Get Involved Today!
|
Register
 

Waa kuma ciise?


markii su'aashan shakhsi ahaan laguu weydiiyo, tani waa su'aasha ugu muhiimsan ee weligeed la is weydiiyey amma laga jawaabey. kumuu ciise masiix adiga kuu yahay?

Print
Email
12
Feb

Bilowgii 6

Marka aynu dib u jaleecno Qorniinka Quduuska ah, waxaynu hore u soo aragnay in bilowgii, markii uu Ilaahay adduunka abuuray ay wax walba wanaagsanaayeen. Laakiinse, Aadan-kii aynu ka soo farcannay ayaa Ilaahay adeeci waayey, oo shar/dembi ayaa isaga dartii adduunka soo galay oo bini'aadanka oo dhan saameeyey, sida cudurrada faafa! Waxaynu kaloo soo aragnay inuu sharkaasi isla markiiba saameeyey labadii wiil ee Aadan dhalay, ee Haabiil iyo Qaabiil, iyo farcankoodii ka dambeeyeyba.

Casharkeenan waxaynu ku baranaynaa nin Ilaahay adeecay wakhti uu adduunka shar ka buuxey. Nebi Nuux, toban oday ayuu Aadan ka tirsan jirey (farcankii 10-aad), oo isagu 500 oo sanno ayuu jirey markii uu dhalay saddexdiisii wiil Sheem, Xaam iyo Yaafed.

Waxa aynu Nuux casharkan kaga baranayno aad buu qiimo weyn inoogu leeyahay, waayo, berigii uu Nuux noolaa wuxuu la mid yahay wakhtiga aynu maanta noollahay. Waagii Nuux, adduunka dembi ayaa ka buuxsamey, Baybalku wuxuu wakhtigaas ka odhanayaa, "Rabbiguna wuxuu arkay in dadka sharkiisu ku badan yahay dhulka, iyo in male kasta oo fikirrada qalbigiisu ay shar keliya yihiin had iyo goorba." (Bilowgii 6:5). Qalbiyada farcankii Aadan waxaa ka buuxsamey fikiro shar ah, cirweyni, sir, xaasidnimo, isla weyni, dagaal, dil, sino, tuuganimo, iyo dembi kasta oo kale oo qalbigooda soo galay. Waxay dadku isku dayayeen inay iyagu la wareegaan oo siday rabaan ka yeelaan adduunka uu Ilaahay abuuray. Kuwo badan baa sheeganayey inay diin leeyihiin, laakiin is tus uun bay taasi ka ahayd. Rabitaanka qalbiyadooda ayaa iyaga diin u ahaa, dembigoodiina cirkuu isku shareeray!

Akhri sidan ay Towreeddu odhanayso, kitaabka Bilowgii 6: 3, 5, 7:        

"Rabbiguna wuxuu yidhi, Ruuxaygu lama sii dagaallami doono dadka weligiis, maxaa yeelay, isagu waa jidh, laakiinse cimrigiisu wuxuu noqon doonaa boqol iyo labaatan sannadood. Rabbiguna wuxuu arkay in dadka sharkiisu ku badan yahay dhulka, iyo in male kasta oo fikirrada qalbigiisu ay shar keliya yihiin had iyo goorba.Oo Rabbigu wuxuu yidhi, waxaan dhulka ka baabbi'in doonaa dadkii aan abuuray; dadka, iyo weliba dugaagga, iyo waxa gurguurta, iyo haadda hawada."

 Waxaynu aragnaa inuu Ilaahay doonayey inuu farcankii Aadan halaago sharkoodii daraaddiis. Laakiinse, waxaynu kaloo aragnaa sidii uu Ilaahay, naxariistiisa weyn daraaddeed u doonayey inuu dembiileyaasha u dulqaato 120 sanno oo kale si uu iyaga u siiyo wakhti ay ku toobadkeenaan, oo ay halaagga kaga badbaadaan. Laakiinse, markii wakhtigaasi dhammaado, Ilaahay wuu halaagi dooney mid kasta oo toobadkeeni waaya oo diida inuu raaco jidka xaqa ah ee Ilaahay.

