Get Involved Today!
|
Register
 

Waa kuma ciise?


markii su'aashan shakhsi ahaan laguu weydiiyo, tani waa su'aasha ugu muhiimsan ee weligeed la is weydiiyey amma laga jawaabey. kumuu ciise masiix adiga kuu yahay?

Print
Email
14
Sep

 Bilowgii 4

Casharkeenii ugu dambeeyey ee barashada Towreedda, waxaynu ku soo aragnay in kaddib markii ay Aadan iyo Xaawa dembaabeen, uu Ilaahay bilaabay inuu ogeysiis ka sii bixiyo Qorshihiisii ahaa inuu adduunka u soo diro Mid, kaas oo carruurta Aadan ka samatabixin doona awoodda Shaydaanka iyo dembiga iyo cadaabta. Ilaahay oo keliya ayaa dembiga dembiileyaasha dabooli kara, sidaa daraadeed waxaynu soo aragnay inuu Ilaahay Laftiisu neef allabari ahaan u bixiyey oo uu haraggiisii iyaga dhar uga sameeyey si uu Aadan iyo Xaawa qaawanaantoodii ugu daboolo. Ilaahay ayaa allabarigii ugu horreeyey qalay. Waxaynu kaloo soo aragnay inuu Ilaahay sii sheegay inay adduunka ka jiri doonaan laba nooc oo dad ahi: kuwo diidi doona inay Erayga Ilaahay rumeeyaan iyo kuwo rumayn doona.

Maanta waxaynu wax ka baran doonaa labadii wiil ee ugu horreeyey ee Aadan iyo Xaawa: Qaabiil, oo diidey inuu Ilaahay rumeeyo, iyo Haabiil, oo Ilaahay rumeeyey. Sidii aynu soo aragnay, Aadan iyo Xaawa hadda Beertii Jannada (Ceeden) dibaddeeda ayay ku noolaayeen. Ilaahay ayaa iyaga dibedda u tuuray xadgudubkoodii daraaddiis. Dembigoodii daraaddiis, iyagu dib uguma sii dhex noolaan karin barakadii Beertii Jannada. Dembigoodii ayaa kharibey xidhiidhkii ay Ilaahay la lahaayeen. Laakiinse, Ilaahay weli iyaga wuu jeclaa oo wuu daryeelayey.

Aynu hadda akhrino Towreedda. Cutubka afraad ee kitaabka Bilowgii, oo ay ku qoran tahay, "Ninkiina naagtiisii Xaawa ahayd buu u tegey; wayna uuraysatay, oo Qaabiil bay dhashay, oo waxay tidhi, Wiil baan ku helay Rabbiga caawimaaddiisa. Dabadeedna waxay dhashay walaalkiis Haabiil. Haabiilna wuxuu ahaa adhijir, laakiin Qaabiil wuxuu ahaa beerfale." (Bilowgii 4:1,2)

Aadan iyo Xaawa laba wiil baa u dhashay, Qaabiil iyo Haabiil. Kuwani sidii waalidkood uun bay dembiileyaal ahaayeen. Dembigii Aadan ayaa carruurtiisii ku faafay, sida cudur faafa. Qaabiil iyo Haabiil dembi ayaa lagu dhalay. Sidaa daraadeed wuxuu Qorniinku odhanayaa: "Aaddana wuxuu dhalay wiilal isagii u eg oo arragiisii leh." (Bilowgii 5:3) Wiilashu sida aabbahood uun bay ahaayeen. Qaabiil iyo Haabiil waxay ku dhasheen dabeecad dembi leh. Carruurtii way koreen oo aqoon baa u korodhay. Qaabiil wuxuu noqday beerfale. Isagu aad buu u shaqayn jirey oo shaqada adagna kamuu gaban jirin. Haabiilna wuxuu noqday adhijir. Labadooduba wax bay Ilaahay ka yaqaaneen. Waxay ogaayeen inuu Ilaahay jiro, iyo inuu Isagu quduus yahay oo dembiga neceb yahay. Oo waxay ahayd inay labadooduba ogaayeen in si ay Ilaahay ugu soo dhowaadaan, ay u baahnaayeen inay allabari qalaan sidii uu Ilaahay banneeyey.

