaa mar kale hadlay, oo Saaray wiil u ballanqaaday. Wuxuu ballanqaaday inay iyadu noqon doonto hooyada quruumaha oo dhan (Bilowgii 17:16). 

Mar dambe ayaa waxaa dhashay Isxaaq iyada oo uu Ibraahim 100 sanno jiro. Sidoo kale Quraankuna wuxuu marka hore ka hadlayaa Ibraahim, dabadeedna in Ismaaciil iyo Isxaaq ay isaga u dhasheen. In iyaga waxyi la siiyey, dabaadeedna waxyi la siiyey Muuse, kaddibna Ciise. Suuratul al Baqra 136) Laakiinse waxyiga uu Quraanku ka hadlayaa waa Islaamka. 

Bal Isxaaqna ka waran? 

Ilaahay dhalashadii Ismaaciil uguma ballanqaadin Ibraahim. Isagu marna muu sii sheegin ama kama sii waxyoon dhalashadii Ismaaciil, sidii iyada oo war wanaagsan ah. Wuxuu keliya oo ka hadlay Isxaaq, wiilkiisii ugu horreeyey ee la ballanqaaday. Quraanka laftiisa ayaa tan ogol oo meelo badan ku sheegaya. Dhalashadii Isxaaq oo keliya ayaa laga sii waxyoodey, ee maaha tii Ismaaciil. Dhalashadii Isxaaq ayaa sidan looga hadlay, "Waxaan kuugu bishaaraynay Isxaaq oo Nabi suuban ah" (Suurat As Saaffaat 112). Waxaynu ognahay inuu Isxaaq ka dhashay ruuxa Ilaahay, ama doonistiisa. 

Markii uu Isxaaq koray, Ismaaciil ayaa ka masayray barakooyinkii Isxaaq loogu ballanqaaday (Bilowgii 21:9). Isaga ayaa barakooyinkaas isla doonayey. Ilaahay ayaana hore Ibraahim ugaga digey inay tani dhici doonto (Bilowgii 21:10), oo wuxuu Ibraahim u sheegay inuu isaga iska diro. Ibraahim wuxuu markaa ku noolaa dhulka Falastiiniyiinta ilaa uu Isxaaq ka qaangaadhayey. Haddana, wuxuu rajeynayey inay riyadiisii rumowdo. 

Ku amarkii Allabariga 

Ma Ismaacii buu ahaa mise Isxaaq kii la amray allabari loo bixiyo? Kee buu Ilaahay ballanqaadyada siiyey? "Markaasuu ku yidhi, Hadda kaxee wiilkaaga keligiis ah, kan aad jeceshahay, oo ah Isxaaq, oo u kac dalka Moriyaah; oo halkaas isaga sida allabari la gubo ku dul bixi buuraha middood oo aan kuu sheegi doono" (Bilowgii 22:2). Ismaaciil markaa lama joogin Ibraahim qoyskiisa, ee Isxaaq oo keliya ayaa joogey. Quraanka lafiisuna allabarigan wuu ka hadlayaa; "Oo markii wiilkii koray inuu Ibraahim la hadli karo, wuxuu nebi Ibraahim isaga ku yidhi, Wiilkaygiiyow waxaan ku arkay hurdada anoo ku gawrici ..." (Suurat As Saaffaat 100-102). In kasta oo uusan Quraanku macaga Isxaaq halkan ku sheegeyn, haddana waa inuu kani Isxaaq noqdaa, waayo isagu waa wiilka keliya oo Quraanku sheegayo in Ibraahim loogu ballanqaaday, ee la barakeeyey, "Waxaanu ugu bishaareyney Isxaaq, Nabi suuban, waana barakaynay Ibraahim iyo Isxaaqba " (Suurat As Saaffaat 112, 113). Barakadan iyo ballanqaadkan marna Ismaaciil lama siin. 

Waxay ahayd inay tani aad uga nixisay Ibraahim, inuu wiilkii loo ballanqaaday ee dhaxalkiisa ahaa, ee farcankiisu ka imaan dooney uu haddana allabari u bixiyo. Laakiinse rumaysiga Ibraahim ee uu Ilaahay ku qabey aad buu u weynaa, oo wuu ogaa inuu Ilaahay yahay quduus iyo xaq.

a) Isaga waa la imtixaamay si loo tijaabiyo inuu jacaylka uu Ilaahay u qabey ka weynaa ka uu wiilkiisa u qabey.

b) Waxay ahayd inuu amarkan u eego ballanqaadkii Ilaahay isaga siiyey ee ahaa inuu farcan badan u yeeli dooney - sida xidddiga cirka. 

Waxay ahayd inuu Ibraahim ku fekerayey inay jirtey si keliya oo uu Isxaaq carruur ku dhali karey kaddib marka uu isagu dhinto: waxayna ahayd inuu Ilaahay awoodo inuu isaga dhimashada ka sarakiciyo. Wuxuu Ibraahim garowsaday inuu markii horeba Isxaaq mucjisada Ilaahay ku dhashay, markaa uu Ilaahay awoodey inuu haddana dhimashada ka sarakiciyo, oo wiilkiisa Isxaaq loo soo celiyo (Cibraaniyada 11:17-19). Quraanka laftiisuna wuxuu (Suurat Al Baqarah 260) ku sheegayaa Ibraahim oo ka hadlaya inuu Ilaahay dadka dhimashada ka soo sarakicin karo. 

Maxay Ahayd Muhiimadda Allabarigani? 

Ibraahim oo diyaar u ah inuu wiilkiisii allabari u bixiyo ayaa wan loogu beddeley. Ibraahim rumaysigiisu wuu weynaa. Isaga waxaa loogu ballanqaaday inuu aabbaha quruumaha oo dhan noqon doono. Taas si dhaba ayuu u aamisnaa, sidaas ayuuna noqon dooney. Ruuxiyan Ilaahay ayaa ah aabbaha quruumaha oo dhan. Ilaahay waa daacad iyo aamin. Ibraahim wuxuu arkay inuu Ilaahay isaga tusaale ahaan u isticmaalayey oo metelayey aabbaha jannada jira (Ilaahay), oo uu wiilkiisana sidaas oo kale Ilaahay u isticmaalayey inuu hordhac ama muujin u noqdo waxa dhici dooney, ee Ilaah samayn dooney, waayo dhalashadiisii, allabarigiisa, iyo sarakicintiisa (waayo isaga meeshii allabariga loogu bixinayey ayaa laga badbaadiyey iyadoo mindidii lagu hayo), waxay dhammaan ahaayeen run weyn oo ruuxiyan ah. 

Ibraahim ayaa Isxaaq ku yidhi, "Ilaah qudhiisaa keeni doona wankii allabariga la gubo loo bixin lahaa" (Bilowgii 22:8). Ilaahayna taas wuu oofiyey, oo Ilaahay wuxuu Ibraahim ku yidhi, "Waxan aad samaysay aawadood, iyo wiilkaaga aadan iga lexejeclaysan, kaas oo ah wiilkaaga keligiis ah aawadiis ayaan nafsaddayda ku dhaartay inaan barako ku barakayn doono, oo aan farcankaaga u tarmin doono sida xiddigaha cirka" (Bilowgii 22:16-18). 

