Get Involved Today!
|
Register

Somali Believers

God has the answers

  • Home
    Home This is where you can find all the blog posts throughout the site.
  • Categories
    Categories Displays a list of categories from this blog.
  • Tags
    Tags Displays a list of tags that have been used in the blog.
  • Login

Masiixiyiinta Soomaalida iyo Hay'adda Culimada Soomaaliyeed!

Posted by on in Arrimaha Bulshada (Social Issues)
  • Font size: Larger Smaller
  • Hits: 12877
  • 24 Comments
  • Print

"Masiixiyiinta Soomaaliyeed laaya, dila, qoorta ka gooya..." Erayadan waxaa dhowaan ku dhawaaqay Sheekh ka mid kuwa ugu sarreeya Hay'adda Culimada Soomaaliyeed. Odhaahdan nacaybka badani ka muuqdo waxaa Shiikha ka keenay kaddib markii ay tobaneeyo Masiixiyiinta Soomaaliyeed ahi ku dhiiradeen inay rumaysigooda qirtaan oo ay markhaatifurkooda soo dhigaan baraha warbaahinta. 

Waa marka ugu horraysee, waxaan u hambalyaynayaa Masiixiyiinta Soomaaliyeed ee sida dhiiranaanta leh u qirtay rumaysigooda, dadaalkana ugu jira inay walaalahooda Soomaaliyeed la qaybsadaan Injiilka Ciise Masiix—Warka Wanaagsan, kaas oo ku dhisan dembidhaaf, badbaado, iyo jacayl. Waxaana iyaga ku dhiirigelinayaa inay dadaalkooda halkaa ka sii wadaan iyaga oo xasuusanaya inay ummaddooda iftiin u yihiin, sidii uu Sayidkeenu inoo sheegay ee ku qoran Injiilka sida uu Matayos u qoray 5:16, "Sidaas oo kale iftiinkiinnu dadka hortiisa ha iftiimo, si ay shuqulladiinna wanaagsan u arkaan, oo ay Aabbihiinna jannada ku jira u ammaanaan." 

Ta labaad, waxaan cambaarayaa haddalladaa nacaybka iyo mas'uuliyad yaraantu ka muuqato ee ka soo yeedhay wadaadada u hadlay Hay'adda Culimada Soomaaliyeed. Waa wax lala yaabo oo laga naxo in iyada oo lagu jiro sannadka 2015, dadka Soomaaliyeed ee nabadda, dib u dhiska, iyo nasashada u baahan loogu yeedho inay dhiig hor leh oo aan eed lahayn daadiyaan. Waxaan wadaadadaa kula talin lahaa inay ka waantoobaan haddallada noocaas oo kale ah, iskana ilaaliyaan inuu shaydaanku qalbiyadooda nacayb geliyo. Ciise Masiix wuxuu sheegay inuu Shaydaanku yahay ka keena nacaybka iyo dilka, laakiinse uu Ilaahay bixiyo nolol iyo nabad, "Tuuggu {Shaydaanku} wax kale uma yimaado inuu wax xado oo dilo oo halleeyo mooyaane, aniguse waxaan u imid inay nolosha haystaan oo ay badnaan u haystaan." (Yooxanaa 10:10) 

Ugu dambayntana, sidee ayay tahay inay Masiixiyiinta Soomaaliyeed uga jawaabaan haddallada nacaybka ku dhisan ee ka soo yeedha dadka noocan oo kale ah? 