Waxaa timid maalin noloshii Qaabiil iyo Haabiil ah, markaas oo ay iyagu go'aansadeen inay Ilaahay caabudaan oo ay Isaga allabri u bixiyaan. Sidan ayuu Erayga Ilaahay taa inooga sheegayaa:

" Maalmo dabadeed waxay noqotay in Qaabiil qurbaan ahaan Rabbiga ugu keenay midhihii dhulka. Haabiilna wuxuu wax uga keenay curadyadii adhigiisa iyo baruurtoodiiba. Rabbiguna wuu eegay Haabiil iyo qurbaankiisii; laakiinse Qaabiil iyo qurbaankiisii Rabbigu ma uu eegin. Qaabiilna aad buu u cadhooday, wejigiisiina murugaa ka muuqatay." (Bilowgii 4:3-5)

Aynu ka fekerno wixii dhacay. Laba qof ayaa doonayey inay Ilaahay caabudaan. Labadoodiiba allabari ayay Ilaahay u keeneen. Laakiinse Qorniinku wuxuu odhanayaa: "Rabbiguna wuu eegay Haabiil iyo qurbaankiisii; laakiinse Qaabiil iyo qurbaankiisii Rabbigu ma uu eegin." Muxuu Ilaahay u aqbalay allabarigii Qaabiil, oo u aqbali waayey allabarigii Qaabiil? Maxay labada allabari ku kala duwanaayeen?

Run ahaantii, allabariyada Qaabiil iyo Haabiil aad bay u kala duwanaayeen. Qaabiil wuxuu Ilaahay u keenay qudaartii quruxda badnayd ee macaanayd. Haabiilna, wuxuu Ilaahay u keenay dhiiggii wan aan iin lahayn. Ilaahna wuxuu saamaxay dembiyadii Haabiil, laakiinse Qaabiil dembiyadiisii kamuu saamixin.

Muxuu Ilaahay dembiyadii Haabiil u saamaxay, kii u keenay keenay dhiiggii wanka, oo uu u saamixi waayey dembiyadii Qaabiil, kaas oo khudaartii iyo midhihii beerta u keenay? Sababtu ma waxay ahayd inuu Ilaahay qudaarta iyo midhaha beerta nacayey? Maya, sababtu taas maaha! Haddaba, muxuu Ilaahay Haabiil xaq uga dhigay, Qaabiilna dembiile ugu tiriyey? Sababtu waa in: Haabiil keenay allabarigii uu Ilaahay doonayey (dejiyey), laakiinse Qaabiil wax kale ayuu keenay. Muxuu Ilaahay doonayaa si uu dembiyada u saamixi karo Isaga oo aan xaqnimadiisa meel kaga dhicin? Wuxuu doonayey dhiigga--nolosha--neef aan iin lahayn. Haabiil Ilaahay ayuu rumeeyey oo allabari ayuu qalay oo dhiig daadiyey, isla sidii uu Ilaahay baneeyey. Markaa, Qorniinku wuxuu odhanayaa, "Haabiil rumaysad ayuu Ilaah ugu bixiyey allabari aad uga wanaagsan kii Qaabiil, sidaas daraaddeed waxaa loogu markhaati furay inuu xaq yahay, Ilaahna waa ka markhaati furay hadiyadihiisii {allabarigiisii}." (Cibraaniyada 11:4) Haabiil Ilaahay ayuu rumeeyey, laakiinse Qaabiil ma rumayn.

Waa maxay macnaha Ilaahay oo la rumeeyaa? Ilaahay oo la rumeeyaa waa in Isaga lagu kalsoonaado oo Eraygiisa la adeeco. Ilaahay oo la rumeeyaa waa in la aqbalo in waxa Ilaahay yidhaahdaa run yihiin. Haddii aad tidhaahdid "Ilaahay baan rumaysanahay," laakiinse aadan adigu rumaysnayn waxa uu Qorniinka Quduuska ah inoogu sheegayo, markaa adigu runtii Ilaahay ma rumaysnid. Ilaahay iyo Eraygiisu waa mid. Hadii aad Ilaahay rumaysan tahay, waad rumaysan doontaa oo adeeci doontaa Isaga Eraygiisa. Haddii aadan rumaysnayn waxa uu Ilaahay yidhi, Ilaahay Laftiisa ayaad diideysaa.

Ilaahay wuu aqbalay Haabiil waayo isagu wuxuu rumeeyey Eraygiisa oo wuxuu bixiyey allabari dhiig, isla sidii uu Ilaahay amray. Ilaahay muu aqbalin Qaabiil, waayo isagu si daacad ah Erayga Ilaahay uma rumaysnayn. Qaabiil wuxuu ku andacoonayey inuu Ilaahay rumaysnaa, laakiinse ficilladiisii wuu ku beeninayey, waayo isagu allabari muu qalin, oo dhiig ma daadin, isla sidii uu Ilaahay amray.