Maxaynu ka baran karnaa dabeecadda Ilaahay ee halkan lagu sheegay ee ku saabsan 120-ka sanno ee iyaga loo qabtay? Waxaynu halkan ka arkaynaa inuu: Ilaahay aad u dulqaad badan yahay, laakiinse uu dulqaadkiisu xad leeyahay! Isagu dadka wuu la hadli doonaa, oo calaamadihiisa tusi doonaa si ay iyagu u toobad keenaan, laakiinse taasi weligeed ma sii soconayso. Waa sababtaa ta uu Ilaahay berigii Nuux u yidhi, "Ruuxaygu lama sii dagaallami doono dadka weligiis, maxaa yeelay, isagu waa jidh, laakiinse cimrigiisu wuxuu noqon doonaa boqol iyo labaatan sannadood." Markaa, waxaynu halkan ka arkaynaa inuu Ilaahay qorsheeyey inuu dembiileyaasha intii wakhti ah u sii dulqaato oo uu dabadeedna iyaga xukumo haddii ay diidaan inay toobad keenaan. Halkan waxaynu ka dhex arkaynaa labada dabeecadood ee Ilaahay ee kala ah: Dulqaadkiisa iyo cadhadiisa. Ilaahay wuu fiican yahay oo aad buu u dulqaad badnaan karaa, laakiinse sidoo kale Isagu waa xaqaani oo aad buu u cadhoon karaa!

Qaar baa u maleeya inuu Ilaahay had iyo goor budh weyn dadka la dul taagan yahay, sidii uu Ilaahay yahay mid markiiba cadhooda oo ku raaxaysta ama ku farxa inuu dadka dhibo oo nolosha ku adkeeyo. Laakiinse Ilaahay sidaas oo kale maaha. Qaar kale ayaa u maleeya inuusan Ilaahay weligiis xanaaqin, uuse keliyoo dadka dembiyadooda saamaxo oo iska ilaawo. Kuwaasi waxay hadal ka yaqaaniin oo keliya, "Ilaahay waa wanaagsan yahay, Ilaahay waa wanaagsan yahay!" Laakiin kuwanuna way khaldan yihiin.

Kitaabka Quduuska ah ayaa runta inooga sheegaya dabeecadda Ilaahay. Ilaahay waa fiican yahay isla markaana Isagu waa waa xaqaani/caddaali. Ilaahay wuu dulqaad badnaan karaa isla markaana Isagu wuu cadhoon karaa. Wanaaggiisa iyo naxariistiisa ayaa keenaya inuu Isagu dembiileyaasha u dulqaato, laakiinse xaqnimadiisa iyo quduusnimadiisa ayaa sidoo kale keenaya inuu Isagu dembiileyaasha u cadhoodo. Ilaahay waa Badbaadiye laakiinse isla markaana Isagu waa Xaakin. Nebiyadii wax badan bay ka qoreen dulqaadka iyo cadhada Ilaahay. Aynu erayadoodii qaarkood Kibaabka Quduuska ah ka akhrino.

Qorniinku wuxuu odhayaa:

"Waxan keliya ha illoobina in maalin keliyahu Rabbiga la tahay sida kun sannadood, kun sannadoodna la yihiin sida maalin keliya. Rabbigu kama raago inuu ballankiisa oofiyo sida dadka qaarkiis ku tiriyo inay tahay raagid, laakiinse idinkuu idiin dulqaadanayaa, oo dooni maayo in qofnaba halligmo, laakiinse wuxuu doonayaa in kulli la wada toobadkeeno. Laakiinse maalinta Rabbigu waxay u iman doontaa sida tuug oo kale." (2 Butros 3:8-10) "Rabbigu dadkiisa wuu xukumi doonaa.Waa wax aad cabsi u leh in lagu dhaco gacmaha Ilaaha nool.... Digtoonaada si aydnaan u diidin kan hadlaya...waayo, Ilaaheennu waa dab wax baabbi'iya." (Cibraaniyadda 10:30,31; 12:25,29)

