Get Involved Today!
|
Register
 

Waa kuma ciise?


markii su'aashan shakhsi ahaan laguu weydiiyo, tani waa su'aasha ugu muhiimsan ee weligeed la is weydiiyey amma laga jawaabey. kumuu ciise masiix adiga kuu yahay?

Print
Email
31
Mar

Nuux iyo Daadkii Weynaa


Written by Abdi Duale

 

Bilowgii 7

Casharkeenkii ugu dambeeyey, waxaynu bilownay inaynu eegno qisadii cajiibka ahayd ee Nebi Nuux kaas oo noolaa toban farcan Aadan kaddib. Iyadoo lagu jiro wakhti fusuq iyo dembi miidhan ah, ayuu Nuux Ilaahay la socdey. Waxaynu soo aragnay sidii uu Ilaahay qalbigiisu aadka u murugoodey dembiyada farcankii Aadan daraaddood. Qorniinku wuxuu odhanayaa, "Rabbiguna wuxuu arkay in dadka sharkiisu ku badan yahay dhulka, iyo in male kasta oo fikirrada qalbigiisu ay shar keliya yihiin had iyo goorba." (Bilowgii 6:5). Waana sababtaa tii uu Ilaahay, cadhadiisa quduuska ah daraaddeed, u qorsheeyey inuu dembiileyaasha (bilaa towbadda ah) adduunka ka tirtiro.

Laakiinse, Nimcada Ilaahay ayaa Nuux la jirtey, waayo Nuux wuxuu aaminsananaa Ilaahay iyo Eraygiisa. Maalin ayuu Ilaahay wuxuu Nuux ku yidhi: waxaan qorsheeyey inaan adduunka daad ku soo daayo, si aan wax kasta oo nool u halaago. Laakiinse adigu doon weyn dhis si ay adiga iyo qoyskaagu ugu badbaadaan.

Boqol sanno ayay Nuux iyo qoyskiisii ka shaqaynayeen inay doontii weyneyd dhisaan. Nuux shaqadiisii kumuu ekayn dhisiddii doonta oo keliya, laakiinse dadka ayuu intaa wacdiyayey, isagoo ku leh: War dembiyadiina ka toobadkeena oo Ilaahay u soo noqda! Ilaaha xaqaaniga ahi, adduunka wuu xukumi doonaa!

Qoonkii Nuux miyay dembiyadoodii ka toobadkeeneen oo miyay rumeeyeen eraygii uu Ilaahay iyaga Nuux ugu soo dhiibey? Bal malee? Kumanyaalkii iyo kumanyaalkii farcankii Aadan ahaa ee adduunka berigaa ku noolaa, imisa ayaa toobadkeenay, oo Ilaahay rumeeyey oo u qalmey inay doonta galaan? Baybalku wuxuu inoo sheegayaa inay "Dhowr qof,  oo ah siddeed nafood oo keliya badbaadeen..." (1 Butros 3:20)

Intee qof ayaa Ilaahay rumeeyey? Sideed keliya: Nuux iyo xaaskiisii, iyo saddexdoodii wiil iyo xaasaskoodii. Kuwii kale oo dhammi Eraygii Ilaahay may rumayn. Qaarkood way iska dhego tireen wacdigii Nuux, kuwo kalena way ku majaajiloodeen. Waxay u maleeyeen inuu isagu waalnaa waayo doon buu ku samaynayey dhul aaan biyo lahayn oo qalalan. Nuuxse wuu iska dhego tiray caydoodii waayo wuxuu rumaysnaa wixii uu Ilaahay yidhi. Wuxuu sii wadey inuu doontii dhiso, oo iyaga sii wacdiyo, isagoo ku leh, "Toobadkeena! Ilaahay si caddaalad ah buu adduunka u xukumi doonaa! Maxaad idinku u diidan tihiin inaad erayga Ilaahay rumaysaan? Maxaad u dooneysaan inaad halaagantaan?"