Qaarkiin baa is weydiinaya, "Muxuu Ilaahay allabariga xoolaha u amray?" Muxuu Ilaahay u yidhi, "Oo dhiigdaadinla'aan dembidhaaf ma jiro."? Waa tan sababtu: Qaynuunka Ilaahay ee quduuska ah ayaa sheegaya in ciqaabta (mushahaarada, cawaaqibka) dembigu dhimasho yahay! Waa sababtaa ta ay u tahay in dhiig la daadiyo. Ilaahay muu odhan, "Ciqaabta dembiga waxaa lagu soo gudi karaa midho iyo khudaar." Sidoo kale Ilaahay muu odhan, "Ciqaabta dembiga waxaa lagu soo gudi karaa in la tukado oo la soomo oo camallo fiicfiican la sameeyo." Maya! Waxa uu Ilaaha Quduuska ahi yidhi waa: Mushahaarada dembigu waa dhimasho!

Ilaahay ayaa qoraalladii Nebiyada inagu tusaya in qof kasta oo bini'aadan ahi dembaabey iyo in dembiile kasta Ilaahay hortiisa deyn weyn lagu leeyahay. Waa inuu dembiiluhu dhintaa oo deyntaa dembiga weligiis naarta ku gudaa. Deynta dembigu aad bay u weyn tahay oo adigu ma samayn kartid camallo wanwanaagsan oo ku filan oo deyntaa Ilaahay kugu leeyahay soo gudi kara. Ciqaabta dembigu waa dhimasho iyo naar, waana sababta ta aynaan camallada wanwanaagsani marna u gudi karin!

Saamaxaadda dembigu kuma salaysna qorshaha dadka, laakiinse qorshaha Ilaahay. Allabari (meeshooda gala), ayaa ah albaabka uu Ilaahay u furay ee dembidhaafka iyo badbaadada carruurta Aadan. Berigii hore, Ilaahay wuxuu soo dejiyey inuu dembiile kastaa keeno neef xoolo ah oo aan iin lahayn oo uu qalo. Neef aan wax dembi ah lahayn ayaa dhimanaya si uu u galo booskii dembiilaha. Allabarigaa dhiiggiisa la daadiyey daraaddiis ayaa Ilaahay ugu naxariisanayey farcankii Aadan oo intii wakhti ah dembiyadooda ku daboolayey. Laakiinse allabariga dhiiggiisu ma tirtiri karin deyntii dembiga qofka, waayo qiimaha xayawaanku la mid maaha ka qofka bini'aadanka ah. Waa sababtaa ta uu Erayga Ilaahay u sheegayo in allabarigii xooluhu ahaa "hooskawaxyaalaha wanaagsan oo iman dooney, laakiin ma leh suuradda waxyaalahaas laftooda...waayo, ma suurtowdo in dibiyo iyo orgiyo dhiiggoodu dembiyo qaado." (Cibraaniyada 10:1,4)

Markaa, midda ugu muhiimsan ee ay tahay in la xasuusto ee allabariga xoolaha ku saabsani waa inay iyagu keliyoo sawir ka sii bixinayeen Badbaadiyaha, kaas oo adduunka imaan dooney si uu u bixiyo deynta dembiga ee farcanka Aadan. Badbaadiyahan, oo Ilahaay ballanqaaday, wuxuu u dhiman dooney "Dembiyada mar {kama dambays ah}.  Isagoo xaq ah ayuu u xanuunsaday kuwa aan xaqa ahayn aawadood inuu inoo keeno Ilaah." (1 Butros 3:18). Oo waxaa Injiilka ku qoran: "Isaga nebiyada oo dhan ayaa u markhaati fura in mid kastoo isaga rumaystaa uu magiciisa ku helo dembidhaafka." (Fallimaha Rasuullada 10:43)

Laakiinse, intii markaas ka horreysey, qorshaha Ilaahay ee badbaadadu wuxuu ahaa allabriyada xoolaha. Laakiinse Qaabiil qorshahaas wuu iska dhego tiray. Qaabiil qorshe kale ayuu isagu iskala yimid - diin uu isagu iska samaystay. Qaabiil wuxuu sameeyey diintii beenta ahayd ee ugu horreysey. Isagu wuxuu Ilaahay u keenay shaqadii gacmahiisa. Wuxuu Ilaahay allabari ahaan ugu keenay wixii uu beerta ka falay, taasi waa, wixii ka soo baxay dhulka habaaran, kaas oo aan dhiig lahayn. Ilaahay miyuu aqbalay "allabari" aan dhiig lahayn? Maya, Ilaah taas ma aqbalin.