Sabuurradiina waxaynu ka akhrinaa, "Ilaah waa xaakin xaq ah, Oo waa Ilaah maalin kasta u cadhaysan {dembiile aan toobad keenin}." (Sabuurradii 7:11)

Injiilkana waxaa ku qoran:

"Cadhadii Ilaah ayaa samada laga muujiyey iyadoo ka gees ah cibaadodarrada iyo xaqdarrada dadka oo dhan, kuwaasoo runta ku joojiya xaqdarro. Oo waxaannu og nahay in xukunka Ilaah uu ka gees yahay kuwa waxyaalaha caynkaas ah sameeya, sida runta ah. Nin yahow, ma waxay kula tahay...inaad xukunka Ilaah ka baxsan doonto? Ma waxaad quudhsanaysaa hodantinimada wanaaggiisa iyo samirkiisa iyo dulqaadashadiisa? Miyaadan garanayn in wanaagga Ilaah kuu kaxeeyo xagga toobadda? Laakiin engegnaantaada iyo toobad la'aanta qalbigaaga aawadiis waxaad cadho u urursanaysaa maalinta cadhada iyo muuqashada xukunka xaqa ah oo Ilaah, kan nin kasta u siin doona sida shuqulkiisu ahaa." (Rooma 1:18; 2:2-6)

Cadhada Ilaahay maaha sida cadhada bini'aadanka. Qofku aad buu u xanaaqi karaa, laakiinse cadhadiisu si tartiib tartiib ah bay hoos ugu dhici kartaa ilaa uu ka ilaawo wixii markii horeba kaga cadhaysiiyey. Cadhada Ilaahay sidaas oo kale maaha! Wakhtiga dheeraaday cadhada Ilaahay hoos uma dhigi karto. Ilaahay waa xaakin xaq ah oo Isagu waxba ma ilaawo! Cadhadiisu hoos ugama dhacdo kuwa diida inay toobad keenaan; bil caksi, way ku sii korodhaa! Hadda ayaynu aayadaha kor ku qoran ka soo akhrinay arrintan; "Laakiin engegnaantaada iyo toobad la'aanta qalbigaaga aawadiis waxaad cadho u urursanaysaa maalinta cadhada iyo muuqashada xukunka xaqa ah oo Ilaah."

Qoonkii Nuux waxay naftooda u "ururinayeen" cadhada Ilaahay! Laakiinse, waxaa iyaga wakhtigaa ka duwanaa hal nin, kaas oo qalbigiisa oo dhan Ilaahay ka jeclaa, oo Erayga Ilaahay rumaysnaa. Ninkaasina wuxuu ahaa Nuux. Erayga Ilaahay wuxuu odhanayaa: "Laakiin Rabbigu Nuux raalli buu ka ahaa. Nuux wuxuu ahaa nin xaq ah, oo ku eed la' farcankiisii; Nuuxna Ilaah buu la socon jiray." (Bilowgii 6:8,9)

Muxuu Ilaahay nimcadiisa u tusay Nuux oo isaga raalli uga noqday? Nuux miyuu nimcada Ilahaay shaqaystay? Maya! Nimco la shaqaystay nimco maaha! Nimcada Ilaahay macnaheedu waa "wanaag aadan u qalmin." Haddaba, muxuu Ilaahay nimcadiisii u siiyey Nuux ee uusan u siin kuwii kale? Muxuu Qorniinku arrintaa ka odhanayaa? Wuxuu inoo sheegayaa inuu Nuux Ilaahay rumeeyey. Isagu wuxuu rumaysnaa wixii uu Ilaahay ballanqaaday ee ku saabsanaa Badbaadiyaha adduunka imaan dooney si uu dembiileyaasha u badbaadiyo. Isla sidii farcankii kale ee Aadan, Nuux laftiisu bilaa dembi muu ahayn, laakiinse Ilaahay ayaa isaga xaq ka dhigay waayo Ilaahay ayuu isagu rumeeyey, dembiyadiisiina allabari dhiig leh ayuu u bixiyey, isla sidii uu Ilaahay amray. Sidaas darteed ayuu Qorniinku u odhanayaa, "Nuux wuxuu ahaa nin xaq ah, oo ku eed la' farcankiisii."