Ugu dambayntiina, waxaa la soo gaadhey maalintii ay Nuux iyo reerkiisii dhammeeyeen dhisiddii doonta. Aayadda ugu dambaysan cutubka lixaad ee Kitaabka Bilowgii ayaa odhanaysa, "Sidaasuu Nuux sameeyey; wax kasta sidii Ilaah ugu amray buu u sameeyey." (Bilowgii 6:22) Doontii diyaar bay ahayd. Wax kastaa waa dhammaadeen. Hal mid uun baa dhinayd: Waxay ahayd inay Nuux iyo reerkiisu doonta galaan. Waxaynu maqli karnaa Nuux oo hal mar kama dambays ah dadkii ku wacdiyaya inay toobadkeenaan si ay uga baxsadaan halaagga soo socda. Laakiinse iyagu taas dheg jalaq uma siin!

Sidaas daraadeed, ayaa Bilowgii 7:1-5 la inoogu sheegayaa:

"Oo Rabbigu wuxuu Nuux ku yidhi, 'Adiga iyo dadka gurigaaguba soo gala doonnida; waayo, waxaan arkay adigoo qarnigan xaq ku ah hortayda. Xoolaha daahirka ah toddoba iyo toddoba ka qaad, ku lab iyo dhaddiggiis; xoolaha aan daahirka ahaynna laba ka qaad, ku lab iyo dhaddiggiis; haadda hawadana toddoba iyo toddoba ka qaad, lab iyo dhaddig: si farcan ugu sii noolaado dhulka dushiisa oo dhan. Waayo, waxaa weli hadhay toddoba maalmood, dabadeedna afartan maalmood iyo afartan habeen ayaan roob ku soo dayn dhulka; oo wax kasta oo nool oo aan sameeyey waan ka baabbi'in doonaa dhulka dushiisa.' Nuuxna wax kasta sidii Rabbigu ugu amray ayuu u sameeyey." (Bilowgii 7:1-5)

Maxay Nuux iyo reerkiisii doonta u galeen? Ma waxay arkeen cirkii oo daruuro soo yeelanaya? Mise waxay uriyeen roobkii oo soo socda? Maya! Cirku wuu banaanaa markii ay doonta galeen. Markaa maxay doonta u galeen? Sabab keliya ayay taas u sameeyeen, oo ahayd inay iyagu rumeeyeen wixii uu Ilaahay yidhi.

Sidan ayuu Erayga Ilaahay odhanayaa:

"Nuuxna doonniduu galay, isagii iyo wiilashiisii iyo naagtiisii, iyo naagihii wiilashiisii ee la jiray oo dhan, waxayna ka soo galeen biyihii daadka. Xoolihii daahirka ahaa, iyo xoolihii aan daahirka ahayn, iyo haaddii iyo wax kasta oo dhulka gurguurtaba Nuux bay laba laba ugu galeen doonnidii, lab iyo dhaddig, sidii Ilaah ugu amray Nuux....Oo Ilaahna waa ku xidhay iyagii." (Bilowgii 7:7-9, 16) 

"Oo Ilaahna waa ku xidhay iyagii!" Waxaa la soo gaadhey maalintii cadhada weyn. Ilaahay qoonkaa in badan buu u soo dulqaatay, laakiinse hadda dulqaadkiisii waa soo dhammaaday! Oo cadhadiisii oo keliya ayaa hadhay. Ilaahay ayaa albaabkii xidhay; oo marka uu Ilaahay albaab xidho, ma jiro qof kaas furi karaa.

Ilaahay daad ayuu adduunka ku soo daayey isla sidii uu ballanqaaday. Cirkii baa madoobaadey; dabaylo ayaa soo dhacay. Waxaa jirey daruuro waaweyn iyo onkod iyo hilaac iyo dhulgariiryo. Hadda bini'aadankii cabsi bay la gariirayeen. Markii wax kastaa nabdoonaayeen, iyaga way u fududayd inay Ilaahay ku xujeeyaan erayo iyo camallo cay ah. Laakiinse, hadda waxaa bilowday inuu xukunkii Ilaahay iyaga ku soo dego, oo afafkoodiina waa la xidhay! Saacaddii cadhada Ilaahay ayaa timid, meel ay ku gabadaana may jirin!