Tani miyaanay Injiilka kuu geyneyn? Ibraahim wuxuu arkay Injiilka Masiixiyiinta oo kaami ah. Ilaahay ayaa noloshii Ibraahim u isticaamalay sidii tusaale ama hordhac ama waxyi: inuu Isagu (Ilaahay) adduunka u soo diri dooney Wiilkiisa Ciise Masiix, kaas oo ka dhalan dooney farcankii Ibraahim, si barakadii uu quruumaha oo dhan ugu ballanqaaday dhab ahaantii u dhacdo, oo uga dhacdo dhimashadiisii uu allabari ahaanta iskutallaabta ugu dhintay si uu dadka oo dhan badbaado ugu noqdo, oo dhimashadii uga sarakaco Isaga oo maanta Ilaah la jooga oo la leh amaantii uu weligiis Isaga la lahaa.

Waa Inaan Fiiro Gaar ah u Yeelanaa: 

Inuusan Ciise lahayn aabbe bini'aadan ah ee uu farcankii Ibraahim ku ahaa dhinaca Saaray. Ilaahay ayaa Ciise aabbe u ah. Ruuxiyan, sidoo kale Ilaahay innagana Aabbaheen. Markii ay Yuhuuddu wacdiskii Ciise su'aaleen wuxuu ugu jawaabey, "Aabbihiin Ibraahim waa ku reyreeyey inuu maalintayda arko, wuuna arkay oo ku farxay" (Yooxanaa 8:56). Ibraahim wuxuu ahaa inuu isagu tusaale ka bixinayey wixii dhici dooney. Ilaahay ma weydiisan inuu Ibraahim wiilkiisa allabari u bixiyo si uu u jacaylka uu Isaga u qabo u imtixaamo oo keliya, laakiinse sidoo kale si uu u tuso jacaylka weyn ee uu Ilaahay isaga u qabey ilaa uu siiyey jid uu imtixaankaas kaga baxo. Wuxuu isagu tilmaameyey mustaqbalka markaas oo uu Ilaahay Laftiisu wiilkiisa adduunka u soo dirayey si uu qof kasta allabari ugu noqdo. 

" Ilaah intuu dunida jacayl u qabay ayuu siiyey Wiilkiisa keliya oo dhashay in mid kastoo isaga rumaystaa uusan lumin laakiinse uu lahaado nolosha weligeed ah" (Yooxanaa 3:16). "Oo taas jacayl baa ku jira, mana aha inaynu Ilaah jeclayn, laakiinse isagaa ina jeclaaday, oo wuxuu Wiilkiisa u soo diray si uu kafaaraggudka dembiyadeenna u noqdo" (I Yooxanaa 4:10). 

Ciidul Adxada 

Sannadkiiba hal mar ayay Muslimiinta adduunku xusaan jacaylka weyn ee ay Ibraahim u qabaan, waayo wuxuu isagu diyaar u ahaa inuu wiilkiisii allabari ahaan u bixiyo. Waddamo badan oo Islaam ah xoolo aan iin lahayn ayaa weli lagu allabaryaa. 

Maalin kasta Maxiixiyiinta adduunku waxay xasuustaan jacaylka xad dhaafka ah ee uu Ilaahay u qabo bini'aadanka, Isaga oo doonay inuu Wiilkiisa allabari inoogu bixiyo, si uu hal mar oo kama dambays ah inoogu tuso jacaylka weyn ee abadiyanka ah ee uu inoo qabo, iyo inuu nolosha weligeed ah innaga inala doonayo. Allabarigani dhammaan buu u furan yahay, waana ka keliya ee kama dambaysta ah ee ay tahay inaynu aqbalo si aynu Ilaahay xidhiid fiican ugula yeelano oo aynu nolosha weligeed ah Isaga ula lahaano. 

(Xigasho: St. Farancis Magazine)

0

Posted by on in Uncategorized

Soontu waxay qayb muhiim ah ka tahay nolosha caabudaadeed ee Masiixiyiinta. Baybalka dhexdiisana waxaa ku jira tusaalooyin badan oo ah kuwo dadkii Ilaahay aaminsanaa oo soomaya. Daanyeel iyo dadkii Israa’iiliyiintu waxay soomeen saddex maalmood iyo saddex habeen oo Ilaahay ka baryeen inuu ka badbaadiyo xasuuqii iyaga lala rabey (Esteer 4:16), Daa’uud wuxuu u soomay caafimaadkii wiilkiisii (2 Samu’eel 12:15-23), boqorkii reer Nineweh wuu soomay, isaga iyo dadkiisiiba, kaddib markii uu nebi Yoonis iyaga u sheegay inuu Ilaahay magaaladooda halaagi dooney (Yoonis 3:5), Ciise ayaa markuu hawshiisii bilaabayey afartan habeen iyo afartan maalmood soomay (Matayos 4:1-11), xertii ciise ayaa iyagana lagu yaqaaney soon iyo salaad (Falimaha Rasuullada 13:1-5; 14:20-24). 

In kasta oo aan Masiixiyiinta lagu amrin inay wakhti khaas ah soomaan, haddana Baybalku wuxuu soonta u tusayaa inay tahay mid wanaagsan, oo faa’iido ruuxiyan ah u leh qofka Masiixa ah. Baybalka dhexdiisa, soonka iyo salaaddu mar kasta way isku ladhan yihiin ama isla socdaan. Badanaa waxay dadku xoogga saaraan raashinka aan la cunayn, laakiinse ujeeddada dhabta ah ee soonku waa in diiradda la saaro in si buuxda Ilaahay la isugu dhiibo oo Isaga la isku halleeyo, innagoo tusayna inaynu daacad ka nahay xidhiidhka aynu Isaga la leenahay. Soontu waxay inaga caawinaysaa inaynu mar kale nolosheena imtixaano oo aynu cusboonaysiino oo Ilaahay isu dhiibno. 

Soonka ujeeddadiisu maaha in nafta la ciqaabo laakiinse in nafta dib loogu soo jeediyo Ilaahay. Marka aynu indhaheena ka duwno waxyaaha adduunkan waxaynu awoodeynaa inaynu ku guuleysano inaynu feejignaanteena u soo jeedino Ilaahay. Soontu maaha hab aynu Ilaahay kaga raadineyno inuu inoo sameeyo waxa aynu dooneyno. Soontu Ilaahay ma beddeleyso, laakiinse waa inay nafteena is beddel ku samaysaa. 

Soontu maaha ficil aynu ku tusayno inaynu kuwa kale ka ehlu-diinsannahay, laakiinse waa inaynu u samaynaa si is hoosaysiin leh iyo dabeecad farxadi ka muuqato. Matayos 6:16-18, ayaa sidan odhanaysa, “Kolkaad soontaan ha ahaanina sida labawejiilayaashu u fool qulubsan yihiin, waayo, way isfoolxumeeyaan si ay dadka ugu muuqdaan inay sooman yihiin. Runtii waxaan idinku leeyahay, Abaalgudkoodii way heleen. Laakiin adigu goortaad soontid, madaxaaga saliid marso oo fool dhaqo, si aadan dadka ugu muuqan inaad sooman tahay, laakiin aad ugu muuqatid Aabbahaaga meel qarsoon ku jira, oo Aabbahaaga waxa qarsoon arkaa waa kuu abaalgudi doonaa." 

Sida Baybalka ku qoran, dadkii Ilaahay adeeci jirey waxay soomi jireen marka aanay farxadi jirin, oo ay naxariista Ilaahay aadka ugu baahnaayeen, waayo, ama noloshoodii diineed ee shakhsiyanka ahayd ayaa khatar ku jirtey ama bulshadii ay markaa ku dhex noolaayeen ayaa Ilaahay ka fogaatey. 