  • HA LA YAABINA: Ciise Masiix ayaa hore u sii sheegay inay tan oo kale dhici doonto, "Weliba saacaddaa imanaysa in mid walboo idin dilaa uu u malaynayo inuu Ilaah u adeegayo. Oo waxay waxyaalahaas u samayn doonaan, waayo, waxaanay garanayn Aabbaha iyo aniga toona. Laakiin waxaan waxyaalahaas idiinkula hadlay in markii saacaddoodu timaado aad xusuusataan inaan idiin sheegay." (Yooxanaa 16:2-4) 
  • HA CABSANINA: Ilaahay ayaa qof kasta noloshiisa gacanta ku haya; maalintuu dhasho ilaa iyo maalintuu ka dhimanayo. Baybalku wuxuu inagu guubaabinayaa inaynu taxaddarno inta aynu Ilaahay u adeegeyno, laakiinse wuxuu kaloo Baybalku ina barayaa xaqiiqadan weyn ee lama huraanka ah, "Ha ka baqina kuwa jidhka dila, laakiin aan karin inay nafta dilaan, waxaadse ka baqdaan Kan {Ilaahay} jahannamada ku hallayn kara nafta iyo jidhkaba." (Matayos 10:28)
  • HA NICINA: Ha nebcaanina ummadda Soomaaliyeed, waayo waxaa jira dad badan oo Soomaalida Muslimiinta ah oo raali ka ah inay dadku nabad iyo is xushmayn ku wada noolaadaan, kuwaas oo aan wadaadadan ku raacsanayn erayadan khaldan ee ka soo yeedhay. Sidaas daraadeed Masiixiyiinta Soomaaliyeed ha sii wadeen wanaagga ay dadkooda u qabtaan. Ha u duceeyeen inuu Ilaahay Soomaalida dhibka ka saaro, iyo gaar ahaan inay wadaadada Hay'adda Culimada Soomaaliyeed madaxda u ahi ka toobad keenaan haddalladan dembiga ah ee ay dadka Soomaaliyeed ku marin habaabinayaan. Xusuusta erayadii uu Ciise ugu duceeyey xataa kuwii isaga iskutilaabta ku qodbayey ee dilayey: "Aabbow, iyaga cafi, waayo, garan maayaan waxay samaynayaan." (Luukos 23:34) 

Nabadi ha idinla jirto.

0

Comments

  • M.FARATOON
    M.FARATOON Wednesday, 28 October 2015

    Ma qabo in diimaha la kale la caayo ama wax laga sheego balse diintiina si xor ah u haysta kuwa yidhi halalaayo aad bay diinta islaamka ugu khaldameen mana farayso noocaa........lakin idinkuna wax baadha

    Reply Cancel
  • Abdi Duale
    Abdi Duale Wednesday, 28 October 2015

    Mahadsanid walaal. Dil waxba ma tarayo, waxaa fiican in wax la iska dhaadhiciyo!

  • Guest
    H. N. A Thursday, 29 October 2015

    Abdi Duale sxb maxaad comments-keyga u delete-gareyse? shaqsiyan kuuma gefin qolkalena kuma xadgudbin lakin in wax la iska dhaadhiciyo o la isfahma waaye muhiimadda, sidaad adiguba ku tiri comments-kaada kore. jawaab iga sii meesha aan ka qaldame

  • Guest
    H. N. A. Thursday, 29 October 2015

    Abdi Duale sxb adigaa u baahn in aad Bible-ka si fiican u akhriso waayo waxaad u muuqataa nin waxuu rabin ka tegaya waxuu rabana ka soo qaadanaya, waxaad tiri dilka waxbo mataro, bal eeg Bible-ka waxuu arrinkaa ka leeyahay-Sharciga ku noqoshada242-15-16 sidaan ayeey u qorantahay (Markaas dadka magaalada deggan hubaal waa inaad seef ku laysaan oo dhammantood waa inaad wada baabi'isaan, oo kulli waxa magaaladaas ku jira iyo xoolaheedaba seef ku laaya, oo alaabteeda dhaca) tanna waa amara adag xagga Bible-ka waxaana kuu caddeynayaa ayadda qaybteeda danbe oo ku 242-18 oo ku leh waa inaad xajisaan amarada ILLAAH oo aad sameysaan waxaa uu idin farayo.
    sxb waxaas waa Bible-ka aad aaminsantahay, hana ka been sheegin, hadday dadka fasahaad la yimaadaan waa in la marsiiyaa waxa uu ALLEH amray.

