Get Involved Today!
|
Register
 

Waa kuma ciise?


markii su'aashan shakhsi ahaan laguu weydiiyo, tani waa su'aasha ugu muhiimsan ee weligeed la is weydiiyey amma laga jawaabey. kumuu ciise masiix adiga kuu yahay?

Print
Email
20
Jun

Nuux iyo Aaminimada Ilaahay


Written by Abdi Duale


Bilowgii 8, 9

Casharkan, qorsheheenu waa inaynu dhammayno qisadii nebigii Ilaahay ee Nuux. Marka hore aynu nakhtiino wixii aynu hore ugu soo barannay labadii barnaamij ee ku saabsanaa Nuux iyo daadkii weynaa. Cutubka lixaad ee kitaabka Bilowgii, waxaynu ku soo aragnay inuu sharkii bini'aadanku aad u weynaa berigii Nuux noolaa; damac kasta oo qalbiga bini'aadanka ka soo baxaa wuxuu ahaa shar. Taasina waa sababtii uu Ilaahay u go'aansaday inuu adduunka daad ku soo daayo si uu uga tirtiro dembiile kasta oo diidey inuu dembiyadiisa ka soo noqdo oo Ilaaha runta ah ee nool u soo laabto.

Qoonkaa sharka miidhan ah, nin keliya ayaa Ilaahay ka raali noqday. Kaasina wuxuu ahaa Nuux. Nuux Ilaahay buu aaminey oo jeclaa. Waana sababtaa tii uu Ilaahay maalin maalmaha ka mid ah, ula hadlay Nuux, oo ugu amray inuu doon weyn dhiso, taas  oo ay daadka kaga magan geli dooneen isaga, qoyskiisa iyo xayawaan badani. Boqol sanno ayuu Nuux oo ay qoyskiisiina caawinayaan dhisayey doontii, isagoo isla markaana dadkii ku guubaabinaya inay toobad keenaan oo ay erayga Ilaahay rumeeyaan. Sidaas oo ay tahay qofna dhegaha jalaq uma siin wacdiskii Nuux. Qofna ma rumayn wixii uu Nuux iyaga u sheegayey ee ku saabsanaa daadkii imaanayey!

Si kastaba ha ahaatee, waxaa la soo gaadhey maalintii doontu diyaar noqotay. Waxaa timid saacaddii uu Ilaahay xukumayey sharkii adduunka. Ilaahay wakhti dheer buu u dulqaadanayey kuwii Isaga ku kajamayey, laakiinse hadda dulqaadkiisii wuu dhammaaday. Ilaahay wuxuu Nuux u sheegay inay isaga iyo reerkiisii doonta galaan, oo ay xayawaan kasta oo xalaal ah 7 lab ah iyo 7 dhedig ka qaadaan, xayawaannada aan xalaasha ahayna 2 lab ah iyo dhedig ah. Nuux iyo qoyskiisii iyo xayawaanadii waxay galeen doontii. Wuxuu Qorniinku odhanayaa: "Oo Ilaahna wuxuu ku xidhay iyagii." Ilaahay, oo albaabkii badbaadada u furay farcankii Aadan, ayaa ahaa Kii isla albaabkaa xidhay. Maalintii naxariista Ilaahay waa dhammaatay; oo maalintii cadhadiisa weyn ayaa timid!

 

Dabadeedna waxaa bilowday hilaac, onkod iyo dhulkii oo gariira. Roob aan kala go' lahayn ayaa soo da'ay oo dhulkii daad ku qarqiyey. Qof kastaa wuu baxsaday, oo isku deyey inuu buuraha fuulo, laakiinse qofna kama baxsan karin cadhada quduuska ah ee Ilaahay! Wakhtigii badbaadadu waa dhammaaday oo Ilaahay albaabkii wuu xidhay.