Ugu dambaysta, aayadahan ayaa Ilaahay inagu tusayaa waxa ay dhab ahaantii soontu tahay iyo waxa aanay ahayn, iyo inay ka weyn tahay shakhsi cunto ka soomay, laakiinse ay tahay in sidoo kale saamaynteeda laga arko bulshada oo dhan dhexdeeda. Nebi Ishacyaah oo noolaa 700 oo sanno Ciise kahor ayaa isaga oo Ruuxa Quduuska ahi isticmaalayo sidan ka yidhi soonka. Ishacyaah 58:1-12:

Aad u qayli, oo waxba ha iskula hadhin, codkaagana sida buun oo kale kor u qaad, oo dadkayga xadgudubkooda u sheeg, oo reer Yacquubna dembiyadooda u sheeg. Laakiinse iyagu maalin kasta way i doondoonaan, oo waxay jecel yihiin inay jidadkayga ogaadaan. Sidii quruun xaqnimo samaysay oo aan innaba amarkii Ilaahooda ka tegin waxay i weyddiistaan amarro xaq ah, oo waxay aad u jecel yihiin inay Ilaah ku soo dhowaadaan. Waxay leeyihiin, Bal maxaannu u soonnay oo aad u arki weyday? Bal maxaannu naftayada u dhibnay oo aad u daymoon weyday? Bal eega, maalintii aad soontaan waad iska raaxaysataan, oo shaqaalihiinna oo dhanna waad dulantaan. Bal eega, idinku waxaad u soontaan dirir iyo dood keliya, iyo inaad feedhkii sharnimada wax ku dhufataan. Maanta uma soontaan si codkiinna xagga sare looga maqlo. Soonkii aan doortay ma waxaas oo kalaa? Ma maalin nin naftiisa dhibo baa? Ma inuu madaxisida cawsduur u foororsho, oo uu hoostiisa dhar joonyad ah iyo dambas ku goglo baa? Waxaa ma waxaad tidhaahdaan, Waa soon iyo maalin Rabbigu aqbali karo? Sow kanu ma aha soonkii aan doortay in silsiladihii sharnimada la furo, oo guntimihii harqoodka la debciyo, oo kuwa la dulmay la xoreeyo, oo aad harqood kasta jebisaan? Sow ma aha inaad kibistaada ka gaajaysan u gooysid, oo aad masaakiinta aan hoy lahayn gurigaaga soo gelisid, oo markaad aragtid mid qaawan aad wax huwisid, oo aadan xigtadaada aad isku jiidhka tihiin ka dhuuman? Oo markaas iftiinkaagu wuxuu u soo kaahi doonaa sida kaaha waaberi, oo bogsiintaaduna dhaqso bay u soo bixi doontaa, oo xaqnimadaaduna way ku hor socon doontaa, oo ammaanta Rabbiguna way ku daba socon doontaa. Markaasaad dhawaaqi doontaa, oo Rabbiguna waa kuu jawaabi doonaa, waad u qayshan doontaa, oo isna wuxuu ku odhan doonaa, Waa i kan. Haddaad dhexdaada ka fogaysid harqoodka, iyo farta fiiqiddeeda, iyo hadlidda sharka ah, oo haddaad ka gaajaysan quudkaaga siisid, oo aad nafta dhibaataysan dherjisid, markaas iftiinkaagu gudcur buu ka soo dhex kaahi doonaa, oo madowgaaguna wuxuu noqon doonaa sida hadh cad oo kale. Oo Rabbiguna had iyo goorba wuu ku hoggaamin doonaa, oo iyadoo abaar ah ayuu naftaada dherjin doonaa, lafahaagana wuu adkayn doonaa, oo adna waxaad noqon doontaa sida beer la waraabiyey, iyo sida il biya ah oo aan innaba biyeheedu gudhin. Oo kuwaaga ayaa meelihii hore oo burburay dhisi doona, oo waxaad sara kicin doontaa aasaasyada qarniyada badan, oo waxaa laguugu yeedhi doonaa Jabniinkabe, iyo kan jidadka cusboonaysiiya si loo dego.”

Soonta runta ahi waa inay keentaa is hoosaysiin, naxariis, iyo caddaalad, kuwan oo aan ku koobnayn bil la qoondeeyey oo keliya, laakiinse ah kuwo sannadka oo dhan jira, wanaaggeeduna waa inuu gaadhaa ama laga dhex arkaa bulshada oo dhan. 

Ilaahay ha idin barakeeyo. Aamiin

0

Posted by on in Arrimaha Bulshada (Social Issues)

Soomaali ahaan, maxaa maskaxdaada ku sawirmaya ama soo gelaya marka aad "hoggaamiye" ama "nin madax ah" maqashid? Hoggaamiyaha Soomaaliga ee maanta ma ku meteli kartaa "midiidin/adeege" ama mid dadka u shaqeeya? 

Ciise Masiix wuxuu bilowgiiba xertiisii u sheegay inuu hoggaamiyaha Masiixiga ahi ka duwanaado ka aan Masiixiga ahayn ama "madaxda quruumaha" sida uu Ciise iyaga ugu yeedhay. Yacquub iyo Yooxanaa oo walaalo ahaa kana tirsanaa 12-kii xertiisa ahaa ayaa isaga ka codsaday inay midigtiisa iyo bidixdiisa kala fadhiistaan oo isaga wax la xukumaan kaddib marka uu isagu soo laabto si uu adduunka ugu taliyo. Tobankii kale ee xerta ahaa ayaa arrintan ka cadhooday. Isaga oo aasaaska u dhigaya astaanta hoggaamiyaha Masiixiga ayuu Ciise ugu jawaabey sidan ku qoran Injiilka sida uu Markos u qoray 10:35-40: 

"Laakiin Ciise baa u yeedhay oo ku yidhi, Idinku waad garanaysaan in kuwa loo malaynayo inay quruumaha madaxdooda yihiin ay u taliyaan, oo kuwooda u waaweynna ay xukun ku leeyihiin. Laakiin sidaasu dhexdiinna ma aha, laakiin ku alla kii doonaya inuu dhexdiinna u weynaado, midiidinkiinna waa inuu ahaado, oo ku alla kii doonaya inuu idiin horreeyo, kulli waa inuu addoon u ahaado. Waayo, Wiilka Aadanahu uma iman in loo adeego laakiin inuu adeego iyo inuu naftiisa dad badan furashadooda u bixiyo." 

Khalad ay badanaa kuwa madaxda ahi sameeyaan waa inay madaxnimadooda u isticmaalaan inay isa sarraysiiyaan, oo awood xad dhaaf ah isticmaalaan isuna yeelaan sharaf. Ciise wuxuu xertiisa u sheegay inay tani calaamad u tahay madaxda adduunka. Hoggaamiyaha Masiixiga ah, waddan, hay'ad, ama kaniisad madax ha ka noqdee waxaa loogu yeedhay inuu noqdo midiidin ama addoon,oo uu noqdo dadka uu u taliyo, isaga oo aan fiirinayn sharaftiisa iyo faa'iidadiisa qof ahaaneed, laakiinse mudnaanta koowaad siinaya wanaagga guud ee dadkiisa. 