Haabiilse, isagu wuxuu Ilaahay u bixiyey neef aan iin lahayn, oo wuu qalay si dhiig loo daadiyo. Dabadeedna wuu gubey. Allabarigaa daraaddiis, Haabiil qalbi saafi ah buu Ilaahay hortiisa ku lahaa. Isagu wuxuu ogaa in uu laftiisu dhimasho u qalmey, laakiinse neefkaa aan iinta lahayn baa booskiisii u dhintay. Markaa, Haabiil wuxuu tusay rumaysigiisii Bixiyaha adduunka imaan dooney, si uu ugu dhinto meeshii dembiileyaasha, si uu u qaado ciqaabtii dembiyadooda.

Aynu casharka maanta ku soo duuduubno su'aashan aadka muhiimka u ah. Muxuu Ilaahay u aqbali waayey allabarigii Qaabiil? Qaabiil miyuu ka dembi badnaa Haabiil? Taas maaha sababtu. Labadooduba dembiileyaal bay ahaayeen. Labadooduba allabariyo ayay Ilaahay u keeneen. Qaabiil laftiisu ehlu diin buu ahaa. Marka dusha laga fiiriyo, oo xataa laga yaabaa inaynu nidhaahno in allabarigii Qaabiil uu ka qurux badnaa kii Haabiil. Midhaha iyo khudaartu way qurux badan yihiin, laakiinse neef la qalay oo dhiig ka daatay wax qurux badan oo la fiiriyo maaha! Laakiinse, dembigu xadgudub ayuu Ilaahay ku yahay oo jidka saamaxaadda ee Ilaahay dejiyey ayaa odhanaya, "Dhiig daadin la'aan dembidhaaf  ma jiro!" Markaa, Ilaahay wuu diidey Qaabiil iyo allabarigiisii, waayo Qaabiil muu tixgelin jidkii xaqa ahaa ee badbaadada ee Ilaahay.

Ma og tahay inuu Ilaahay Laftiisu adduunka u soo diray Badbaadiye weyn si innaga dembiyadeena la inooga saamaxo oo aynu Ilaahay hortiisa Qalbi saafi ah ugu yeelano? Casharradeena soo socda ayaynu ku baran doonaa wax Badbaadiyahan wanaagsan ku saabsan. Sidan ayuu Qorniinku ka odhanayaa Isaga: "Mid kale badbaadada lagama helo, maxaa yeelay, ma jiro magac kale samada hoosteeda oo dadka dhexdooda loo bixiyey oo waajib inoo ah inaynu ku badbaadno." (Fallimaha Rasuullada 4:12)

Ilaahay ha idin barakeeyo inta aad ka fekereysaan qaynuunkan aasaasiga ah:

""Dhiigdaadin la'aan dembidhaaf  ma jiro." (Cibraaniyada 9:22)