Roob aan kala joogsaneyn baa soo da'ay, dhulka hoostiisana biyo ayaa ka soo burqaday, badihii iyo webiyadiina way soo fataheen, taas oo keentay inuu dhulkii daad qariyo, daadkaas oo magaalooyinkii iyo tuulooyinkii qaaday. Kuwii Nuux ku kajami jirey ee erayga Ilaahay diidey waxay hadda ogaadeen in wixii uu Ilaahay nebigiisa u sheegay ay run ahaayeen. Laakiinse, ogaanshahani iyaga faa'iido uma lahayn, waayo fursaddii lagu toobadkeenayey waa la dhaafay; waxkhtigii badbaadadoodu waa dhammaaday. Albaabkii doontu wuu xidhmay. Marka uu Ilaahay albaabka badbaadada xidho, ma jiro mid kaas furi karaa.

Qorniinku wuxuu inoo sheegayaa inuu roobka iyo daadku socday afartan maalmood, ilaa ay xataa buurihii ka qarsoomeen. Laakiinse dooontii biyihii ayay dul sabayneysey.

"Oo wax kasta oo jidh leh oo dhulka ku dul dhaqaaqaaba way dhinteen, haaddii, iyo xoolihii, iyo dugaaggii, iyo wax kasta oo dhulka gurguurta, iyo dadkii oo dhanba. Oo waxaa hadhay Nuux oo keliya, iyo kuwii doonnidii kula jiray isagii." (Bilowgii 7:21,23)

Ilaahay ma sameeyey wixii uu ku ballanqaaday? Dabcan! Isagu sow muu xukumin dembiileyaashii diidey inay toobadkeenaan? Wuu xukumay mid kasta oo aan doonta ku jirin, isla sidii uu sheegay inuu samayn doono.

Casharkeena kan ku xiga ayaynu qisada Nuux ku soo gabagabeyneynaa, laakiinse waxaa jira cashar muhiim ah oo Ilaahay inaga barayo xukunkii daadkii weynaa. Kaasina waa: Inuu Ilaahay qorsheeyey inuu maalin maalmaha ka mid ah xukumo dadka adduunka. Oo maalinta xukunka ee imaanaysaa xataa way ka xun tahay xukunkii ku dhacay qoonkii Nuux!

Sidan ayuu mid nebiyadii Ilaahay ahi ka qorayaa maalinta xukunka kama dambaysta ah ee imaanaysa:

"Oo markaasaan arkay carshi weyn oo cad, iyo kii ku fadhiyey, oo wejigiisa dhulkii iyo samadii ay ka carareen, oo iyagiina meel looma helin. Oo markaasaan arkay kuwii dhintay, yar iyo weynba, iyagoo taagan carshiga hortiisii, markaasaa waxaa la furay kitaabbadii; oo haddana waxaa la furay kitaab kale oo ah kii nolosha; oo kuwii dhintay waxaa lagu xukumay waxyaalihii kitaabbadii ku qornaa, sidii ay shuqulladoodii ahaayeen. Oo ku alla kii aan kitaabkii nolosha laga helin isagoo ku qoran, waxaa lagu tuuray baddii dabka ahayd." (Muujintii 20:11-12, 15)

Adigu ma is hubtaa inta aad ka fekereysid maalinta cabsida leh ee xukunka Ilaahay? Magacaagu ma ku qoran yahay kibaabka nolosha? Erayga Ilaahay wuxuu odhayaa "Bal eeg, hadda waa wakhtigii la aqbalay; bal eeg, hadda waa maalintii badbaadinta." (2 Korintos 6:2)

Erayga Ilaahay wuxuu Maalinta xukunka ee imaanaysa ka odhanayaa, "Waayo, idinka qudhiinnuba qummaati baad u garanaysaan inay maalinta Rabbigu u imanayso sida tuug habeen u yimaado. Markay leeyihiin, Waa nabad iyo salaamad, kolkaasaa filashola'aan halaaggu u qaban doonaa sida fooshu naag uur leh u qabato; iyaguna sinaba ugama baxsan doonaan." (1 Tesaloniika 5:2,3) Ma jiro qof ka baxsan doonaa, oo aan ka ahayn kuwa soo maray albaabka badbaadada ee uu Ilaahay u furay bini'aadanka.