Ciise wuxuu sheegay inuusan isagu u imaan "In loo adeego laakiinse uu u yimid inuu adeego iyo inuu naftiisa dad badan furashadooda u bixiyo." (Markos 10:45). Intii uu adduunka joogey waxaa nolol maalmeedkiisii dabeecad u ahaa inuu horumariyo nolosha dadka kale, ruuxiyan iyo jidh ahaanba, "... waxaan u imid inay nolosha haystaan oo ay badnaan u haystaan." (Yooxanaa 10:10). Si ficil ahaan ah ayuu tusaale iyaga u siiyey, kaddib markii uu isaga oo Sayidkooda ah haddana xertiisii lugaha u maydhay, tan oo uu ku barayey dabeecadda dhabta ah ee laga rabo kuwa hoggaanka haya — inay si is hoosaysiin leh dadka ugu adeegaan (Yooxanaa 13:12-17). 

Baybalku wuxuu ka hadlayaa dabeecadaha khaaska ah ee laga rabo hoggaamiyeyaasha Masiixiyiinta ee kaniisadda dhexdeeda, sida wadaadada iyo odayaasha kaniisadda. Qaynuunka ugu muhiimsan ee hoggaamiyaha Masiixiga ah hagayaa waa inuu isu arko una dhaqmo sidii adeege ama midiidin; inuusan keliya oo fiirin awoodda, sharafta, maamuuska, amaanta, ama xataa faa'iidada adduun ahaaneed ee uu shakhsiyan ka helayo hoggaankaas uu hayo, laakiinse uu isu arko mid dadka u shaqaynaya oo addoon u ah. Sida waalid fiican, hoggaamiyaha midiidinka ahi wuxuu baahida dhabta ah ee dadkiisa ka garanayaa rabitaankooda aan caqli galka ahayn. 

Waa inaynaan ku dayan hoggaamiyeyaasha aan Masiixiga ahayn, laakiinse aynu raacno tusaalihii Masiixa, ee ahaa hoggaamiye midiidin ah. Markaa waa in doonisteenu noqotaa in midkeenba ka kale u adeego. Inta aynu Ilaahay u adeegeyno, waa inaynu sidoo kale u adeegnaa dadka kale, haddii ay Masiixiyiin yihiin iyo haddii kaleba (Markos 12:31). 

Waxaan Ilaahay ka baryayaa inay Soomaaliya hesho hoggaamiyeyaal raaca waxbaridda iyo tusaalaha Ciise Masiix, oo dadkooda u noqda midiidino, kuwaas oo aan dadkooda ka shaqaysan, laakiinse u shaqeeya! Aamiin.

0

Posted by on in Arrimaha Bulshada (Social Issues)

Isla bilowgii bini'aadankaba Kitaabka Quduuska ahi wuxuu caddaynayaa Inuu Ilaahay bini'aadanka ka abuuray u ekaanshihiisa, "Oo Ilaah nin buu ka abuuray araggiisa, Ilaah araggiisa ayuu ka abuuray isaga; lab iyo dhaddig ayuu abuuray (Bilowgii 1:27). Ilaahay ninka iyo haweeneyda labadoodaba wuxuu ka abuuray u ekaanshihiisa, oo labadoodaba wuu karaameeyey, oo barakeeyey, "Oo Ilaah waa barakeeyey iyaga; oo Ilaah wuxuu iyaga ku yidhi, Wax badan dhala oo tarma, oo dhulka ka buuxsama, oo ka sara mara dhulka, oo xukuma kalluunka badda, iyo haadda hawada, iyo wax kasta oo nool oo dhulka kor dhaqdhaqaaqa" (Bilowgii 1:28). 

Aayadahani waxay saldhig u yihiin sida uu Ilaahay u arko ragga iyo dumarka; inay labadooduba ka abuuran yihiin u ekaanta Ilaahay, oo ay labadooduba barakaysan yihiin oo labadoodaba la siiyey ama loo diray inay u wada taliyaan abuuritaanka kale ee Ilaahay. Tan waxaa ka sii markhaatifuraya hadalladii ugu horreeyey ee Nebi Aadan yidhi kaddib markii uu arkay haweeneydii uu Ilaahay isaga feedhiisa ka abuuray, "Ninkiina wuxuu yidhi, Tanu hadda waa laf ka mid ah lafahayga, iyo hilib ka mid ah hilibkayga: waxaa iyada loogu yeedhi doonaa Naag, maxaa yeelay, iyada waxaa laga soo saaray Nin" (Bilowgii 2:23). Aadan wuxuu halkan ku caddeeyey inay haweeneydu tahay isaga oo kale - qayb jidhkiisa ka tirsan, hadday noqoto abuuritaan ahaan iyo hadday noqoto sida qiimeynta iyo sinnaanta leh ee ay tahay inuu iyada ula dhaqmoba. 

Laakiinse markii ay bini'aadanku dembaabeen, cawaaqibadii xunxumaa ee kaas ka dhashay waxaa ka mid ahaa inay raggii iyo dumarkiiba Ilaahay ka dheeraadeen, oo uu xidhiidhkii ay iyaga dhexdoodu lahaayeena kharibmey ama xumaaday, tan oo keentay inay nimankii bilaabeen inay haweenka xukumaan ama u taliyaan (Bilowgii 3:16). 

Kala duwanaanshaha jidh ahaaneed ee ninka iyo haweeneydu kama dhigayo inay labadoodu kala sarreeyaan, ama uu Ilaahay iyaga kala jecel yahay, laakiinse wuxuu tusayaa inay labadoodu yihiin kuwo is kaamilaya sidii uu Ilaahay ugu talogalay. 

Isku soo wada duub oo diimuhu si aan qumanayn oo adag ayay wakhtiyadii la soo dhaafay ula dhaqmayeen haweenka. Iyada oo diinta loo isticmaalayo ayaa haweenka laga dhigay kuwo qiimahoodu hooseeyo, oo loogu talogalay in lagu raaxaysto, oo qalbi carruur ah, oo aan lagala tashan arrimaha bulshada ama xataa qoyskoodaba. Haweenku ma helin qiimeyntii uu Ilaahay iyaga ugu talogalay ilaa uu Ciise Masiix ka imaanayey. 

Ilaahay laftiisa ayaa haweenka qiimeeyey kaddib markii uu doortay inuu Eraygiisii u soo diro bikro, oo Ilaahay ruuxiisu intuu iyada caloosheeda galo, uu ka dhasho Ciise Masiix - badbaadiyaha dunnidu. Erayadii iyo ficilladii Ciise ayaa iyaguna hoosta ka xariiqay sidii qiimaha iyo qaderinta lahayd ee uu haweenka ula dhaqmay ama u arkey, isaga oo ku dhex noolaa bulsho aan haweenka waxba laga dhegeysan, lana qiimeyn. 

Mucjisadiisii ugu horreysey wuxuu uu u sameeyey codsi ay hooyadiis Isaga ka codsatay daraaddiis (Yooxanaa 2:1-11). Ciise wuxuu markii ugu horreysey inuu Masiixa yahay u sheegay haweeney (Yooxanaa 4:25-26). Mucjisadiisii ugu weyneyd ee uu Laasaros ku soo noolleeyey wuxuu ku sameeyey codsigii labadii gabdhood ee Laasaros walaalihiis ahaa ee Maryan iyo Maarta (Yooxanaa 11:1-44). Haween ayaa dhimashadiisii xusay (Yooxanaa 12:1-8). Haween badan ayaa xertiisii ka tirsanaa (Markos 15:41). Haween ayaa aaskiisii joogey (Matayos 27:61). Kaddib markii uu soo sarakacay, haweeney ayay ahayd tii ugu horreysey ee uu Isagu isu muujiyey (Yooxanaa 20:1-16). Ruuxa Quduuska ah isku si ayaa haweenka iyo ragga loo siiyey (Falimaha Rasuullada 1:14). 