Bible Verse of the Day

Latest Post Blog

Masiixiyiinta Soomaalida iyo Hay'adda Culimada Soomaaliyeed!
"Masiixiyiinta Soomaaliyeed laaya, dila, qoorta ka gooya..." Erayadan waxaa dhowaan ku dhawaaqay Sheekh ka mid kuwa ugu sarreeya Hay'adda Culimada Soomaaliyeed. Odhaahdan nacaybka badani ka muuqdo waxaa Shiikha ka keenay kaddib markii ay tobaneeyo Masiixiyiinta Soomaaliyeed ahi ku dhiiradeen inay rumaysigooda qirtaan oo ay markhaatifurkooda soo dhigaan baraha warbaahinta.  Waa marka ugu horraysee, waxaan u hambalyaynayaa Masiixiyiinta Soomaaliyeed ee sida dhiiranaanta leh u qirtay rumaysigooda, dadaalkana ugu jira inay walaalahooda Soomaaliyeed la qaybsadaan Injiilka Ciise Masiix—Warka Wanaagsan, kaas oo ku dhisan dembidhaaf, badbaado, iyo jacayl. Waxaana iyaga ku dhiirigelinayaa inay dadaalkooda halkaa ka sii wadaan iyaga oo xasuusanaya inay ummaddooda iftiin u yihiin, sidii uu Sa...
0
KIINEE DHAGAXA UGU HORREEYA KU TUURAYA?
  Qalbi xanuun weyn baa kugu dhacaya marka aad aragtid xaqdarrooyinka badan ee bini'aadanku isku hayo, haddana kuwan qaarkood ayaa adiga si gaar ah kuu sii taabanaya, oo muddo dheer niyaddaada ka sii gubanaya, kuguna khasbaya inaad isku daydo inaad wax ka tidhaahdo, gaar ahaan marka caddaalad daradaa lagu sameeyey iyada oo magaca Ilaahay la isticmalaayo.    Tusaale ahaan, waxaan aad uga gubtey dilkii foosha xumaa ee bishii Maarso 20, 2015 ka dhacay waddanka Afgaanistaan, halkaas oo boqolaal rag ahi haweeney magaceedu ahaa Farkhunda ay si axmaqnimo ah dhagax ugu dileen dabadeedna jidhkeedii gubeen, iyaga oo ku eedeynaya inay Quraan gubtey. Waxaase markii dambe la caddeeyey inay haweeneydaasi maskaxda ka jirranayd, oo 'dembiga' lagu soo eedeeyeyna uu been abuur ahaa. ...
KA DIGTOONAADA AFLAGAADEYNTA DIIMAHA KALE
  "Haddii mid isu maleeyo inuu cibaado badan yahay, oo uusan afkiisa xakamayn, laakiin uu qalbigiisa khiyaaneeyo, kaas cibaadadiisu waa wax aan waxtar lahayn." (Yacquub 1:26).   Waxaa maalmahan aad loo hadal hayaa dhacdooyinkii ka dhacay Paris, iyo dilkii loo geystey joornaaliistayaashii Charlie Hebdo. Dhacdadani waxay tooshka ku qabatay su'aal hore u jirtey oo ah, "Ma saxsan tahay in diimaha dadka kale la aflagaadeeyo?" Anigu haddaan Masiixi ahay waxaan is weydiinayaa, "Ma saxsan tahay inay Masiixiyiintu diimaha dadka kale aflagaadeeyaan?" Jawaabta su'aashanina waa MAYA.  Tan macnaheedu maaha inaan dhiirigelinayo in dad lagu dilo magaca diin la aflagaadeeyey ama Ilaahay dartii. Waxaan oggolahay in diimaha iyo sida loogu dhaqmo la baadho, su'aalo la iska weydiiyo, ...
0
FEKERO KIRISMAS-ka LA XIDHIIDHA
Waxaa mar kale inagu soo dhow xusidii dhalashadii Sayid Ciise Masiix. Intii aan buuqa, dabaaldegyada, iyo wax iibsiga (shopping) ku mashquuli lahaa, waxaan anigu doortay inaan mar kale si sakhsiyan ah uga fekero macnaha uu wakhtigan muhiimka ahi aniga ii leeyahay. Marka aan qisadii dhalashadii Masiixa ka akhriyo Injiilka sida uu Matayos u qoray 1:18-25, laba odhaahood oo muhiim ah oo aayadahan ku jira ayaan si gaar ah ii taabanaya:  "Waxaas oo dhan waxay u dhaceen in la arko wixii Rabbigu kaga dhex hadlay nebiga, isagoo leh, Gabadh bikrad ah baa uuraysan doonta oo wiil umuli doonta, Magiciisana waxaa loo bixin doonaa, Cimmaanuu'eel; kan micnihiisu yahay, ILAAH BAA INALA JOOGA." (Matayos 1:22, 23).  1. ILAAH BAA INALA JOOGA: ma dareemeysaa inuu Ilaahay kuu dhow yahay oo kula jo...
0
CIIDUL-ADXA: ALLABARIGII IBRAAHIM
Islaamku wuxuu sannadkiiba u dabaaldegaa laba ciidood oo waaweyn - Ciidul-Fidri iyo Ciidul-Adxa. Ciidul-Fidriga oo la qabto marka bisha ramadaan dhammaato, iyo Ciidul-Adxa oo ku aaddan laba bilood ramadaanka kaddib, bisha Zil-Haj, markaas oo xoolo allabari ahaan loo qalo, tan oo lagu xasuusanayo allabarigii uu Ibraahim doonayey inuu willkiisii u bixiyo. Wadaadada Muslinka ah badankoodu waxay sheegaan inaan wax xidhiidh ahi ka dhexayn allabarigan iyo dhimashadii uu Ciise iskutallaabta allabari ahaanta innaga inoogu dhintay. Haddaanu Masiixiyiin nahay waxaanu rumaysannahay in allabarigii Ibraahim lahaa waxyi ama muujin qoto dheer, oo uu tusaale u ahaa allabari ka weyn oo soo socdey. Bal aynu horta noloshii Ibraahim eegno. Wax xidhiidh ah ma ka dhexeeyaa sida Quraanka iyo Baybalku tan ugaga...
0

Get Involved / Na Caawi  Today!

Nagala soo xidhiidh email-kan / Contact us via this emaila: This email address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it.

 

Signup to our Newsletter:

S5 Box

Register

*
*
*
*
*
*

Fields marked with an asterisk (*) are required.