Adigu ma garanaysaa albaabkaa uu Ilaahay dembiileyaasha u furay? Ma garanaysaa jidka aad xukunka kaga baxsan kartid ee Ilaahay kuu sameeyey? Yaa halaaggii ka baxsaday waagii Nuux? Kuwii doonta albaabka ka galay oo keliya! Sidaas oo kale, Qorniinku wuxuu inoo sheegayaa inuu Ilaahay bini'aadanka dembiileyaasha ah u banneeyey hal albaab oo keliya oo lagu badbaadayo. Adigu ma taqaan albaabkaa badbaadada? Si fiican ugu fiirso oo u akhri hadalladan uu kuu hadlay Dhexdhexaadiyaha quduuska ah ee Ilaahay, waa Ciise Masiix e, "Waxaan ahay {illinka}; haddii qof uun xaggayga ka soo galo, wuu badbaadi doonaa!" (Yooxanaa 10:9) "Runtii, runtii, waxaan idinku leeyahay, Kii ereygayga maqla oo rumaysta kii i soo diray, wuxuu leeyahay nolosha weligeed ah, xukunna geli maayo." (Yooxanaa 5:24)

Ilaahay ha idin barakeeyo inta aynu isugu imaan doono casharkeena kan ku xiga oo aynu qisada Nuux ku soo gabagabeyn doono. Ka sii fekera su'aashan miisaanka weyn ee Ilaahay eryagiisu ina weydiinayo:

 

"Sidee baynu u baxsan doonnaa haddaynu dayacno badbaadintan weyn?" (Cibraaniyada 2:3)