Dhowr aayadood uun ayaynu ka soo qaadanay. Kitaabka Quduuska ah waxaa ku qoran, "Ma jiro Yuhuud ama Gariig, ma jiro addoon ama xor, ma jiro LAB iyo DHEDDIG, waayo, kulligiin mid baad ku wada tihiin Ciise Masiix. Haddaad tihiin Masiixa kuwiisa, waxaad tihiin Ibraahim farcankiisa oo ah kuwa dhaxalka leh sida ballanku leeyahay."(Galatiya 3:28-29) Ma soo koobi karno sida sharafta iyo qiimaha leh ee uu Ilaahay haweenka Baybalka dhexdiisa ugaga hadlay, iyo siyaalaha kala duduwan ee qushuuca iyo kartida leh ee ay iyagu Ilaahay ugu soo adeegeen intii adduunku jirey. 

Waa wax laga naxo in iyada lagu jiro sannadkii 2014 aad maqashid ama akhridid iyada oo la isku haysto qiimaha ay haweenku leeyihiin, iyo inta ay boqolkiiba ragga ka hooseeyaan, sidii ay yihiin alaab meel taalla oo la baayacayo. Burburkii Soomaaliya kaddib haweenka ayaa qaybta ugu weyn ka qaatay welina ka ah badbaadinta bulshada Soomaaliyeed. Waxaa maanta warbixino cilmi ku salaysani xaqiijiyeen inay haweenku saldhig u yihiin xoogsiga, dhaqaalaynta iyo daryeelka qoyska Soomaaliyeed, maadaama ay rag badani ku dhinteen qaarna ka qaxeen dagaalladii sokeeye, halka ay kuwo kalena u go'een cunitaanka daroogada Jaadka, tan oo inay qoyska wax ku soo kordhiyaan iska daaye, wiiqday dhaqaalihii qoyskaskooda.

Ilaahay ma barakaynayo bulsho qaybta dadkeeda ugu tirada badan u aragta dad qiime hoose leh, oo aan iyaga siin xuquuqdooda oo buuxda.

0

Posted by on in Uncategorized

"Ilaah ha ku ammaanmo meelaha ugu sarreeya, xagga dhulkana nabad ha u ahaato dadka ka farxiya Ilaah dhexdooda." (Luukos 2:14) 

Qisada dhalashada Masiixu waa mid farxad, dabbaaldeg iyo rajo ah. Akhbaarkeeda ku saabsan nabad adduunku helo iyo badbaado bini'aadanka u sugnaatay ayaa ah mid aad u awood badan, taas oo ah mid aan maanta aad ugu baahannahay isla sidii loogu baahnaa habeenkii uu Sayidkeenu Beytalaxam ku dhashay 2,000 oo sanno ka hor. 

Weli adduunku waa mid ay kala qoqobeen diimo kala duduwan, qabiilo cadaawadi ka dhexayso, siyaasad, dhaqaale iyo cabsi. Waa adduun ay baqdin badan oo joogto ahi haysato iyo dagaal mar kasta qarxi kara. Iyada oo aan dagaalladii hore weli la xallin ayaa kuwo cusubi qarxaan, dad aan waxba galabsan ayaa la laayaa, baahida qaxootiga iyo kuwa gaajaysani way sii korodhaa uun, oo waxaa meel kasta ka jira hubaal la'aan. Waa mid la fahmi karo haddii aynu nabadda u qaadano mid aan suurtogal ahayn oo aan marna la gaadhi karin.

 Waa run oo inta ay dagaallada iyo colaaduhu sii socdaan oo ina kala qaybaybinayaan innagu si dhaba uma heli karno akhbaarka Ciidda Dhalashada Masiixa ee nabadda ah.

 Laakiinse akhbaarka Ciidda Dhalashada Masiixu wuxuu ina siinayaa RAJO. 

Rajo ah inaynu ka guuleysan karno caloodda. Rajo ah inaynu xallin karno dhibaatooyinka ah gaajada, qaxootinimada, caddaaladdarada iyo faqiirnimada adduunka ka jirta. Rajo ah inaynu garowsano oo qiimeyno diimaha ama caqiidooyinka kuweena ka duwan oo aynu iidahooda iyo dabbaaldegyadooda tixgelino. Rajo ah inaynu abuuri karno adduun leh caddaalad iyo nabad. Rajo ah inaynu abuuri karno adduun ay dadka oo dhammi mustaqlbal wanaagsan yeeshaan. 

Akhbaarka Ciidda Dhalashada Masiixa ee ah nabad adduunka u sugnaatay waa dadaal iyo ficil joogto ah oo uu midkeenba ka kale ku daryeelayo. Waa iyada oo aynu isla weynaanta ku beddello dulqaad iyo is fahan. Waa iyada oo aynu dadka ku xooggeyno oo ku kaalmayno inay noloshooda beddelaan oo horumariyaan. Waa iyada oo aynu u shaqayno caddaalada. Waa iyada oo aynu dadka oo dhan uu aragno walaalaheen; dad noloshooda, hamigooda iyo baahiyahoodu ay u qiimo badan yihiin sida kuweena.

Midkeen kastaa wuxuu leeyahay awood uu caawimaad kaga geysto inuu nabad keeno ama dhaliyo oo uu qaybta uu adduunka kaga noolyahay kaga dadaalo inay noqoto meel sidii shalay maanta ka nabadaysan. Waxaynu sidan ku samayn karnaa innaga oo dooranayna inaynu u dhaqano si naxariis, caddaalad iyo dulqaad leh.

Haa, waa inaynu qof kasta tusnaa tixgelin iyo dulqaad. Waa inaynu cadhada u gaabinaa oo u degdegnaa inaynu kuwa kale dhegeysano. Waa inaynu kuwa kale waxa ay ku wanaagsan yihiin weyneynaa halkii aynu khaladaadkooda ka buunbuunin lahayn. Baayacmushtarkeenu waa inuusan noqon mid dadka lagu dhacayo, laakiinse waa inuu noqdaa mid ku dhisan naxariis iyo fiiro dheeraad ah oo aynu u yeelano baahida iyo awoodda dhaqaale ee kuwa kale. Waa inaynu deriskeena ka war haynaa; inay haystaan cunto iyo hoy, iyo inay carruurtoodu waxbarasho haystaan iyo in kale. Sidaas ayaynu waddada nabadda ku jeexi karnaa, oo tani waa mid joogto ah oo aan dhammaad lahayn.

Wakhtigan ayaynu waddo nabadeed oo cusub bilaabi karnaa, innaga oo daaweyneyna colaadaha, cadhada iyo rajo la'aanta inagu hareeraysan, oo bogsiinayna dhaawacyada bulshadeena. Innaga oo isku duuban ayaynu nabad keeni karnaa. Taasi waa inay midkeen kasta shakhsi ahaan qalbigiisa uga bilaabataa, dabadeedna aynu ficil ahaan u muujinaa, maalin kasta.

Ciise wuxuu yidhi, "Nabad baan idiinka tegayaa, nabaddaydana waan idin siinayaa, sida dunidu u siiso anigu idiin siin maayo. Qalbigiinu yuusan murugoon, yuusanna biqin." (Yooxanaa 14:27)

Waxaan idiin rajeynayaa Ciid wanaagsan iyo Sannad Cusub oo barakaysan.