  • Guest
    yasiin Wednesday, 28 October 2015

    sxb maxad uga mahad cilnnasaa M . fartoon mid kale waxad ku waydiyay ama suaal ah markii hore ma islaam ayad ahayd mise bilaa diin mise walidiintaaa ayaa christan ahayd

  • Guest
    ismai Wednesday, 28 October 2015

    Nabi ciise waa aamin sanahay lkn nabigii ka dambeeyay hadalkiisa maxaad uga dhaga adkaysatay adoo og in diinta saxsan ay taas tahay waxaan kuugu yareerayaa inaad diintada kuso aabato (wasalaamu cala man tabica huda)

  • Abdi Duale
    Abdi Duale Wednesday, 28 October 2015

    Ismai, maxay diinta Islaamku ku saxsan tahay? Ilaahay xaqa ha ku tuso. Isku day inaad Baybal af Soomaali ah raadsatid oo aad Erayga Ilaahay akhrido, Ilaahna indhahaaga wuu furi doonaa oo mugdiga kaa saari doonaa.

  • Guest
    Ciise Saturday, 31 October 2015

    Maxay diinta islaamka ku saxsan tahay? diinta islaamka wax yaalo badan ayey ku saxsan tahay sida in ilaaha xaqa ah lacaabudo oo aan lacaabudin qof insaan ah sida nabiyada, in nabi Ciise uusan dhiman iwm.

  • Abdi Duale
    Abdi Duale Monday, 02 November 2015

    Annagu Ilaahay baanu caabudnaa keligii. Ciisena inuu dhintay xataa Quraankaa sheegaya, haddaadan is indho tirayn! Diin leh dad aan waxxba samayn ha la dilo, waayo diin kalay hastaan anigu wanaag kuma arko! Adduunkana sida ay Muslimiintii isu baabi'inayaan waad aragtaa, diintooda daraadeed! Markaa Ilaah keliya baan aaminsanahay wax wanaag laguma helo, xataa shaydaanku wuu aaminsan yahay inuu Ilaahay keligiis yahay!

  • mustapha
    mustapha Wednesday, 28 October 2015

    Subxaanallah walal diinta islaamtu ee xaqa a waxay na faraysa in dilku uu ku waajbo qofkasta oo muslim ah oo dinta ka baxa ama ridoobo nacaybna maaha. walalkay xaqiiqdana alle hakugu soo celiyo walalkayow

  • Abdi Duale
    Abdi Duale Wednesday, 28 October 2015

    Haddaan ku idhaahdo waan ku dilayaa waayo Muslin baad tahay, laakiin ogow kuma nebciye, taas ma aqbali lahayd? Dabcan, maya. Nacayb dilka ka weyni ma jiro. Waxan aan caqli galka ahayn bal ka feker, oo akhriso Baybalka, arag sida uu Ilaahay dadkiisa u jecel yahay doonayona inay toobad keenaan. Xataa Ilaahay ayaan dadka khasbin, wadaad Muslin ah daayoo!

  • Guest
    nimco Hodan hachi Thursday, 29 October 2015

    Subxanalaah ilhow iimaanka no adke waa waqtigii lashegy ee ay muslinbadni diinty kabixi donan lyiri gaalo bdana way muslimi donan rabow hdlka udambeye nga yera tawxidka kayel amiin

  • Guest
    SOMALI Thursday, 29 October 2015

    SUBXANALAAH WALEE SOMALI WARAA UYAALA WAA IN MADAX LENKA JARO MEL KASTA OO NIGULA ARKO WABA ALLAH MAHADIS HADI AD BANANKA ISKENTEEN KOLEY WAXA TIHIN DAD LA IIBSADAY SOMALINA WAXAS DHAQAN UMALAHA WA ARIN CUSUB SIDAN AMINSANAHAY MASIXIYINTINA WAXAD SUGTAAN WAA DIL OO KALIYA WAXAS MIYABA INOLA TIMADEEN WAXA TIHIIN XAABADA JAHANABADA ADUNKANA WAD KU DULESANTIHIN ( HOOGE NINKAN CABDI DUCALE ISKUSHEGAY OO GAALKA AH HADA ADIGO GAL AH MUSLIM DISHO ALLAH AYA JANADISA UBALANQADAY LKN ADIGO GAAL AH HADI AN KUDILO NAARTA AYA ALLAH KUGALINAYA WAYO ALLAH MABA AMINSANID MARKA DILKADA KAMA BAQEYNO EE ADIGA NAFTADA NAAR KABADBADI MURDAD AYATAHAY WLHI EE ALLAH UTOOBADKENA GALADA WAXAD BIILKA HESHAN WAA INYAR OO KOBAN WEYNA DHAMANI DINTINA AYAD DOLAR YAR KU IIBSATEEN XATA MASEXIYADA DACAD UMA TIHIN EE DOLARKA YAR OO SANDARERKA AHA UUNBAA IDINWADA UMADA ALLAH HADINKA QABTO