Maalin ayaa Ilaah ku yidhi Nuux:

"Intii jidh leh oo dhan dhammaadkoodii aan dhammayn lahaa ayaa gaadhay; waayo, dhulkii waxaa ka buuxsamay dulmi iyaga ka yimid, oo bal eeg, iyagaan dhulka la baabbi'in doonaa. Doonni ka samayso qoryo gofer ah; qowladana ka dhex samee doonnida, daamurna ka mari dusha iyo hoostaba. Waa inaad sidatan u samaysid iyada: doonnida dhererkeeda waxaad ka dhigtaa saddex boqol oo dhudhun, ballaadhkeedana waxaad ka dhigtaa konton dhudhun, sarajooggeedana waxaad ka dhigtaa soddon dhudhun. Waa inaad dariishadna u samaysid doonnida, oo waxaad ku dhammaysaa in dhudhun ah ilaa xaggeeda sare, albaabka doonnidana dhinaca ka samee, dabaqad hoose, iyo tu labaad, iyo tu saddexaadna u samee iyada. Oo bal eeg, anigu daad biyo ah baan ku soo dayn dhulka, inaan baabbi'iyo inta jidhka leh oo dhan oo neefta noloshu ku jirto, inta samada ka hoosaysa; wax kasta oo dhulka joogaaba way dhiman doonaan. Laakiin axdigayga adigaan kula dhigan doonaa; oo doonnidaad soo geli doontaan, adiga, iyo wiilashaada, iyo naagtaada, iyo naagaha wiilashaada ee kula jiraba. Oo wax kasta oo nool oo jidh leh waa inaad cayn walba laba ka soo gelisaa doonnida, si ay kuula sii noolaadaan; waana inay ahaadaan lab iyo dhaddig ...si ay u sii noolaadaan. Cuntada la cuno oo dhanna qaado, oo kulligeed ururso oo waxay idiin noqon doontaa cunto, adiga iyo iyagaba." (Bilowgii 6:13-21)

Ilaahay wuxuu Nuux u sheegay inuu qorsheeyey inuu adduunka daad ku soo daayo si uu u halaago qof kasta oo diidey inuu toobad keeno oo runta rumeeyo. Ilaahay wuxuu Nuux u sheegay inuu doon dhiso si uu daadkaa uga baxsado. Waxay ahayd inuu doontaa u dhiso sidii uu Ilaahay ugu sheegay. Doontaa waxaa ku badbaadi dooney Nuux iyo reerkiisii iyo xayawaan badan iyo mid kasta oo kale oo Erayga Ilaahay rumayn dooney.

Nuux-na wuxuu bilaabay inuu doontii dhiso. Hawl weyn bay tani ahayd. Koley waxaa kaloo isaga hawshaa ka caawiyey xaaskiisii, saddexdiisii wiil iyo iyaga xaasaskoodii. Boqol sanno ayay Nuux iyo reerkiisii hawshaa adag wadeen oo doonta dhisayeen. Nuux hawshiisii doon dhishadda oo keliya kumuu ekayn, laakiinse wuxuu kaloo isagu intaa wacdiyayey qoonkiisii, isaga oo uga digaya cadhada Ilaahay dembiyadoodii daraaddood, halaaggii iyaga ku soo foolka lahaa, inay toobad keenaan, iyo sababtii uu doontaa u dhisayey. Si kasta ayuu Nuux qoonkiisii ugu sheegay inay sharkooda ka toobad keenaan.