 

0

Posted by on in Arrimaha Bulshada (Social Issues)

“Ma jiro Yuhuud ama Gariig, ma jiro addoon ama xor, ma jiro lab ama dhaddig, waayo, kulligiin mid baad ku wada tihiin Ciise Masiix. Haddaad tihiin Masiixa kuwiisa, waxaad tihiin Ibraahim farcankiisa oo ah kuwa dhaxalka leh sida ballanku leeyahay.” (Galatiya 3:28-29).

Marka erayga qabiilka ama qabyaaladda la soo hadal qaado Soomaalida badankeedu dhegta ayay taagayaan, waayo marka wax kasta laga soo tago qabyaaladdu waa dawladda aan la arkin ee maamusha arrimaha Soomaalida. In kasta oo aanu qofna qiranayn inay qabyaaladdu isaga hoggaamiso –fikrad ahaan iyo ficil ahaanba, haddana dhacdooyinka Soomaaliya ka dhaca waxaa badankooda dib loola xidhiidhin karaa qabyaaladda. Tan waxaa caddayn ugu filan in marka ay caadiyan laba qof oo Soomaali ahi kulmaan, salaanta kaddib uu midba jecel yahay inuu isla markiiba ka kale qabiilkiisa ogaado—xataa ka hor intuusan magaciisa ogaan.

Haddii qeexidda Wikipedia la soo qaato qabyaaladdu waa “hab ama qaab ay dadku isu habeeyaan iyaga oo u ololaynaya ama u doodaya qabiil ama qabiilooyin. Haddii ku dhaqankeeda la eegona waxaa la odhan karaa waa hab fikradeed ama hab dhaqan kaas oo ay dadku daacadnimadooda ama taageeradooda ugu weyn u hayaan qabiilkooda, in ka sii badan inta ay u hayaan saaxiibbadood, waddankooda, ama urur bulsheed kale noocuu doonaba ha noqdee.”

Qabyaaladdu waxay la xidhiidhaa dareen xooggan oo xagga dhaqanka iyo dhalashada ah (jinsiyaddooda ama abtirsiinyahooda) oo ay koox dad ahi kaga duwan yihiin koox kale. Waxay kale oo qabyaaladdu la xidhiidhaa kala duwanaansho luuqad ahaaneed.

Dadka qaar ayaa ku andacooda in qabiilka loo sameeyey in la isku kala garto. Tusaale ahaan waxay u badan tahay in qofka qabiilka Kikuyada ama Amxaarada ka dhashay uu ka kale ee ay isku qolada yihiin ku garto luuqadiisa, ama magaciisa, ama xataa gobolka uu ka soo jeedo, laakiinse uusan intaa u sii dhaafin. Markaa waxaa la odhan karaa is garashada noocan ahi waa mid caqli gal ah, oo uu dhibkeeduna yar yahay.

Laakiinse qabyaaladda Soomaalidu waa “open-ended,” ama mid aan dhammaad lahayn. Way ka sii shishaysaa is garasho, waxaana lagu qeexi karaa inay ku dhisan tahay is kala qayqaybin iyo caddaalad darro. Nidaamka abtirsiinyaha ayaa keenaya inuu mar kasta jiro qof iga xiga qof kale, kaas oo ay tahay inaan mudnaanta koowaad siiyo, xataa haddii ay tahay inaan qofkaas kale duudsiyo, taasoo badanaa dhacda.

Qofka qabiiliga ahi kama xishoonayo inuu qabiilkiisa nafta u huro, mana laha doorasho shakhsiyan ah “personal value.” Isagu ma garanayo waxa uu u dagaalamayo ama u dhimanayo—badanaa waa wax aanu faa’iido ka heleyn sida ilaalinta sharafta qabiilka. Qofka qabiiliga ahi sharafta qabiilka ayuu ka xigsadaa sharaftiisa iyo garashadiisa qof ahaaneed, doorashadiisa shakhsi ahaaneed, jacaylka runta, iyo inuu fikrad wanaagsan keeno oo taas u go’o inuu hirgeliyo. Qabiilka ayaa ah mid mar kasta qofkaas curyaaminaya, taas oo marka la sii ballaadhiyana keeneysa inuu bulshada guud ahaaneed ama waddanka curyaamiyo sida Soomaaliya ku dhacday.

Baybalku wuxuu noo sheegayaa in kuwa Masiixa rumaysani aanay lahayn “Giriig iyo Yuhuud, addoon ama xor, lab ama dhaddig” midkoona, ama Masiixinimada kama jirto reer qudhac iyo reer qansax, ama laandheere iyo laangaab toona. Dhammaantood waxay walaalo middaysan ku noqdeen Masiixa waxayna hadda waddaniyiin ka yihiin Boqortooyada Ilaahay.

Baybalku wuxuu kaloo kitaabka Tiitos 3:9 ku odhanayaa, “Laakiin ka fogow su'aalaha nacasnimada ah, iyo abtirsiinyada, iyo murannada, iyo ilaaqda sharciga ku saabsan, waayo, waxtar iyo micne toona ma leh.” Waxaa Baybalku halkan inoogu sheegayaa inaynu ka cararno abtrisiinyada nacasnimada ah iyo muranada iyo iskala qaybqaybinta ay keento, waayo taasi Ilaahay ayay inaga dheeraynaysaa, dadkana colaad iyo baaba’ ayay u keeneysaa.

Waxaan Ilaahay ka baryayaa inuu qof kasta oo Soomaali ahi garowsado burburka ay qabyaaladdu u keentay, oo uu taas ka doorto waddaninimada, Soomaalinimada iyo bini'aadanimada.

Ilaahay si qaninimo leh ha idiin barakeeyo.

0

Posted by on in Barashada Baybalka (Bible Study)

Kunkii sanno ee la soo dhaafay waxaa dhacay oo weli dhacaya dil iyo baaba’a badan. Ma jirto maalin aynaan maqlin war laga naxo oo ku saabsan dil, dhaawac iyo burbur loo geysto dad aan waxba galabsan oo meel adduunka ah ku nool. Waxay tani aad uga sii dartaa oo u sii foolxumaataa marka ay kuwa xasuuqyada noocan oo kale ah sameeyaa ku andacoodaan inay jihaad ugu jiraan magaca Ilaahay daraadiis. Bal ka feker nimankii “crusaders” la odhan jirey, Taalibaanta Afgaanistaan, Alqaacida, iyo xasuuqii ugu dambeeyey ee ka dhacay Westgate, Nairobi ee ay Alshabaabta Soomaaliya sheegteen.

Haddaba sidee ayuu Ciise u arkaa dagaalka quduuska ah ama waxa ay dad ugu yeedhaan jihaadka? Sidee ayuu u arkaa in dad magaca Ilaahay lagu dilo? Jihaadku ma mid ruuxiyan ah baa mise waa mid jidh ahaaneed? Sidan ayaa Ciise ku yidhi Injiilka sida uu Luukos u qoray 12:51-53:

“Miyaad u malaynaysaan inaan u imid inaan nabad dhulka siiyo? Waxaan idinku leeyahay, Maya, laakiinse kalasoocid. Waayo, intii haddeer ka dambaysa waxaa guri ku jiri doona shan kala soocan, saddex laba ka gees ah iyo laba saddex ka gees ah. Waa kala soocmayaan, aabbe wiil ka gees ah iyo wiil aabbe ka gees ah, hooyo gabadh ka gees ah iyo gabadh hooyadeed ka gees ah, soddoh afadii wiilkeeda ka gees ah iyo afadii wiilkii soddohdeed ka gees ah.”