  • Guest
    gaasle Thursday, 29 October 2015

    Diintu waa xorr, ruuxna islaamnimo laguma qasbi karo inuu qaato, diinta islaamkana haduu haysto lagama saari karo.
    Islaamka iyo diimaha kale kutubta waxa ka dhaxeeya meelo badan oo ubaahan in la ixtiraamo oo xaqeeda la siiya. qof soomaali ah oo diinta masiiixa haysta isaga ay xorr u ah tiiisa, aniga se waxa iga xaq mudanyahay inaan nabad galiyo sidoo kale isna inabad galiyo oo wax dhibba oo muuqda oo cadd iiga imaan.
    cidii ku baaqda in dadka diinta masiixiga haysta la laayo wa qoff aan islaamnimada fahansanayn, oo la odhan karrin waa sheekh. sida marka qaarki dhacda in culimada qaar dadka muslimiinta diinta ka saaraan. kuwaasi waa maan-gaabiin ee maaha dad culimo buuxda ah.

    Reply Cancel
  • Guest
    moh Daad Thursday, 29 October 2015

    Asc Abdi du aale adiga oo mahad san malagula hadli karaa adiguse cid malahadli kartaa si la isu fahmo jawaabtu haa hadaytahay waa ok e xagee lagala soo xidhiidhaa

  • Abdi Duale
    Abdi Duale Monday, 02 November 2015

    Igala soo xidhiidh emailka: somalibelievers@gmail.com

  • Abdi Duale
    Abdi Duale Monday, 02 November 2015

    Ilaahay shaydaanka qalbigaaga kugu jira ha kaa saaro. Akhri Erayga Ilaahay ee Baybalka, jacayl iyo wanaag baa kaa buuxsami doona!

  • Ahmad
    Ahmad Friday, 30 October 2015

    Asc, walaalayaal.
    Aniga feker keyga waxa weeye in ummadda Soomaaliyeed ay yihiin kuwa ay ka dhexeyso dalka iyo kuwada noolaanshaha si nabad ah. ilbaxnimada aadanuhu gaarey waxey inoo sheegeysaa in waxa la isu sheego lkn aan la is qasbin. aniga waxan ahay Muslim wax badan ayan ka aqriyey masixiga waxaana ku qanacsanahy islaamnimadeyda waxaan ku boorinayaa asxabta Soomaaliyeed e masiixiga ah in ay wax badan ka bartaan Masiixiga laftigiisa kadibna ay wax badan kasii bartaan Muslimka. kadib ayaka ayaa goan ka gaaraya diinta ay qaaadanayan iyo waxa ay doonayaan iney ku camal falaan. abaalmarintana eebe ayaa iska leh anaku adoomo unbaan nahay.
    mahadsanidin

    Reply Cancel
  • Guest
    nourr Friday, 30 October 2015

    su aal aan ku waydiiyo #abdi ducaale anagu waanu rumaysanahay nabi ciise o quraanka ayuu ku jiraaye adigu ma rumaysantay nabi muhamed scw?

  • Abdi Duale
    Abdi Duale Monday, 02 November 2015

    Injiilka iyo Towreedii midna nebi Maxamed kuma arag!

Leave your comment

Guest Thursday, 23 November 2017

S5 Box

Register

*
*
*
*
*
*

Fields marked with an asterisk (*) are required.