Maxay adiga kula tahay? Qoonkii Nuux miyay Eraygii uu Ilaahay nebigiisa ugu soo dhiibey rumeeyeen? Hadda su'aashaa kama jawaabayno. Casharkeena kan ku xiga ayaynu kaga sii hadli doonaa qisada nebi Nuux, oo waxaynu arki doonaa sidii uu Ilaahay u samato bixiyey mid kasta oo Eraygiisii rumeeyey, iyo sidii uu u xukumay kuwii Eraygiisa rumayn waayey, oo uu iyaga daadkii biyaha ugu halaagey.

Ilaahay ha idin barakeeyo, niyaddana ku xejiya, oo xasuusta Eraygan Ilaahay:

"Rabbigu kama raago inuu ballankiisa oofiyo sida dadka qaarkiis ku tiriyo inay tahay raagid, laakiinse idinkuu idiin dulqaadanayaa, oo dooni maayo in qofnaba halligmo, laakiinse wuxuu doonayaa in kulli la wada toobadkeeno. Laakiinse maalinta Rabbigu waxay u iman doontaa sida tuug oo kale." (2 Butros 3:9-10)

 

Bible Verse of the Day

Latest Post Blog

Masiixiyiinta Soomaalida iyo Hay'adda Culimada Soomaaliyeed!
"Masiixiyiinta Soomaaliyeed laaya, dila, qoorta ka gooya..." Erayadan waxaa dhowaan ku dhawaaqay Sheekh ka mid kuwa ugu sarreeya Hay'adda Culimada Soomaaliyeed. Odhaahdan nacaybka badani ka muuqdo waxaa Shiikha ka keenay kaddib markii ay tobaneeyo Masiixiyiinta Soomaaliyeed ahi ku dhiiradeen inay rumaysigooda qirtaan oo ay markhaatifurkooda soo dhigaan baraha warbaahinta.  Waa marka ugu horraysee, waxaan u hambalyaynayaa Masiixiyiinta Soomaaliyeed ee sida dhiiranaanta leh u qirtay rumaysigooda, dadaalkana ugu jira inay walaalahooda Soomaaliyeed la qaybsadaan Injiilka Ciise Masiix—Warka Wanaagsan, kaas oo ku dhisan dembidhaaf, badbaado, iyo jacayl. Waxaana iyaga ku dhiirigelinayaa inay dadaalkooda halkaa ka sii wadaan iyaga oo xasuusanaya inay ummaddooda iftiin u yihiin, sidii uu Sa...
0
KIINEE DHAGAXA UGU HORREEYA KU TUURAYA?
  Qalbi xanuun weyn baa kugu dhacaya marka aad aragtid xaqdarrooyinka badan ee bini'aadanku isku hayo, haddana kuwan qaarkood ayaa adiga si gaar ah kuu sii taabanaya, oo muddo dheer niyaddaada ka sii gubanaya, kuguna khasbaya inaad isku daydo inaad wax ka tidhaahdo, gaar ahaan marka caddaalad daradaa lagu sameeyey iyada oo magaca Ilaahay la isticmalaayo.    Tusaale ahaan, waxaan aad uga gubtey dilkii foosha xumaa ee bishii Maarso 20, 2015 ka dhacay waddanka Afgaanistaan, halkaas oo boqolaal rag ahi haweeney magaceedu ahaa Farkhunda ay si axmaqnimo ah dhagax ugu dileen dabadeedna jidhkeedii gubeen, iyaga oo ku eedeynaya inay Quraan gubtey. Waxaase markii dambe la caddeeyey inay haweeneydaasi maskaxda ka jirranayd, oo 'dembiga' lagu soo eedeeyeyna uu been abuur ahaa. ...
KA DIGTOONAADA AFLAGAADEYNTA DIIMAHA KALE