Ciise halkan kagama hadlayo UJEEDDADA imaanshihiisii, laakiinse wuxuu ka hadlayaa MAXSUULKA ka dhalanaya imaanshihiisa. Meel kale adiga oo aan aadin weydii Soomaali kasta oo Masiixi ah: dilka, nacaybka, takooridda iyo dhibaatooyinka kale ee ay kala kulmaan dadkooda marka ay iyagu Masiixa raacaan. Ciise wuu ogaa in marka ay xertiisu isaga rumeeyaan oo ay Boqortooyada Ilaahay adduunka ka aasaasayaan ay mucaarid kala kulmi dooneen kuwa aan Ilaahay rumaysnayn. Tani waa xaqiiqo. Ciise xertiisa kuma odhanayo idinkuna sidooda oo kale sameeya, laakiinse wuxuu u sheegayey inay taas ogaadaan, oo u dulqaataan iyaga oo Ilaahay kaalmaysanaya.

Ciise halkan kuma sheegayo dagaal ka dhan ah qolo khaas ah ama diin khaas ah. Kani maaha dagaal seef la qaadanayo oo dad la laynayo. Xaqiiqdii markii keliya ee mid xertiisii ahi seef la soo baxay Ciise wuu canaantay isaga, “Oo bal eeg, mid ka mid ah kuwii Ciise la jiray ayaa gacanta fidiyey, oo seeftiisa soo bixiyey, oo wuxuu ku dhuftay wadaadka sare addoonkiisii, oo dheg buu ka gooyay. Markaasaa Ciise ku yidhi, Seeftaada meesheedii ku celi, waayo, kuwa seefo qaada oo dhammu seef bay ku halligmi doonaan” (Matayos 26:51-52).

Baybalku wuxuu meel kale si cad ugu sheegayaa inuu cadowgeena ugu weyni shaydaanka yahay, sidaas daraadeed uu dagaalkeenu yahay mid ruuxiyan ah: “Waayo, innagu lama legdanno bini-aadan, laakiinse waxaynu la legdannaa kuwa madaxda ah iyo kuwa amarka leh iyo taliyayaasha dunida gudcurka ah iyo ruuxyada sharka ah oo samooyinka ku jira” (Efesos 6:12). Oo maadaama u kani dagaal ruuxiyan ah yahay hubka aynu qaadanaynaa waa inuu noqdaa hub ruuxiyan ah, sida uu Baybalku inoo sheegayo. Waa inuu hubkeenu noqdo, Erayga Ilaahay, Ruuxa Quduuska ah, rumaysad, xaqnimo, iyo duco (Efesos 6: 13-18).

Haddaba waa maxay qaar kamid ah xooggagan sharka ah ee ay tahay inaynu la dagaalanaa? Aynu ka bilowno Todobada Dembi ee dilaaga ah ama ugu xunxun: Isla weynaanta, Jacaylka maal adduun iyadoo Ilaah la ilaawayo, Galmada xaaraanta ah, Cadhada, Cirweynaanta, Xaasidnimada, iyo Caajisnimada. Waxaynu kuwan ku dari karnaa hooyada sharka oo dhan oo ah caddaalad-darrada. Haddii aynu kuwan la dagaalano, markaa waxaynu dagaalamaynaa dagaal quduus ah ama jihaad.

Ilaahay ha idin barakeeyo oo qalbigiina nabad ha geliyo.

 

0

Posted by on in Uncategorized

    

Buuga xayle                      

 “JIDKII NABADDOONKA”, waa buug uu qoray Axmed Cali Xayle, kaas oo ahaa macallin jaamacaddeed iyo nabaddoon aad looga yaqaaney waddanka Soomaaliya gudihiisa iyo dibaddiisaba. Laakiinse ta ugu muhiimsani waa inuu isagu ahaa nin Masiixi ah, kaas oo dadkiisa Soomaaliyeed aad u jecel. Waxaa isaga buuggan ka weriyey nin la yidhaahdo David W. Shenk oo ay isaga muddo dheer saaxiib ahaayeen. Axmed wuxuu geeriyoodey 26 Abriil, 2011, maalin kaddibna waxaa luuqadda Ingiriiska lagu daabacay buuggan xasuus qorkiisa ah ee la yidhaahdo “Teatime in Mogadishu”, kan oo sannad kaddibna af-Soomaali loogu turjumey “Jidkii Nabaddoonka”.

Kani waa buug aad u qiimo badan, oo run ahaantii ah hadiyad weyn oo uu Axmed uga tegey dadka Soomaaliyeed kuwaas oo uu aad u jeclaa, oo uu intii uu noolaa oo dhan u adeegayey. Buuggu wuxuu ka hadlayaa dhinacyo kala duduwan oo noloshii Axmed ah; qoyskii uu ka dhashay, dhalashadiisii, dhallinyarinamadiisii Muslinimo iyo bulshadii uu ku soo dhex koray, sidii uu Masiixiga ku noqday, waxbarashadiisii, reerkiisa iyo adeegyadii kala duduwanaa ee uu dadka Soomaaliyeed u qabtay, ha noqoto dhinaca horumarinta ama dhinaca nabadaynta e. 

Aad baa buuggan looga baranayaa oo looga fahmayaa wax ku saabsan dhaqanka Soomaalida, heerarkii kala duduwanaa ee ay siyaasadda Soomaaliya soo martay, iyo siyaalaha kala duduwan ee ay Soomaalidu nabaddaynta u sameeyaan. Waxaa kaloo buugga laga baranayaa sida uu Axmed, Masiixi ahaan, u arko jidka kama dambaysta ah ee lagu gaadhayo nabad waarta, kaas oo ah nabadda uu Ciise Masiix keenay ama bixiyo. 

Mid kamid ah dadkii fikraddooda buuggan ka dhiibtey oo la yidhaahdo Dr. John Azumah oo ah Agaasimaha sare ee Centre for Islamic Studies, London School of Theology (UK) ayaa sidan ka odhanaya buugga Axmed: 

Sida Axmed uga hadlayo hababka uu dhaqanka Soomaalida ee Islaamka ahi nabadda iyo caddaaladda u keeno ayaa keeneysa in su’aalo muhiim ah oo Injiilka iyo dhaqanka ku saabsan la is weydiiyo. Jacaylka weyn ee Axmed u hayo nabad lala yeesho Islaamka iyo iyaga oo la nabadeeyo ayaa muhiimad aad u weyn u leh xidhiidhka ka dhexeeya Masiixiyiinta iyo Muslimiinta.” (Jidkii Nabaddoonka, Multi-Language Media, 2012).

Sida ay aniga ila tahay, ma jiro buug kan ka qiimo badan oo Soomaalida la xidhiidha oo soo baxay labaatankii sanno ee ugu dambeeyey, hubaashiina weligeed buug kan oo kale ah Soomaalida lagama qorin. Waxaan ku talinayaa inuu akhriyo qof kasta oo soomaaliya oo awoodaa, gaar ahaan kuwa maanta Soomaalida dhexdeeda ka haya jagooyin hoggaamineed, ha noqdeen madaxda siyaasadeed ama kuwa ururo bulsheedba.

Waa kuwan cinwaanada buuggan laga helayaa; af Soomaali iyo af Ingiriisi-ba. 

Af-Soomaali: MULTI-LANGUAGE MEDIA, Ephrata, PA, USA: www.multilanguage.com

Af-Ingiriis: HERALD PRESS, Harrisonburg, VA, USA: www.heraldpress.com

 

Rabbigu ha idin barakeeyo intaad akhriyaysaan buuggan qiimaha leh.