Afartan maalmood iyo afartan habeen ayaanu roobku kala go'in, dhulka hoostiisana biyo ayaa ka soo burqanayey, ilaa xataa biyihii buurihii ka kor mareen oo qariyeen. Laakiinse doontii way sabayneysey. Kitaabka Towreeddu wuxuu odhanayaa;

"Oo wax kasta oo jidh leh oo dhulka ku dul dhaqaaqaaba way dhinteen. Waxaa la wada baabbi'iyey wixii dhulka dushiisa ku noolaa oo dhan, xataa dadkii, iyo xoolihii, iyo wixii gurguuran jiray, iyo haaddii cirka; kulli waa laga wada baabbi'iyey dhulka; oo waxaa hadhay Nuux oo keliya, iyo kuwii doonnidii kula jiray isagii." (Bilowgii 7:21,23)

Qorniiku wuxuu qorayaa inuu Ilaahay ciqaabtii u meel mariyey isla sidii uu Isagu ugu ballanqaaday. Noole kasta oo doonta dibaddeeda joogey wuu dhintay. Ilaahay waa mid aamin ah oo Eraygiisa xejiya.

Maxaa ku dhacay kuwii doonta gudaheeda ku jirey? Ilaahay miyuu ilaawey Nuux iyo reerkiisii? Ilaahay, oo quudiya shimbiraha hawada, oo aan midkoodna ilaawin, iyagana muu ilaawin. Aynu akhrino sidan ku qoran Kitaabka Bilowgii cutubka sideedaad. Sidan ayuu Erayga Ilaahay odhanayaa:

"Oo Ilaah wuxuu xusuustay Nuux, iyo wixii noolaa, iyo xoolihii doonnidii kula jiray isagii oo dhan; oo Ilaah dabayl buu dhulka dul mariyey, biyihiina way dhinmeen ...Oo bishii labaad, maalinteedii toddoba iyo labaatanaad, ayaa dhulkii engegay." (Bilowgii 8:1,4)

Markaa, waxaynu arkaynaa inuu Ilaahay xasuustay Nuux iyo kuwii doonta kula jirey. Dabayl ayuu adduunka u soo diray si ay biyihii u gudhaan. Ilaahay doontii buu hoggaamiyey oo waxay ku dul degtey buur la yidhaahdo Araraat. Kaddib markii ay Nuux iyo qoyskiisii doontii ku jireen hal sanno iyo hal usbuuc, ayaa biyihii dhulka qariyey intoodii badnayd gudheen. Dabadeedna wuxuu Ilaahay ku yidhi Nuux, "Doonnida ka baxa adiga, iyo naagtaada, iyo wiilashaada, iyo naagaha wiilashaada ee kula jiraba." Oo Nuux iyo qoyskiisii iyo xayawaankii oo dhammuba doontii way ka baxeen. Markii uu doontii ka baxay, wuxuu isagu isla markiiba dhisay meel alabari lagu qalo, oo wuxuu soo qabtay xayawaano xalaal ah oo Ilaahay buu halkaa ugu allabaryey.

Ma aragtaa wixii ugu horreeyey ee Nuux sameeyey kaddib markii uu doonta ka baxay? Xayawaan aan iin lahayn buu ku allabaryey. Ilaahay muu masaxin qaynuunkiisii odhanayey: "Dhiig daadin la'aan dembidhaaf ma jiro" (Cibraaniyada 9:22) Iyada oo daadkii weynaa dhulka korkiisa ka halaagey dembiileyaasha intoodii badnaa, haddana kaasi ma goyn xididkii dembiga ee weli ku jirey qalbiyada bin'aadanka. Taasina waa sababtii ay Nuux iyo farcankiisii u sii wadeen inay dembiyadooda allabari u bixiyaan. Sidii aynu soo aragnay, allabariyadaa xayawaanku waxay hordhac u ahaayeen jidka badbaadada ee uu Ilaahay diyaariyey. Allabariyadaa awooweyaasheen qarniyadaa hore bixin jireen, waxay calaamad u ahaayeen Bixiye imaanayey oo dhiiggiisa daadin dooney si uu u bixiyo deyntii dembiga ee farcankii Aadan. Waa sababtaa tii uu Nuux, isla markii uu doonta ka baxayba dhiig xayawaan u daadiyey, isaga oo carruurtiisa iyo carruurtooda tusaya inaan qaynuunadii Ilaahay is beddelin, kuwaas oo ahaa: "Mushahaarada dembigu waa dhimasho" (Rooma 6:23) iyo "dhiig daadin la'aan dembidhaaf ma jiro." (Cibraaniyada 9:22)

Sidaa daraadeed wuxuu Qorniinku odhanayaa:

"Rabbiguna wuxuu uriyey caraftii udgoonayd (ee allabariga)...Oo Ilaah waa barakeeyey Nuux iyo wiilashiisii, oo wuxuu ku yidhi, 'Wax badan dhala, oo tarma, oo dhulka ka buuxsama...Anigu axdigayga baan idinku adkaynayaa, idinka iyo farcankiinna idinka dambeeya...Inta jidh leh oo dhan mar dambe biyo daad ah laguma baabbi'in doono; daad dambe oo dhulka baabbi'iyaana mar dambe ma jiri doono...Waa tan calaamadii axdiga aan idinla dhiganayo idinka iyo uun kasta oo nool oo idinla jooga, tan iyo qarni kasta. Waxaan qaansadayda ku dhex dhigay daruurta, waxayna noqon doontaa calaamadii axdiga dhex yaal aniga iyo dhulka. Waxaana dhici doonta, markii aan dhulka daruur dul keeno, in qaansada lagu arki doono daruurta dhexdeeda, oo waxaan xusuusan doonaa axdigayga ina dhex yaal aniga iyo idinka iyo uun kasta oo nool oo jidh kasta leh; biyuhuna dib dambe ma noqon doonaan daad baabbi'iya inta jidh leh oo dhan." (Bilowgii 8:21; 9:1,9,11-15)

Aayadahaas kor ku xusan waxaa ku jira hal eray oo Ilaahay shan jeer Nuux ugu celceliyey. Erayga "Axdi." Axdigu waa ballanqaad khaas ah oo Ilaahay u sameeyo bini'aadanka. Ilaahay waa kii axdiyadiisa dhowra. Ilaahay waa runlow aamin ah, oo wuxuu doonayaa inuu aaminimadiisa tuso carruurtii Aadan! Taasina waa sababta uu wanaaggiisa daraaddiis, Axdi ula dhigtay Nuux iyo kuwii ka soo farcamay Isaga oo leh, "Inta jidh leh oo dhan mar dambe biyo daad ah laguma baabbi'in doono." Sidaas ayuu Ilaahay ku ballanqaaday, oo ballanqaadkiisa eraygo keliya kuma ekayne, wuxuu ku saxeexay qaanso roobaadkiisa uu daruuraha dhexdooda ka muujiyey.

Adigu ma ogtahay in Qaanso roobaadka quruxda badan ee aynu mararka qaarkood daruuraha dhexdooda ka aragno roobka kaddib ay tahay calaamad muujinaysa aaminimada Ilaahay? Mar kasta oo aynu qaansadaa daruuraha ku dhex aragno, Ilaahay wuxuu ina xasuusinayaa aaminimadiisa weligeed jirta farcan ilaa ka farcan. Ilaah wuxuu qaansadaa daruuraha dhexdooda ugu sameeyey inuu tuso axdigii uu ku ballanqaaday inaan biyuhu mar dambe noqon doonin daad weyn oo nolol oo dhan baabi'iya. Run ahaantii, Ilaahay waa kii ballammadiis xejiya. Isagu waa runlow aamin ah!

Intaa markii ka dambeysey, waxaa jira waxyaalo badan oo noloshii Nuux ah oo aynu ka hadli karno, taas oo aad ka akhrin kartaan Towreedda, Kitaabkeeda Bilowgii cutubka sagaalaad. Oo waxaad arki doontaan inuu daadka kaddib Nuux noolaa 350 sanno oo kale, iyo inuu markii uu gaboobey kaddib uu u noqday Ilaaha Weyn ee isaga abuuray(dhintay).

Gabagabo ahaan, waxaynu casharradeena ku saabsan nebi Nuux ku soo gunaanadaynaa su'aal ama labo. Maxaa farqi ah oo u dhexeeyey Nuux iyo qoonkiisii? Muxuu Nuux sameeyey oo Ilaahay isaga raali uga noqday? Mid keliya uun buu isagu sameeyey. Nuux wuxuu rumeeyey Erayga Ilaahay. Sidaa daraadeed Nuux lalama halaagin qoonkiisii. Sidan ayaa Ilaahay Laftiisu inooga sheegayaa Nuux:

"Nuux oo Ilaah uga digay waxyaalo aan weli la arkin ayaa cabsaday, oo rumaysad buu ku diyaariyey doonni in reerkiisu ku badbaado, sidaasuu dunida u xukumay oo ku noqday mid dhaxla xaqnimada rumaysadka ku timaada. Oo rumaysad la'aantiis ma suurtowdo in Isaga{Ilaah} laga farxiyo." (Cibraaniyada 11:7,6)

Laba su'aalood ayaan adiga ku weydiineynaa: Adigu si dhab ah ma u rumaysan tahay Erayga Ilaahay? Nuux wuxuu rumeeyey Ilaahay eraygiisii isaga oo adeecay amarkii uu isaga faray. Su'aasha kalena waa; adigu ma rumaysan tahay inuu Ilaahay aamin yahay? Ma ku kalsoon tahay inuu Ilaahay axdigiisa ama ballammadiisa fulin doono?

Waxaynu qisada Nuux si cad uga arkaynaa inuu Ilaahay sameeyey wax kasta oo uu Isagu ku ballanqaaday. Waxaynu soo akhrinay inuu Ilaahay badbaadiyey dhammaan kuwii doonta gudaheeda ku sugnaa oo uu xukumayd dhammaan kuwii doonta dibaddeeda joogey, isla sidii uu Isagu ballanqaaday. Waxaynu kaloo soo aragnay sidii uu Ilaahay uga saamaxay Nuux dembiyadiisii waayo isagu wuxuu allabari ahaan u bixiyey dhiig xoolaad, isla sidii uu Ilaahay u sheegay inuu isagu sameeyo. Waxaynu kaloo soo aragnay sidii uu Ilaahay qaanso roobaadkiisii daruuraha dhexdooda ugu abuuray si aanay Nuux iyo dadka oo dhammuba u ilaawin inuu "Ilaahay aamin yahay."

Isagu wuu samayn doonaa wax kasta oo uu ballanqaaday. Xasuusta aayadadan Erayga Ilaahay ku qoran:

"Ilaah waa aamin....  Oo kii Isaga rumaystaa ma ceeboobi doono." (1 Korintos 1:9: 1 Butros 2:6)