Bible Verse of the Day

Latest Post Blog

Masiixiyiinta Soomaalida iyo Hay'adda Culimada Soomaaliyeed!
"Masiixiyiinta Soomaaliyeed laaya, dila, qoorta ka gooya..." Erayadan waxaa dhowaan ku dhawaaqay Sheekh ka mid kuwa ugu sarreeya Hay'adda Culimada Soomaaliyeed. Odhaahdan nacaybka badani ka muuqdo waxaa Shiikha ka keenay kaddib markii ay tobaneeyo Masiixiyiinta Soomaaliyeed ahi ku dhiiradeen inay rumaysigooda qirtaan oo ay markhaatifurkooda soo dhigaan baraha warbaahinta.  Waa marka ugu horraysee, waxaan u hambalyaynayaa Masiixiyiinta Soomaaliyeed ee sida dhiiranaanta leh u qirtay rumaysigooda, dadaalkana ugu jira inay walaalahooda Soomaaliyeed la qaybsadaan Injiilka Ciise Masiix—Warka Wanaagsan, kaas oo ku dhisan dembidhaaf, badbaado, iyo jacayl. Waxaana iyaga ku dhiirigelinayaa inay dadaalkooda halkaa ka sii wadaan iyaga oo xasuusanaya inay ummaddooda iftiin u yihiin, sidii uu Sa...
0
KIINEE DHAGAXA UGU HORREEYA KU TUURAYA?
  Qalbi xanuun weyn baa kugu dhacaya marka aad aragtid xaqdarrooyinka badan ee bini'aadanku isku hayo, haddana kuwan qaarkood ayaa adiga si gaar ah kuu sii taabanaya, oo muddo dheer niyaddaada ka sii gubanaya, kuguna khasbaya inaad isku daydo inaad wax ka tidhaahdo, gaar ahaan marka caddaalad daradaa lagu sameeyey iyada oo magaca Ilaahay la isticmalaayo.    Tusaale ahaan, waxaan aad uga gubtey dilkii foosha xumaa ee bishii Maarso 20, 2015 ka dhacay waddanka Afgaanistaan, halkaas oo boqolaal rag ahi haweeney magaceedu ahaa Farkhunda ay si axmaqnimo ah dhagax ugu dileen dabadeedna jidhkeedii gubeen, iyaga oo ku eedeynaya inay Quraan gubtey. Waxaase markii dambe la caddeeyey inay haweeneydaasi maskaxda ka jirranayd, oo 'dembiga' lagu soo eedeeyeyna uu been abuur ahaa. ...
KA DIGTOONAADA AFLAGAADEYNTA DIIMAHA KALE
  "Haddii mid isu maleeyo inuu cibaado badan yahay, oo uusan afkiisa xakamayn, laakiin uu qalbigiisa khiyaaneeyo, kaas cibaadadiisu waa wax aan waxtar lahayn." (Yacquub 1:26).   Waxaa maalmahan aad loo hadal hayaa dhacdooyinkii ka dhacay Paris, iyo dilkii loo geystey joornaaliistayaashii Charlie Hebdo. Dhacdadani waxay tooshka ku qabatay su'aal hore u jirtey oo ah, "Ma saxsan tahay in diimaha dadka kale la aflagaadeeyo?" Anigu haddaan Masiixi ahay waxaan is weydiinayaa, "Ma saxsan tahay inay Masiixiyiintu diimaha dadka kale aflagaadeeyaan?" Jawaabta su'aashanina waa MAYA.  Tan macnaheedu maaha inaan dhiirigelinayo in dad lagu dilo magaca diin la aflagaadeeyey ama Ilaahay dartii. Waxaan oggolahay in diimaha iyo sida loogu dhaqmo la baadho, su'aalo la iska weydiiyo, ...
0
FEKERO KIRISMAS-ka LA XIDHIIDHA
Waxaa mar kale inagu soo dhow xusidii dhalashadii Sayid Ciise Masiix. Intii aan buuqa, dabaaldegyada, iyo wax iibsiga (shopping) ku mashquuli lahaa, waxaan anigu doortay inaan mar kale si sakhsiyan ah uga fekero macnaha uu wakhtigan muhiimka ahi aniga ii leeyahay. Marka aan qisadii dhalashadii Masiixa ka akhriyo Injiilka sida uu Matayos u qoray 1:18-25, laba odhaahood oo muhiim ah oo aayadahan ku jira ayaan si gaar ah ii taabanaya:  "Waxaas oo dhan waxay u dhaceen in la arko wixii Rabbigu kaga dhex hadlay nebiga, isagoo leh, Gabadh bikrad ah baa uuraysan doonta oo wiil umuli doonta, Magiciisana waxaa loo bixin doonaa, Cimmaanuu'eel; kan micnihiisu yahay, ILAAH BAA INALA JOOGA." (Matayos 1:22, 23).  1. ILAAH BAA INALA JOOGA: ma dareemeysaa inuu Ilaahay kuu dhow yahay oo kula jo...
0
CIIDUL-ADXA: ALLABARIGII IBRAAHIM
Islaamku wuxuu sannadkiiba u dabaaldegaa laba ciidood oo waaweyn - Ciidul-Fidri iyo Ciidul-Adxa. Ciidul-Fidriga oo la qabto marka bisha ramadaan dhammaato, iyo Ciidul-Adxa oo ku aaddan laba bilood ramadaanka kaddib, bisha Zil-Haj, markaas oo xoolo allabari ahaan loo qalo, tan oo lagu xasuusanayo allabarigii uu Ibraahim doonayey inuu willkiisii u bixiyo. Wadaadada Muslinka ah badankoodu waxay sheegaan inaan wax xidhiidh ahi ka dhexayn allabarigan iyo dhimashadii uu Ciise iskutallaabta allabari ahaanta innaga inoogu dhintay. Haddaanu Masiixiyiin nahay waxaanu rumaysannahay in allabarigii Ibraahim lahaa waxyi ama muujin qoto dheer, oo uu tusaale u ahaa allabari ka weyn oo soo socdey. Bal aynu horta noloshii Ibraahim eegno. Wax xidhiidh ah ma ka dhexeeyaa sida Quraanka iyo Baybalku tan ugaga...
0

Get Involved / Na Caawi  Today!

Nagala soo xidhiidh email-kan / Contact us via this emaila: This email address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it.

 

Signup to our Newsletter:

S5 Box

Register

*
*
*
*
*
*

Fields marked with an asterisk (*) are required.