                       

                                  

0

Posted by on in Uncategorized

Waxaan xasuustaa markii ugu horreysey ee aan Baybalkaygii ugu horreeyey helay, oo aan bilaabay inaan akhriyo. Nin Muslin ah oo dhallinyaro ah, oo weliba Soomaali ah ahaan, aad baa waxyaalihii aan Baybalka ka akhriyey oo dhammi iiga yaabiyeen ii soo jiiteen. Haddana in kastoo ay i soo jiiteen, qaarkood waxay markaa u ekaayeen kuwo aanay suurtogal ahayn in la sameeyo ama lagu dhaqmo, waayo markaa weli Masiixi maan ahayn oo maan fahansaneyn jacaylka Ilaahay. Mawduuceena maantu waa mid kamid ah waxbarashooyinka berigaa aadka iigu cusbaa, aadkana ii soo jiitey, laakiinse igaga yaabiyey sidii loo samayn lahaa.

Sidan ayaynu ka akhrinaa Injiilka sida uu Matayos u qoray 5:43-48: 

Waad maqasheen in la yidhi, Waa inaad deriskaaga jeclaatid oo cadowgaaga necbaatid, laakiin waxaan idinku leeyahay, Cadowyadiinna jeclaada, u duceeya kuwa idin habaara, wax wanaagsan u sameeya kuwa idin neceb, oo Ilaah u barya kuwa idin caaya oo idin silciya, si aad u ahaataan wiilashii Aabbihiinna jannada ku jira, waayo, qorraxdiisa wuxuu u soo bixiya kuwa xun iyo kuwa wanaagsan, roobna wuu u di'iyaa kuwa xaqa ah iyo kuwa aan xaqa ahaynba. Waayo, haddaad jeceshihiin kuwa idin jecel, abaalkee baad leedihiin?  cashuurqaadayaashu miyaanay sidaas oo kale samayn? Haddaad salaantaan walaalihiin oo keliya, maxaa dheeraad ah oo aad   samaysaan? Dadka kale miyaanay sidaas oo kale samayn? Saas aawadeed u samaada sida Aabbihiinna jannadu u san yahay. 

Haa, intii aanan Masiixa noqon kahor, caadi bay ahayd inaan cadowyadeyda nebcaado, waxay kaloo ahayd caqligal. Dhaqanka Soomaalidu wuxuu nagu dhiirigeliyaa inaynu wax iska celino, oo aan jilicsanaan la inaga dareemin. Tusaale ahaan marka ay labo wiil oo yaryar iskuulka isku dagaalaan, intii la isu keeni lahaa oo la heshiisiin lahaa, waxaa dhaqan ahayd in ka laga adkaaday la maago, oo lagu eedeeyo inuu nacas yahay, oo lagu guubaabiyo inuu wax iska celiyo. Dhaqanka noocan ah ee aargoosiga ku dhisani waa mid bulshada Soomaalidu aad ugu dhaqanto oo dabeecad bulsheed noqday.

Laakiinse markaan maqlay “Cadowyadiina jeclaada, oo u duceeya kuwa idin habaara, oo wax wanaagsan u sameeya kuwa din neceb, oo Ilaah u barya kuwa idin caaya oo idin silciya”, run ahaantii tani waxay noqotay mid maskaxdayda ka weyn oo aan caqli gal ahayn, dad badan oo Soomaaliyeedna sidaas oo kalay maanta ula muuqataa.

Laakiinse marka aan fahano noloshii iyo akhbaarkii Masiixa, oo aan Isaga badbaadiye u aqbalo, tan waynu fahmeynaa, ku dhaqankeeduna wuu inoo sahlanaanayaa. Ilaahay waa jacayl. Isagu “qoraxdiisa wuxuu u soo bixiyaa kuwa xun iyo kuwa wanaagsan, roobna wuu u di’iyaa kuwa xaqa ah iyo kuwa aan xaqa ahaynba.” Jacaylka Ilaahay waa caam. Adduunka ayaa ku taagan jacaylka Ilaahay. Injiilka sida uu Yooxanaa u qoray 3:16, ayaa odhanaysa, “Ilaah intuu dunida jacayl u qabay ayuu siiyey Wiilkiisa keliya oo dhashay in mid kastoo isaga rumaystaa uusan lumin laakiinse uu lahaado nolosha weligeed ah.” Ciise ayaa Isagoo jacaylka uu inoo qabo ka hadlaya yidhi, “Ninna ma leh jacayl kan ka weyn inuu nin naftiisa u bixiyo saaxiibbadiis.” (Yooxanaa 15:13). “Saaxiibbada” uu Ciise halkan kaga hadlayaa waa innaga.

Jacaylku wuxuu ka adkaadaa nacayb kasta, dembi kasta, iyo damac kasta oo xun. Ilaahay ayaa jacaylkiisa inoo cusboonaysiiya maalin kasta. Jacaylkiisu wuxuu leeyahay awood uu innagaga xoreeyo nooc kasta oo shar ah – naf-jeclaysi, cirweynaan, xanaaq, nacayb, masayr iyo xaasidnimo. Oo waa maxay dabeecadda khaaska u ah ee lagu garto Ciise iyo kuwa uu Isagu badbaadiyey? Waa nimco – iyagoo kuwa kale aan kula dhaqmayn sida ay kuwaasi istaahilaan, laakiinse kula dhaqmaya sida uu Ilaahay doonayo inay kuwaas kula dhaqmaan – naxariis badan iyo raxmad. Ruuxa Quduuska ah ee Ilaahay ayaa ina siinaya nimco badan, taas oo qalbiyadeena iyo niyadeheena beddeleysa, oo ina baraysa inaynu ku noolaano runta iyo jacaylka Ilaahay.

Haddii aynu Masiixiyiin nahay tusaaleheena ugu weyni waa inaynu Ciise Masiix. Marka uu leeyahay “Saas aawadeed u samaada sida Aabbihiinna jannadu u san yahay,” maaha mid ka badbadis ah ee waa sida dhabta ah ee uu Ilaahay inaga doonayo. Inaynu Ilaahay ku dayanaa, oo Isaga ayaa Ruuxiisa Quduuska ah inagu caawinaya si aynu Isaga u adeeco, oo ugu dayano.

“Hebel waa dulqaad badan yahay,” ayaad Soomaalida ka maqashaa marka ay qof ku ammaanayaan deganaanshihiisa, laakiinse jacaylka halkan lagaga hadlayaa waa ka weyn yahay dulqaad. Waxaa ku jira saamaxaad, aargoosasho la’aan, nabad, iyo si firfircoon oo wanaag loola doono oo loogu sameeyo kuwa ku dhiba. Erayadan Ciise ee aniga iga berigaa igaga yaabiyey ayaa hadda oo aan Masiixi ahay dabeecaddayda shakhsiyanka ah hoggaamiya.

Ilaahay Soomaalida ha siiyo qalbi saamaxa, wanaag la doona dadka oo dhan, aan aargoosi lahayn, nabadda ka shaqeeya, waxan oo dhan oo ka yimaadda jacaylka. Baybalku wuxuu sheegayaa inuu wanaag oo dhammi jacaylka ku salaysan yahay, “Haddabase waxa waaraa waa saddexdan, rumaysad iyo rajo iyo jacayl; laakiin kuwan waxaa ugu wada weyn jacayl.” 1 Korintos 13:13.

Ilaahay ha idin barakeeyo.

0

S5 Box

Register

*
*
*
*
*
*

Fields marked with an asterisk (*) are required.