Bible Verse of the Day

Latest Post Blog

Masiixiyiinta Soomaalida iyo Hay'adda Culimada Soomaaliyeed!
"Masiixiyiinta Soomaaliyeed laaya, dila, qoorta ka gooya..." Erayadan waxaa dhowaan ku dhawaaqay Sheekh ka mid kuwa ugu sarreeya Hay'adda Culimada Soomaaliyeed. Odhaahdan nacaybka badani ka muuqdo waxaa Shiikha ka keenay kaddib markii ay tobaneeyo Masiixiyiinta Soomaaliyeed ahi ku dhiiradeen inay rumaysigooda qirtaan oo ay markhaatifurkooda soo dhigaan baraha warbaahinta.  Waa marka ugu horraysee, waxaan u hambalyaynayaa Masiixiyiinta Soomaaliyeed ee sida dhiiranaanta leh u qirtay rumaysigooda, dadaalkana ugu jira inay walaalahooda Soomaaliyeed la qaybsadaan Injiilka Ciise Masiix—Warka Wanaagsan, kaas oo ku dhisan dembidhaaf, badbaado, iyo jacayl. Waxaana iyaga ku dhiirigelinayaa inay dadaalkooda halkaa ka sii wadaan iyaga oo xasuusanaya inay ummaddooda iftiin u yihiin, sidii uu Sa...
0
KIINEE DHAGAXA UGU HORREEYA KU TUURAYA?
  Qalbi xanuun weyn baa kugu dhacaya marka aad aragtid xaqdarrooyinka badan ee bini'aadanku isku hayo, haddana kuwan qaarkood ayaa adiga si gaar ah kuu sii taabanaya, oo muddo dheer niyaddaada ka sii gubanaya, kuguna khasbaya inaad isku daydo inaad wax ka tidhaahdo, gaar ahaan marka caddaalad daradaa lagu sameeyey iyada oo magaca Ilaahay la isticmalaayo.    Tusaale ahaan, waxaan aad uga gubtey dilkii foosha xumaa ee bishii Maarso 20, 2015 ka dhacay waddanka Afgaanistaan, halkaas oo boqolaal rag ahi haweeney magaceedu ahaa Farkhunda ay si axmaqnimo ah dhagax ugu dileen dabadeedna jidhkeedii gubeen, iyaga oo ku eedeynaya inay Quraan gubtey. Waxaase markii dambe la caddeeyey inay haweeneydaasi maskaxda ka jirranayd, oo 'dembiga' lagu soo eedeeyeyna uu been abuur ahaa. ...
KA DIGTOONAADA AFLAGAADEYNTA DIIMAHA KALE
  "Haddii mid isu maleeyo inuu cibaado badan yahay, oo uusan afkiisa xakamayn, laakiin uu qalbigiisa khiyaaneeyo, kaas cibaadadiisu waa wax aan waxtar lahayn." (Yacquub 1:26).   Waxaa maalmahan aad loo hadal hayaa dhacdooyinkii ka dhacay Paris, iyo dilkii loo geystey joornaaliistayaashii Charlie Hebdo. Dhacdadani waxay tooshka ku qabatay su'aal hore u jirtey oo ah, "Ma saxsan tahay in diimaha dadka kale la aflagaadeeyo?" Anigu haddaan Masiixi ahay waxaan is weydiinayaa, "Ma saxsan tahay inay Masiixiyiintu diimaha dadka kale aflagaadeeyaan?" Jawaabta su'aashanina waa MAYA.  Tan macnaheedu maaha inaan dhiirigelinayo in dad lagu dilo magaca diin la aflagaadeeyey ama Ilaahay dartii. Waxaan oggolahay in diimaha iyo sida loogu dhaqmo la baadho, su'aalo la iska weydiiyo, ...
0
FEKERO KIRISMAS-ka LA XIDHIIDHA
Waxaa mar kale inagu soo dhow xusidii dhalashadii Sayid Ciise Masiix. Intii aan buuqa, dabaaldegyada, iyo wax iibsiga (shopping) ku mashquuli lahaa, waxaan anigu doortay inaan mar kale si sakhsiyan ah uga fekero macnaha uu wakhtigan muhiimka ahi aniga ii leeyahay. Marka aan qisadii dhalashadii Masiixa ka akhriyo Injiilka sida uu Matayos u qoray 1:18-25, laba odhaahood oo muhiim ah oo aayadahan ku jira ayaan si gaar ah ii taabanaya:  "Waxaas oo dhan waxay u dhaceen in la arko wixii Rabbigu kaga dhex hadlay nebiga, isagoo leh, Gabadh bikrad ah baa uuraysan doonta oo wiil umuli doonta, Magiciisana waxaa loo bixin doonaa, Cimmaanuu'eel; kan micnihiisu yahay, ILAAH BAA INALA JOOGA." (Matayos 1:22, 23).  1. ILAAH BAA INALA JOOGA: ma dareemeysaa inuu Ilaahay kuu dhow yahay oo kula jo...
0
CIIDUL-ADXA: ALLABARIGII IBRAAHIM
Islaamku wuxuu sannadkiiba u dabaaldegaa laba ciidood oo waaweyn - Ciidul-Fidri iyo Ciidul-Adxa. Ciidul-Fidriga oo la qabto marka bisha ramadaan dhammaato, iyo Ciidul-Adxa oo ku aaddan laba bilood ramadaanka kaddib, bisha Zil-Haj, markaas oo xoolo allabari ahaan loo qalo, tan oo lagu xasuusanayo allabarigii uu Ibraahim doonayey inuu willkiisii u bixiyo. Wadaadada Muslinka ah badankoodu waxay sheegaan inaan wax xidhiidh ahi ka dhexayn allabarigan iyo dhimashadii uu Ciise iskutallaabta allabari ahaanta innaga inoogu dhintay. Haddaanu Masiixiyiin nahay waxaanu rumaysannahay in allabarigii Ibraahim lahaa waxyi ama muujin qoto dheer, oo uu tusaale u ahaa allabari ka weyn oo soo socdey. Bal aynu horta noloshii Ibraahim eegno. Wax xidhiidh ah ma ka dhexeeyaa sida Quraanka iyo Baybalku tan ugaga...
0

Get Involved / Na Caawi  Today!

Nagala soo xidhiidh email-kan / Contact us via this emaila: This email address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it.

 

Signup to our Newsletter:

S5 Box

Register

*
*
*
*
*
*

Fields marked with an asterisk (*) are required.