  "Haddii mid isu maleeyo inuu cibaado badan yahay, oo uusan afkiisa xakamayn, laakiin uu qalbigiisa khiyaaneeyo, kaas cibaadadiisu waa wax aan waxtar lahayn." (Yacquub 1:26).   Waxaa maalmahan aad loo hadal hayaa dhacdooyinkii ka dhacay Paris, iyo dilkii loo geystey joornaaliistayaashii Charlie Hebdo. Dhacdadani waxay tooshka ku qabatay su'aal hore u jirtey oo ah, "Ma saxsan tahay in diimaha dadka kale la aflagaadeeyo?" Anigu haddaan Masiixi ahay waxaan is weydiinayaa, "Ma saxsan tahay inay Masiixiyiintu diimaha dadka kale aflagaadeeyaan?" Jawaabta su'aashanina waa MAYA.  Tan macnaheedu maaha inaan dhiirigelinayo in dad lagu dilo magaca diin la aflagaadeeyey ama Ilaahay dartii. Waxaan oggolahay in diimaha iyo sida loogu dhaqmo la baadho, su'aalo la iska weydiiyo, ...
0
FEKERO KIRISMAS-ka LA XIDHIIDHA
Waxaa mar kale inagu soo dhow xusidii dhalashadii Sayid Ciise Masiix. Intii aan buuqa, dabaaldegyada, iyo wax iibsiga (shopping) ku mashquuli lahaa, waxaan anigu doortay inaan mar kale si sakhsiyan ah uga fekero macnaha uu wakhtigan muhiimka ahi aniga ii leeyahay. Marka aan qisadii dhalashadii Masiixa ka akhriyo Injiilka sida uu Matayos u qoray 1:18-25, laba odhaahood oo muhiim ah oo aayadahan ku jira ayaan si gaar ah ii taabanaya:  "Waxaas oo dhan waxay u dhaceen in la arko wixii Rabbigu kaga dhex hadlay nebiga, isagoo leh, Gabadh bikrad ah baa uuraysan doonta oo wiil umuli doonta, Magiciisana waxaa loo bixin doonaa, Cimmaanuu'eel; kan micnihiisu yahay, ILAAH BAA INALA JOOGA." (Matayos 1:22, 23).  1. ILAAH BAA INALA JOOGA: ma dareemeysaa inuu Ilaahay kuu dhow yahay oo kula jo...
0
CIIDUL-ADXA: ALLABARIGII IBRAAHIM
Islaamku wuxuu sannadkiiba u dabaaldegaa laba ciidood oo waaweyn - Ciidul-Fidri iyo Ciidul-Adxa. Ciidul-Fidriga oo la qabto marka bisha ramadaan dhammaato, iyo Ciidul-Adxa oo ku aaddan laba bilood ramadaanka kaddib, bisha Zil-Haj, markaas oo xoolo allabari ahaan loo qalo, tan oo lagu xasuusanayo allabarigii uu Ibraahim doonayey inuu willkiisii u bixiyo. Wadaadada Muslinka ah badankoodu waxay sheegaan inaan wax xidhiidh ahi ka dhexayn allabarigan iyo dhimashadii uu Ciise iskutallaabta allabari ahaanta innaga inoogu dhintay. Haddaanu Masiixiyiin nahay waxaanu rumaysannahay in allabarigii Ibraahim lahaa waxyi ama muujin qoto dheer, oo uu tusaale u ahaa allabari ka weyn oo soo socdey. Bal aynu horta noloshii Ibraahim eegno. Wax xidhiidh ah ma ka dhexeeyaa sida Quraanka iyo Baybalku tan ugaga...
0

Get Involved / Na Caawi  Today!

Nagala soo xidhiidh email-kan / Contact us via this emaila: This email address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it.

 

Signup to our Newsletter:

S5 Box

Register

*
*
*
*
*
*

Fields marked with an asterisk (*) are required.